Doorashadii dalka dalka ka dhacday 26-kii Juune ayaa reer Somaliland u darereen sidii ay codkooda u dhiian lahayeen , isla markaana ay ka takhalusaan nidaamkii muddada sideeda sano dalka ka talinaayay, nidamkaas
oo lagu eedayn jiray waxqabad la’aan wada gaadhay dalkoodhan, taas oo ay ugu weynayd , musqumaasuq, cadaaladaro, cabudhin muwaadin raygiisa dhiibta iyo kalsoonidii shacabka oo u hanan waayay .badi shacabka Somaliland waxay aaminsanayeen in uu isbadalkani uu meesha ka saari doono degamooyin badan oo ay wali ka taliyaan masuliyiintii xukuumadii Rayaale oo iyagu wali u haysta in nidaamkii Rayaale talada hayo . degmooyinka Laasciidle, Xagal oo dhinaca bari ka xiga magaalada Brebera ayaa ah kuwa aanu isbadalku samayn ku yeelan, waxana loo baahan yahay in xukuumada Siillaanyo il gaar ah ku eegto maamulada ka taliya degmooyinka aynu soo sheeganay oo xiligii lagu jiray olalihii doorashada si toos ah u galay olalaha, iyagoo ah kuwo aanu sharcigu u ogalayn in ay xisbi u olaleyaan, degamooyinkaa aynu soo sheeganay ayaa waxa ka jira habcsanaan samayn weyn ku yeelatay adeegii bulsho ee asaasiga ahaa. Dadka ku dhaqan demooyinka Xagal iyo Laasciidle ayaa ah kuwo u heelan isbadal ka dhac halkaas . degmada Xagal iyo Laasciidle ayaa ah degaamooyin leh dhul baaxadiisu weyn tahay oo haddi la maalgashadana dalka horumar gaadhi karo. maamuladan ka jira deegamooyinkaa aynu soo sheegnay ayaa ah kuwo mar kasta musuqmaasuqa wixii mucaawino ah ee loogu talo galay deegamada. Hadaba xukuumada cusub waxaan u soo jeedinayanaa in ay fiiro gaar ah u yeelato maamulada wali ka jira Xagal iyo Laasciidle oo ka seexday masuuliyadii ay u hayeen dadka ku dhaqan degamadaas.
Baashe Cige Cilmi
Saleeban Cismaan Hure
Hargeysa Somaliland