Sida aynu ka wada war qabno bishan September 27 iyo 28 xukuumaddu waxay warbaahinta ku qarqisay dhisidda ciidamada ay ugu tala galeen ilaalinta shidaalka iyo waxa ay ka koobnaanayaan. Waxay u cuskadeen Faqradda 4aad ee Qodobka 12aad ee Dastuurka Qaranka.

Qodobka kor ku qorani wuxuu sheegaya in xukuumadda dhexe ay ka masuul tahay khayraadka dalka laakin ay si sharciga waafaqsan u fuliso hawlaha ay ummaddu u igmatay xukuumadda. Qodobka 53 qaybtiisa 3add ee xeerka qaranku wuxuu sheegaya in wixii heshiisyo, siyaasad ama dhaqaale ama Nabadgelyo (security), ah ee dowladdo ama cid kale lala galo in Golaha Wakiiladda laga ansaxiyo.

Waxa la ogsoonyahay oo laga wada warqabaa in ciidankan hore loo xulay oo tababarka ay ku jireen beelo gaar ahna laga soo xulay. Waxa ku jira raggii Wasiirka Wasiirraddu uu samaystay berigii Dahir Riyaale xidhay raggaas oo markoodii hore Al-Itixaad ka tirsana. Taasina waa sababta keentay in cid xukuumaddu ku kalsoontahay la siiyo mashruuca ciidaanka tababarkiisa iyo maamulka saadkiisaba, waa Xildhibaan Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale iyo inta ku wehelisa. Dastuurka (Xeerka) qaranku ma qoraayo in Madaxweynuhu ama Wasiir Milishiya beeleed uu samaysto. Hadalkan ka soo baxaya xukuumadda ee sheegaya ciidanka shidaal ilaalinta waxa laga soo xulaya xoogga dalka iyo booliska, waa sida shirkadduhu ka dalbadeen laakiin xukuumaddu waxay rabtaa ciidan gaara oo beelaysan oo wax kasta loo isticmaalo sida RRU-da. Siddii golaha Wakiiladda aan looga ansixin lahayn waa in la yidhaahdo booliska iyo xoogga dalka ayaa laga keenaya marka loo ma baahna ansixin. Waxay yidhaahdeen Al-Shabaab ayaa laga ilaalinaya shidaal baadhista.

Shirkadda qandraaskan la siiyey waxa la yidhaahdaa SALADIN SECURITY Ltd, 7 Abingdon Road London, W8 6AH, UK. Shirkaddani waa shirkadda ilaalisa Adam Abdalla Osman International Airport, Muqdisho, Al-Jasiira Hotel Mugdisho. Waxaa sami ku leh rag reer Somalia ah qaar badanina way ka shaqeeyaan. Hadaba su’aashu waxa weeyye sidee bay Somaliland ku soo gashay? Shirkadan jogitaankeeda Xamar waxa lug ku leh Wasiirka arrimaha dibeda Somalia, ina Balayax, oo isaga iyo Wasiirka Arrimaha dibeda ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ay aad isugu wanaagsan yihiin horena u soo wada shaqeeyeen ilaa iminkana aad isugu xidhan yihiin. Somaliland imaatinkeedu sidaas ayuu ku yimid. Imaatinkeeda shiraddan, SALADIN SECURITY Ltd, musuqmaasaq badan oo xogihiisa la hayyo ayaa la socday. Shirkadda markii telefoon loo diray qofka ka jawaabay gaadhi ayuu saarnaa waxaanu codsaday in mar kale lala soo xidhiidho!.

Hadaba shirkaddan reer Somalia wax ku leeyihiin sidee baa siraha khayraadka Somaliland loogu aamini kara? Maxaa kale oo dalka ay ka qaban doontaa. Shirkaddu laaluush badan ayey ku bixisay sidii ay u heli lahayd qandraaskan iyaga oo labada wasiir, arrimaha dibedda, Somalia iyo Somaliland la kaashanaya.

Warbixintii UN-ta ee u danbeysay (2014) ee Somalia oo Somaliland na ku jirto waxaa xoog loogu gorfeeyey lacagtii iyo dahabkii kaydka ahaa ee ummadda Somaliyeed dibedda u taallay. Lacgtaa iyo dahabkaa oo Siyaad Barre ka xishooday in uu la goosto maanta inteeddii badnayd Xasan Shiikh iyo maafiyadda u shaqaysa ayaa qaatay. Somaliland waxa a soo gaadhay $25 Milyan, mucjiso. Hadaba ha la isweydiiyee e Xasan Shiikh, ama xukuumadda Xamar, sababta ay xukuumadda Somaliland $25 Milyan u siisay maxay tahay? Shirarka Istanbuul maxaa lagu qariyaa? Halkaas oo ah halka Xassan Shiikh lacagta uu dhigtay, Baanka loo yaqaan Ziraat Baankasi ee dalka Turkiga.

Somaliland maanta siyaasad gude iyo mid dibedeedba halkii ugu hoosaysay ayey maraysaa. Qabiilkii abid intii Soomaaliyi jirtay meel aanu gaadhin ayuu maanta maraya. Xorriyaddii RRU ayaa lagu xasuuqaa. Muwaadiniintii shaki iyo isku dir qabyaaladeed ayaa laga dhex abuuray. Meel kasta cabasho iyo shir beeleed dadku aayahooda kaga tashanayaan ayaa ka socda, cajiib.

 

Maanta Somaliland afar tuug ayaa ku shaqaysta. Tuug waxa aan u leeyahay, waayo kelmedda musuqmaasaq had iyo jeer Soomaaalidu si khaldan ayey u isticmaashaa. Musuqmaasaqu waa marka qof masuul ihi lacag ama wax kale uu qof kale ka qaato isaga oo howl u fulinaya. Laakiin qof masuul ihi marka uu xoolaha qaranka ee lagu aaminay jeebka ku gurto ama uu sida xoolo u khaas ah uu u isticmaalo waa TUUGO.

 

Somaliland maanta

 

1. Wasiirka Wasiirada

 

2. Wasiirka macdanta

 

3. Marwada Madaxweynaha

 

4. Wiilka sodoga loo yahay

 

5. Wasiirka duulista bilaa diyaaradaha ah

 

Shantan ( Tha Gang of Five ) ayaa hog madow ku riday. Intooda saddex waa wasiirro oo Madaxweynaha ayaa doortay sidii ay waddanka wax ugu qaban lahaayeen. Laakiin maanta wax ay ka qabsadaan mooyee wax ay u qabteen ma jirto, way inoo soo shaqo tageen. Intaa waxa u sii dheer qabyaalad iyo iyaga oo u fahamsan Xukuumaddan in qabiilkoodu leeyahay.

Sannadkii 2013 Bishii April 27keedii waxaanu la kulanay Madaxweynaha, Washington DC, ujeedadayadu waxay ahay in aanu dhowr arrimood oo arrimihii shidaalku ka mid yihiin kala hadalo. Markii arimaha shidaalka aanu ka hadalay iyo sida foosha xun ee xukuumaddu u maamulayso, wasiirka wasiirradu wuxuu nuugu jawaabay “Maxaad ka cabanaysaan, madaxweynuhu waa inaka, wasiirku waa inaka”. Reer Somalilandoow waa taa maskaxada xukuumadda Siilaanyo.

Waxa kale oo aynu had iyo jeer aragnaa Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo intuu Xaaji Cabdi Waraabe soo kaxaysto dhexdhexaadin wada. Gudoomiye Saleebaan maalin oo dhan maslaxad iyo nabadeyn ayuu wadaa gabbalku marka uu dhacona qandraasyada beeshiisa ayuu maamulaa oo qabyaalad ayuu u tafaxaytaa. Saleebaan waa ninkii la is laha wuu dhaamayaa kuwan Somaliland baabi’inaya.

Wadankii Soomaaliya la isku odhan jiray Mareexaan iyo qaybo Daarood ka mida ah ayaa burburiyey. Maanta Xukuumadda Somaliland ka jirta Habar Jeclo waxba kuma qabto ee 4 tuug iyo inta hoos timaada ayaa xaalufisay. Habar Jeclo waxan leeyahay waar waxa lagu qadhaabanayaa waa magaciinii ee ka tashada oo wadaddii Mareexaanka yaan la marin. Yaan laga aamusin tuugta, cadaalad darradda iyo burburinta qaranka u tafa xaytay. Waa la wada ogsoon yahay wixii wadanka loo soo maray. Habar Jeclo maanta laba oday (Siilaanyo iyo Gaal) oo 80 jirro ah ayaa meel xun ku hoggaaminaya. Kuwa leh kuwii horeba way cuni jireene maxaad ka rabtaa kuweena, kuwaas waxan leeyahay sheeko kale keena anigu Qaran burbur ku socda siddii loo badbaadin lahaa Ayaan ka hadlayaa. Gaadhi Land Cruiser ah iyo guri xaraan lagu dhistay dacwadaydu ka wayn. Magaca lagu qadhaabanayo ee qaranka iyo isku duubnaanta reer Somaliland lagu wiiqayaa waa kan Habar Jeclo ee maxaad ugu eegaysanafarta tuug ee uga aamusantihiin? Madax dhaqameedyaddii reerku maye? Nin weligii Geel mahee aan beni Adam xukumin (Wasiirka wasiirradda) oo ficilna ka yaaqaan qabiilkaa iska celi inaadeerkaan wax u boob ayaa maanta wadankii lagu fasaxay oo wuxuu doono samaynaya. Shalay bay ahayd markii Gebilay uu RRU-da ku dalbaday dhowr cisho ka dibna uu kiishashka lacagta ula tegay.

Wax doorasho ah oo Somaliland ka dhacaysaa ma jirayso. Xukuumaddu xaalad bay abuuraysaa si wadanka xukun degdeg ah loogu soo rido. Ciidamadan calooshooda u shaqaystayaasha ah (OPU) xaaladda cusub ee dhulka shidaalka laga baadhayo laga abuuri doona ayey ka mid yihiin.

Somaliland Maanta Badbaado ayey u baahantahay. Taasna shicibka reer Somaliland oo Habar Jeclo ugu horeyso ayaa laga rabaa. 23 sannadood maxaa inoo qabsoomay? Wixii yara ee aynu qabsanay manta rag baa isa siiyey.

Haddii dastuurka qaranka wax tarayo oo loo hogaansanaanayo halla eego Faqradda 4aad qodobkiisa 82aad Caddadkiisa 4aad oo ina faraya in qofka madaxweynaha ahi uu leeyahay caafimaad jidh iyo maskaxeedba si waajibaadkiisa shaqo uu u guto (The president must be physically and mentally fit to fulfil his duties). Faqradda 4aad ee Qodobka 8aad ee dastuurka Qaranka wuxuu qorayaa sinaanta muwaadiniinta in xukuumadda ka masuultahay oo qabyaalad, midab, dhalasho iyo dabaqad bulsho aan loo eegin.

Somaliland maanta ninka ku magacaaban jaggada Madaxweynenimadda sida ka muuqata in muddo ahba shaki baa ku jiray in uu meesha ka taliyo oo shaqaddii loo doortay uu isagu hayo iyo in uu cid kale ku wareejiyey. Somaliland labaddii madaxweyne ee u danbeeyey (Riyaale iyo Silaanyo) way eeday. Labaduba waxay iskaga mid yihiin xirfadooda shaqo waa tii kacaankii Siyaad Barre siyaasaddana intii Siyaad Barre ayey ka yaqaaniin. Waa xadhig, cabudhi, been iyo wax is dhaafin. Ragggii ka horreeyey (Abdrahman Ahmed Ali iyo Egal) siyaasdda iyaga oo yar yar ayey galeen una soo halgameen wax inta loo yeedhay sacabadda loo saaray sida Siilaanyo (Wasiirnimo, wakhtigii Kacaanka) iyo Riyaale ma aheen.Faraqooda waxa kuu caddaynaysa maanta haddii aad adduunka baadhid meel Egal iyo Cabdiraxmaan Tuur, IHN, WAX U YAALIIN AMA AY GURYO KA DHISTEEN LAMA HAYO. Xitaa Siyaad Barre ayaan guri dibedda ka dhisan.

Somaliland badbadadeeda iyo samatabixinteeda kuligeen masuuliyad ayaa inaga saran. Maanta ayaa loo baahan yahay in aynu gacmaha is qabsano oo Somaliland u kacno oo badbaadino.

 

Maxamed Axmed Saxar

 

Atlanta, GA

majsaxar@outlook.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *