Somali government soldiers Laascaanood(ANN)Ciidammada Qaranka Somaliland ee ku  sugan fadhiisinka jiida hore ee duleedka Garoowe oo saldhigoodu yahay Tuulada Gambadha oo 25 Km dhinaca Koonfur bari kaga began magaalada Laascaanood, ayaa dagaal ku dhexmaray Tukaraq oo qiyaastii 30 Km u jirta xarunta maamulka

 

budhac-badeeda ee Puntland. Kadib markii ay afduubeen malayshiyada ku sugnayd halkaasi Taliye urur ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland oo lagu magcaabo Geedi Shaanboo, kaas oo waqtigaa doonayay inuu booqdo reerkiisa oo degan halkaa.
Ciidanka qaranka Somaliland ayaa ku guulaystay inay gacanta kusoo dhigaan sarkaalkaa. Kadib markii uu halkaa dagaal khasaare dhaliyay ku dhexmaray malayshiyo beeleed iyo ciidamo ka socda maamulka Budhcad-badeeda xaruntiisu tahay  Garoowe.
Warar kala duwan oo shebekada Araweelo ka heshay deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland gaadheen magaalada Tukaraq ee duleedka Garoowe, isla markaana dhirbaaxo kulul ku dhifteen malayshiyada goobtaa joogtay iyo ciidaanka puntland oo weerar wada jir ah kusoo qaaday fadhiisinkaa. Ma jiro ilaa hada wax wara oo ay xukuumadda Somaliland kasoo saartay dagaalka. Sidoo kale maamulka Puntland ayaan ka hadlin xaalada deegaankaa iyo dagaalka, balse sida ay shebekada Araweelonews u xaqiijiyeen dad kala duwan oo ku sugan deegaanka dagaalku ka dhacay, waxa  dagaalkaa oo socday saacado baddan laysu adeegsaday hubka darandooriga u dhaca iyo gaadiidka gaashaan, isla markaana waxa halkaa laga maqlayay gabaldhicii dayanka madaafiicda iyo rasaasta.
Iyadoo wararkii ugu danbeeyay ee aanu ka helay deegaanku sheegayaan in gabal dhicii laysku haystay deegaanka lagu magcaabo  Ilma Cumar Wacays oo ah duleedka Tukaraq, isla markaana ciidanka qaranku khasaare ba’an gaadhsiiyeen maleeshiyadda Puntland oo ay ka qabteen maxaabiis,  hub  iyo saanad Milateri, balse warar kale ayaa sheegaya in khsaaraha labada dhinac yahay mid fudud oo aanay wax dhimasho ahi jirin. balse ay jiraan sadex askari oo dhinaca ciidanka qaranka dhaawacyo fududi soo gaadheen. laakiin dhinaca malayshiyada iyo isbahaysiga Puntland khasaare dhimasho iyo dhaawacba uu jiro.   
.
Dagaalka ayaa kusoo beegmay maalmo ka dib markii toodbaadkii tegay maleeshiyada Puntland weerar gaadmo ah ku soo qaadeen fadhiisinka jiida hore ee ciidanka Somaliland ee deegaanka Gambadha, halkaas oo ay ku dhaawacmeen laba askari oo Somaliland ka tirsan, isla markaana khasaare dhimasho iyo dhaawac ah loo geystay malayshiyadaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *