Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID  Eng. Faysal  Cali Waraabe, ayaa dafiray inuu basaasay dhalinyaradii iyo aqoonyahanadii reer Somaliland ee uu taliskii Siyaad barre xidhay horaantii sideetameeyadii, taas oo marar baddan  lagu eedeeyay  inuu kaalin weyn  ku lahaa,

 

isla markaana Madaxweyne Siilaanyo oo xalay ka hadlay arrimo baddan uu soo qaaday  xidhitaankii dhalinyaradaa iyo doorkii uu ku lahaa Faysal.
Hase yeeshee Faysal Cali Waraabe waxa uu qiray inuu xidhiidh saaxaabtinimo la lahaa Gaani, kaas oo  uu ka gaabsaday inuu sharaxaad ka bixiyo nooca uu ahaa xidhiidhkii uu la lahaa  Taliyihii  ciidamadii qeybta 26-aad ee Soomaaliya Maxamed Xaashi Gaani oo marar baddan siyaasiyiin waaweyn iyo aqoonayahano siyaabo kala duwan usoo  weriyeen  inay wada shaqayn iyo saaxiibtinimo qoto dheeri ka dhaxaysay.
Guddoomiyaha UCID  oo  waraysi siiyay maanta telefishanka Horn Cable, isagoo daba socda   jawaab  Madaxweyne Siilaanyo ka bixiyay hadalo canbaarayn ah oo uu Faysal maalmihii la soo dhaafay ku faafiyay qalabka warbaahinta, isla markaana ku eedeeyay Faysal inuu ahaa basaas xiligii halgankii ayuu jawaab ka bixiyay gudoomiyaha UCUD.
Faysal Cali Waraabe oo wajigiisa ay ka muuqatay deganaansho la’aan waxa uu ka hadlay arrinta ururkii UFO waxaanu yidhi.  “Aniga wuxuu ceeb iiga dhigay Madaxweynuhu UFO ayuu basaasay, UFO kiiskeeda maxkamad ayaa la saaray, intaan Anigu ka soo galayna waxay ahayd Gaani (Taliyihii Ciidankii qehybta 26-aad ee Soomaaliya)  ayay is yaqaaneen, maxkamad ayaa la saaray cidii la xidhiidhay waa la garanayaa. Ragii NNS-ta ahaa Cabdilaahi Cirro (Wasiirkii hore ee daakhiliga), Waran cade (wasiirkii hore ee duulista) way joogaan sharaftaan ku lahaa Somaliland iyo Soomaaliyaba waligay basaas la iguma sheegin.”
“Anagu (mucaaridka) haddii aanu nahay waxaanu  ka hadalay xaalada dalkeenu marayo oo ah shaqada mucaaridka waliba waxaanu  go’aansanay inaanu muddo hal sano ah xukuumadda u dul qaadano oo aanu eegno. Waxaanu  ka hadalay waxay ahayd dhibaatada aanu u aragno inay dhacayso iyo siyaasadaha anaan jeclayn in wadankeena lagu maamulo. Waana waajib  haddii aanu nahay axsaabta mucaaridka,”ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID oo caawa u waramayay TV-ga Horn Cable.
Faysal Cali Waraabe waxa uu xukuumada ku eedeeyay dulqaad yaraan, waxaanu yidhi  “Waanu ka filaynay dawlada Axmed Siilaanyo dulqaad yaraanteeda waanu naqaanay in badana waanu ka hadalay todoba bilood ka hor ayaan idhi dawladeenu ma dulqaadanayso. Laakiin waxa nagu cusbaa wakhtiga uu Madaxweynuhu hadlay iyo xaalada markii uu TV-ga ka hadlayay iyo Wakhtigii uu hadlayay 2-dii habeenimo iyo wixii laga bilaabo ayuun bay ahayd waxa kaliya oo uu yeedhay TV-ga qaranka iyo Somaliland.Org way hurdeen dadkii kale oo dhami.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *