Burco(Araweelo News Network) in ka badan 50 qo, ayaa dhaawacyo kala duwan soo gaadheen. Kadib markii gaadhi ay saarnaayeen kula qalibmay

 

duleedka Magaalada Burco.
Dadka dhaawaca ah ayaa la gaadhsiiyay Cusbitaalka magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaas oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Gaadhiga oo ahaa nooca loo yaqaan Waaraadka, waxa saarnaa rakaab ilaa 50 qof, kuwaas oo dhamaantood dhaawacyo kala duwan soo gaadheen. Sidoo kale waxa ku dhintay Shilkaa Tobaneeyo Adhi ah oo saarnaa, wuxuuna gaadhigu kasoo baxay dhinaca Woqooyi ee Magaalada Burco, isagoo ka yimi meesha lagu Magcaabo Gidhays.

Maamulaha Cusbitaalka Guud ee Burco Dr. Cabdi Qaadir Muuse (Muruqliqe), ayaa ka warbixiyey xaaladda dadka ku dhaawacmay shilkaas, isagoo yidhi, “Dhaawacyada shilka gaadhigani hore noociisa oo kale umaanan arag, waxana baabuurka saarnaa guud ahaan 50 qof, kuwaasoo ilaa 10 ruux oo ka mid ah qabaan dhaawacyo fudud, halka 40 qof oo kalena qabaan dhaawacyo culus.”

Maayarka magaalada Burco Maxamed Yuusuf Muraad oo ay weheliyaan Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose Mr. Cismaan Maxamed Sheekh iyo qaar ka mid ah xildhibaannada golaha degaanka, ayaa booqday dhaawacyadan, isla markaana gaadhsiiyey deeq maryo ah.

“Haddaannu nahay dawladda hoose waxaannu diyaar u nahay in aannu gacan ka gaysanno sidii dadka dhaawacyada halista ah qaba loogu gudbin lahaa magaalada Hargaysa. Waxaannu hadda soo gaadhsiinay deeq dhar ah oo isugu jira diracyo, macawiso iyo shaadhadh aannu u qaybinnay dadka dhaawacmay ee cusbitaalka la keenay,” ayuu yidhi Maayar Muraad oo warbaahinta kula hadlay gudaha Cusbitaalka Burco.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *