Muuse GaadhaneDigreeto Calaa-fashuush ah weeye!!ciidamadan Xukumadu ku magacawday ilaalinta shirkada shidalka!! Muuse Gaadhane

 

Bismilaahi raxmaan raxiim, Salaamacalaykum

”Ciidamada Somaliland ee aad xukunto oo dhan,iyo hubka aay haysataan oo dhan haddii aad isu keentan,si aay idinla hirgeliyaan BILILIQADAN khayraadka dalka ee ay hormoodka ka tahay xukumada Siilanyo kuma hirgelin kartaan,Digreetadan kasoo baxday madaxto yadana  kuma hirgelin kartaan”’waana Digreeto Calaa-fashuush ah”

 

”Ciidamada aad Xukunto oo dhan hadii aad isu keentid iyo Hubka Tiknikada ah kuma ilaalin kartid Beentan Faashilka ah ee ku salaaysan qoditaanka shidaalk,hadii aanay xukuumadu qorshayn qorshe Dawladnimo oo Bulshada iyo qaranka u cuntama”

 

Horena waan idiinku sheegay,Dawladii Ruushka ayaa quwadeedii ciidan iyo saanad dagaal,Karayaal,Madaafiic,PM,diyarado,ku ilaalin kariwayday Beentii shuciyada marka ogaada in BEENTU aanay difaacba lahayn.haku khaldamina qaranka iyo dalka.

 

Xaqiiqada ilahay waa ka awday Xukuumadan Siilanyo.Dalkan aad u hanqal taagaysid ee Gobolada bariga bulshada degan Xilbaa ka saaran Xilka ka saarana waa Bulsho ogsoon.Horena waay uqabsatay Wajibkeedii maantana waay gudan doonta waanay difaaci doonta insha allahu uma Baahana foodsaro qoditaan shidaal lagu dilaalayo malaayiin doolar oo xaaran ah.wax qarsooni majiraan.

 

”’Cariishku hadal maqariyo lakiin hilib waa qariyaa”’Madaxtoyadu hadal maqariso lakiin waay qarisa Qadarka dilaal nimada.waanu ogsonahay Xukumadan Somalia in aaydin ka midaysan tihiin Qoditaanka Food sarashada ah.surtagala maaha in Bulshada aqoon yahankeedu indhaha ka laliyaan oo isdiid siiyaan in aay Bulshada u soo bandhigaan SIRTA fashilka ah ee aay hayaan.iyagoo inbadan isdiid siinayay rajo aay ka qabaan xukmada awadeed.maanta se waay Rajo Beeshay,wanuna soo tebinayna xogaha aanu haayno ee ah Sirta ku duugan Qoditaanka shidalka Dalka.

gebogebog:

Madaxtoyadu waa Cariish,Cariishna hadal maqariyo lakiin hilib waa qariya’

Muse Gaadhane.

duale@hotmail.com

Birminham-Uk

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *