Mudug(ANN)Mr. Siciid Maxamed Raage wasiirkii Dekeddaha maamulka Puntland ayaa lasii daayay Kadib markii maanta lagu wareejiyay
gudoomiyaha gobolka Mudug iyo Odayaal uu horkacayay, taas oo ka danbaysay dedaalo wadahadal oo ilaa xalay u socday kooxdaa Budhacd Badeeda iyo Odayaal uu horakacyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug. Sidaana waxa xaqiiyay warar ay shebekada araweelonews ka heshay deegaankaa.
Wasiirka ayaa kooxda Budhacad badeeda u Afduubnaa 24kii saacadood ee lasoo dhaafay. Kadib markii ay shalay ka kaxaysteen deegaanka Jiriiban ee duleedka Garacad oo ay kooxda budhacad badeedu ku leeyihiin fadhiisin weyn, iyadoo halkaa uu dagaal ku dhexmaray kooxdaa iyo Ilaalada wasiirka oo waqtigaa doonayay inuu galo magaalo xeebeeda garacad oo ay awood ku leeyihiin kooxda ka taajiray lacagaha madax furashada ee ay ka helaan Afduubka maraakiibta iyo doonayaha ay ka ugaadhsadaan badweynta India ee xeebaha Somalia iyo gacanka cadmeed. araweelonews.com kal soco wixii kasoo kordha.