Hargeysa(Araweelo News Network) Dagaal siyaasadeed oo la xidhiidha sidii xilka looga xayuubin lahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda

Somaliland, isla markaana ah Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Somaliland cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa gaadhay meel xaasaasi ah.
Dagaalka siyaasadeed oo laga soo waariday Kooxda awooda badan ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo hadda lagu tilmaamo Daacishta Somaliland, ayaa qorshaysay mooshin la doonayo in xilka lagaga xayuubiyo Guddoomiye Cirro. Kadib markii uu ka horyimi Xeerka diiwaan gelinta Medeniga ah oo ay qaadaceen Labada Xisbi Mucaarad, isla markaana Guddoomiye Cirro oo safar kaga maqnaa dalka ayaa doraad si lama filaan ah usoo gebagebeeyay safarkiisa Dubai, kadib markii uu ka war helay qorshe xukuumaddu ku doonayso in ay ku meel mariso wax ka bedelka Xeerka Diiwaangelinta.

Hase yeeshee Guddoomiye Cirro, ayaa si toos ah u gaadhay Xarunta Golaha wakiiladda markii uu kasoo degey Diyaarada, wuxuuna la wareegay si aan looga baran shirgudoonka Golaha xili ay golaha ka socotay qorshe la doonayay in Xeerkaa lagu meel mariyo, balse Guddoomiye Cirro, ayaa hakiyay xeerkaa. Kadib markii dood uu madasha ka jeediyay Xildhibaan Reyte oo khabiir ku ah sharciga ku dhaliilay xeerkaa, isla markaana tilmaamay in dib loo dhigo xeerkaa.

Arrintaa ayaa ka cadhaysiisay kooxda xukuumadda Madaxweyne ee lagu naanayso Daacishta Somaliland, waxyna sida ay xoggaha iyo wararka laga helayo xubnaha golaha wakiiladda qaarkood sheegayaan in Guddoomiye Cirro xiligan loo diyaariyay mooshin la doonayo in xilka lagaga xayuubiyo, balse lama ogga sida ay suurta gal u tahay xiligan inuu meel maro mooshinka qorshaha la doonayo in xilka lagaga xayuubiyo Guddoomiye Cirro, waxayse u muuqtaa oo keliya mid la doonayo in xaalad siyaasadeed iyo muran lagaga abuuro dalka, taas oo xiligan aan loo baahnayn.
Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *