Boosaaso(Araweelo News Network)Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerar Qarax sacaado ka hor ka dhacay magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka

 

Puntland, kaas oo lagu khaarajiyay Taliyihii Ciidanka Booliska ee Gobolka Boosaaso Col. Cabdiraxman Cali Cabaas oo ku magac dheeraa (Muslim).

Qaraxaa waxa kale oo ku dhintay Taliyihii Ilaalada cashuuraha Beriga iyo askar kale, wuxuuna qaraxu dhacay daqiiqado ka dib markii sida ay wararka ka imanaya magaalada Boosaaso sheegayaan Nin dhalinayo ah oo xidhan waxyaabaha qarxa kusoo dhowaaday Taliyaha ee maraya qaybta Booliska ee gobolka Bari, isagoo markaa ka dib sameeyay qaraxa khasaaraha geystay.

Ciidamada amaanka ayaa markiiba isweer ka qabtay goobta qaraxu ka dhacay, waxaana bandaw lagu soo rogay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ee Boosaaso.

Afhayeenka Al-shabaab Sh. Cabdicasiis Abuu Muscab, ayaa u sheegay Idaacada Andulus  in ay weerarkaa fuliyeen, isagoo ku tilmaamay mid loo qorsheeyay in lagu khaarajiyo Taliyaha Booliska Puntland ee Boosaaso oo bartilmaameed u ahaa sida uu sheegay afhayeenka Al-shabaab.

Maamulka Puntland, ayaa dagaal kula jira Malayshiyada Buuraha Gal-gala ee hore ugu biirtay Al-shabaab, kuwaas oo ku sugan duleedka magalaada Boosaaso, isla markaana weeraro iyo hawlgalo mararka qaar ka fuliya gudaha Magaalada Boosaaso iyo wadada isku xidha Garoowe oo xarun u ah maamul goboleedka Puntland iyo magaalada xeebta ah ee Boosaaso.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *