Waxay ahaayeen xubno tiradoodu kor u dhaaftay sideetaneeyo oo ka kala yimi saddex kooxood oo tartanka kubada siyaasadu  ka dhexeeyay.

In kasta oo  saamiga tirooyinka ay kala heleen ee guushu  kala duwanayd, hadana ma jirin faraq sidaa u weyn oo  u dhexeeyay.

Koox waliba waxay  gosha ku sidatay astaamaha iyo Afkaaraha siyaasadeed ee u gaarka ah, balse waxaan  meesha ka maqnayn inay qaarkood garawsan yihiin  waxyaabaha ay wadaagaan iyo hadafka guud ee dar dardaarankii taageerayaasha, taas oo ahayd  waxa ka dhexeeya Bulshada maalmihii ciyaarta tartankeedu socday  taageerada la daba taagnayd.

Waxay ahayd maalmo ay rajada iyo mooralka taageerayaashu si weyn uga muuqatay shucuurtooda, Iyadoo qaar badan oo ka mid ah wejiyadooda laga akhrisanayay yididiilo iyo rajo weyn oo inta badan Bulshadu ka qabeen xubnahaa kala sumada ahaa sannad iyo dhawr bilood ka hor,  waqtigaa oo ay socotay dabayl rajo weyn dadka gelinaysay oo mararka qaar u muuqanaysay mid laysku halayn karo.

Yididiilada iyo rajada maalmahaa ayaa sababtay inay qaar badan oo ka mid ah bulshadu guntadaan weedhihii ka imanayay kooxahaa ee dadka u sawirayay isbedelka rajada xanbaarsan.

Ujeedada ugu weyn ee Bulshadu ka lahayd ciyaartoyda ay door bidayeen inay yihiin laacibiin xul ah, waxay ahayd inay ka saaraan go,doon  siyaasadeed  oo ay dareemayeen in  gebi ahaanba ay kaga jiraan caaalamka intiisa kale dhawr iyo toban sanadood iyo inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka dhinaca nolosha iyo addeegyada aasaasiga ah ee ay sida weyn u tebayeen inay ka maqan yihiin.

Sidoo kale waxay Bulshadu doonaysay inay raggaas oo ay wax  bidayeen noqdaan kuwii xidhiidhin lahaa iyaga (Bulshada) iyo hogaankoodii  oo ay u arkayeen inuu  dhawr sanandood ka hor ay ugu danbaysay, isla markaana aanay wax jawaab ah weli ka helin tan iyo mudadaa, iyagoo filayay inuu wuxuun ka qaban doono waxyaabihii ay u igmadeen oo ay weli xusuusan yihiin balamihii uu hortooda ka qaaday, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen inuu wax ka qabanayo duruufaha ay tirsanayaan ee dhinacyada  adeegyada aasaasiga ah ee nolosha  iyo baahiyaha kale ee ay dareemayan oo ay  u arkayeen in aanu wax jawaab ah  weli kusoo celin.

Hase yeeshee kooxda loo igmaday inay hawshaa dhabarka u ritaan oo tiradoodu kor u dhaaftay sideetanka, waxa  intii aanay ka fuulin  Doonida la doonayay inay ku gaadhaan halkii loo doortay oo ahayd mid aan Shiraaq iyo Mishiin toona lahayn ayay isku maan dhaafeen kooxda xaqa u leh inay Doonida shukaanta u qabato oo ay naakhuudayaasheedu ka yimaadaan, balse muran mudo qaatay ka dib waxay laba ka mid ah saddexdaa kooxood isu bahaysteen inay shukaanta u qabtaan Doonta. Sidaa ayayna ugu jiheeyeen Badweynta siyaasadeed  ee ka horaysay, iyagoo aan samayn wax daraasad ah oo ku saabsan ujeedada iyo hadafka bulshadu usoo xulatay iyo halka ay ka bilaabayaan hawlaha baaxada badan ee horyaalay, amaba waxaba iskama ay weydiin mushkiladaha ka hor iman kara iyo waxa xal u noqon kara ee ay kaga gudbi karaan duufaano iyo dabalyo siyaasadeed oo gul-gila doonta ay saaran yihiin ee shiraaqa ah.

Inkasta oo arintaasi ahayd  mashaqo aanay dadkii raja ku noolka ahaa ku farxeen, hadana  Doonidaa oo u muuqatay mid daalan oo meel walba Biyo ka habaysa, isla markaana ay saamayn ku yeelatay xurgufta ka dhalatay hogaaminteedu waxa  Afka loo saaray dhinaca Badweynta, waxa indhaha iyo dhegahaba  Bulshadu u raaricinaysay waxa dhacayay , haddana waxay weli ka qabeen rajo inay kooxdaa doonida wada Fuushay yihiin kuwo dani is baday oo wax  ka qaban doona dhibaatooyinka ay dareemayaan, isla markaana  ay noqon doonaan  Biriishka isku xidhaya Bulshada iyo Hogaankooda Badweynta uga dabaal jooglaynaya, iyagoo ku qanacsan in haddii taasi suurta gasho ay rajo iyo mustaqbal fiican leeyihiin, balse guuldaradu aanay noqonayn mid ay ku farxi doonaan oo qof waliba ka nixi doono.

Hase yeeshee kooxdii Doonida raacday  intii aanay gaadhin halkii loo diray iyo hawlihii loo igmaday, waxa  qayladii iyo sawaxankii ka dhashay cidda awooda u leh inay shukaanta u qabato Doontu sababtay inay Hogaankii Bulshadu ugu dirtay inay ugu qaylo geeyaan u arkay duulaan kusoo fool leh, kadib markii uu ka sasay sawaxanka iyo qaylada hugunka kasoo socda dhinaca Berriga ee Bulshada kaga toosan, taas oo durbadiiba arrintooda u sawirtay col laga war helay.

Maadaama yoolkooda iyo sawaxankooda laga  dareemay intii aanay gaadhin halkii ay u socdeen, wuxuu guntiga iskaga xidhay sidii uu gaashaanka ugu daruuri lahaa ee aanay colka ku soo socdaa cagta uga soo rogeen Doonida, marka laga reebo koox yar oo ay isku sumad yihiin iyo kuwa xamili waayay inay doonidu la sabayso Badweynta  oo dhiniciisa isu soo dhiiba.
Doontaa iyo wixii saarnaa ayaa laga horkeenay mawjado siyaasadeed oo u diiday inay kuwa saarani Berriga cagta soo dhigaan, marka laga reebo  tiro yar oo ka mid ah kooxda dhufayska ka gashay Berriga ee diidan inay cid aanay raali ka ahayni kasoo degto doontaa iyo tiro yar oo kale oo iyagu  gabasho ku gaadha, kuwaas marka laga fushado ee ay dhameeyaan danaha laga leeyahay dib ugu laabta  halkoodii, si aanay saaxiibadood u tebin inay maqnaayeen.

Inkasta oo ay jireen dedaalo siyaasadeed oo la doonayay in  lagu dejiyo xaalada si doonida baroosinka loogu  dhigo,  ka dibna Ragga saaran la weydiiyo waxa ay doonayaan iyo cida soo igmatay, si loogu qanciyo dhinaca kale ee dhufayska u galay. haddana dedaalkaa labada dhinac  laysugu soo dhowaynayay oo ay hormood ka ahaayeen  Ergooyin waaweyn oo ka tirsan golaha masraxa dhaqanka  iyo siyaasadu muu noqon mid  midha dhala oo xal loogu helo arrintaa, waxayna xaaladu noqotay mid lagu guul daraystay, iyadoo  weli Doonida iyo xubnihii saaraa ilaa waqtigan ku go,doonsan yihiin Badweynta Siyaasada somaliland  oo ay sabaynayaan, isla markaana  awoodi kari waayeen  inay dib ugu soo laabtaan Bulshada jawaabta ka sugaysa ee weli la hirdamay duruufaha nolosha iyo gebi ahaanba wixii ay dareemayeen ee ay u wakiisheen sannad iyo dhawr bilood ka hor
Xaalada noocaa ah ayaa ku khasabtay qaarkood raggaa inay ka rajo beelaan wixii uu hankoodu ahaa ee ay doonayeen, waxayna markii ay xamili kari waayeen  qaateen go,aan la mid ah ka ay qaataan dadka iskaga haajira dalkooda. Laakiin saaxiibadood ayaa iyagu weli ku adkaysanaya inay guulaysan doonaan oo aanay marnaba dhacayn inay u jixin jixaan, ama uga debcaan mawqifkooda kooxda loo soo diray ee ka hor taagan inay berriga cagta soo dhigaan, waxayna la daalaa dhacayaan iska caabinta dagaalka siyaasadeed ee sida hirarka mawjadaha marba dhinac kaga imanaya doonida looxa ah ee ay saran yihiin oo xiligan u muuqata mid qarka u saran inay  ku dejiyaan mawjadaha siyaasadeed  ee ku dhacayay mudadii ay sabaynaysay.
Hase yeeshee waxa muuqata in aanay cidna dani ugu jirin inay degto, maadaama ay taasi meesha ka saaray gebi ahaanba rajadii mujtamaca ka godoomay hogaankoodii ee ay iska hor yimaadeen kuwii ay doonayeen inay xidhiidhiyaan oo xal u waayay sidii ay u badbaadin lahaayeen Bulshadooda, ama ay u samayn lahaayeen tanaasulaad, is faham iyo afgarasho, balse xaalada u muujiyay  I jiid aan ku jiidee  iyo rajo la’aan.

In kasta  aanay jirin jawaabo ay bulshadu ka heshay weli dhinaca Doonida iyo raggii saaraa mudadaa sanad iyo dheeraadka ah, hadana waxa jira warar si duul duul ah ay ku helayaan oo tibaaxaya in aanay tirada Doonta saarani ahayn intii saarayd markii ugu danbaysay, isla markaana waxa Bulshada xaaladaha godoonka ah iyo duruufaha nolosha ee qalafsan ku jirtay jawaab la’aanta ka haysata hogaankoodii iyo kuwii ay u wakiisheen inay xidhiidhiyaan oo aanay ilaa waqtigan ka war helin kaga daran  cabsi iyo wer werka ka dhashay weedhaha ay maalin iyo habeen maqlayaan ee kasoo duulaya nacabka ku xeeran oo aanay ka qarsoonayan goldalooloyinka iyo Baylahdoodu .

Jaaq iyo juuqlada jawaab la,aanta haysata Bulshada iyo siyaasadaha ku xeeran ee loo maleegayo sida shabaagta ayaa abuuray wer wer iyo walbahaar, waxayna weedhaha ay kusoo tuuraan nacabkoodu noqdaan kuwo damqaya doogta iyo dakharada aanay weligood ilaabayn ee ku yaala xusuustooda, waxayna ka murugaysan yihiin sida aanay uga warqabin kuwii nacabka kusoo waajahan  tusi lahaa waxay kaga gamilahayeen (seexan lahaayeen) ee gaashaanka uga noqon lahaa hagar daamooyinka cadawga usoo hamuumaya.
Muqaalkan aynu halkan kaga Faalloonay ee ku sawirayno golaha wakiilada ee Somaliland,  waa kii uu lahaa golaha wakiiladda Somaliland sannad iyo dhawr bilood kadib markii la doortay iyo xaaladu sida ay ahayd, waxaana waqtigaa Suxufiga Carraale Maxamuud Jamaac oo arrimahaa ka Faallooday ku daabacay wargeyska jamhuuriya  iyo shebekaddaha dhinaca Intrernetka dhamadkii 2006, isagoo sharaxayay murankii la kowsaday doorashadii golaha Wakiiladda ee xiliggaa iyo qaabkii ay xukuumaddii Madaxweyne Rayaale isu waajaheen.
Hadda maxaa golaha Wakiiladda iska bedelay sideed sanadood ka dib, oo mar kale dib loogu daabacay Faalladan Wargeysyada Dalka kasoo baxa iyo Warbaahinta dhanka Internetka, waxaana is weydiintu tahay ma yahay golaha wakiiladdu mid daboolay baahidii iyo tabashooyinkii bulshada oo gutay waajibkii loo doortay iyo himilooyinkii laga lahaa, isku day inaad rayigaaga ka dhiibato oo kusoo diro E-mailka hoose ee qoraaga.

Faallo By, Carraale M. jama journalist And Human Rights Activist E-mail jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *