qaraxa xarunta Baarlamaanka21Mogadishu(Araweelo News Network) Weerar lagu qaaday xarunta Baarlamanka Somalia ayaa dhaliyay khasaare balaadhan, waxaana ku dhintay ku dhowaad sodon ka mid ah

 

Ciidanka Illaalada Baarlamaanka Somalia iyo qaar ka mid ah askarta AMISOM ee Uganda. Sida ay sheegtay Al-shabaab oo masuuliyada weerarkaa sheegatay.
Hase yeeshee masuuliyiinta dhinaca amaanka ayaa sheegay in ilaa lix askari ay ku dhinteen weerarkaa tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen.
Waararka ayaa dhacay barqadii saaka xiligaa oo ay Baarlamaanku ku lahaayeen fadhi halkaa, balse fadhigaa ayaa la baajiyay markii uu dhacay qaraxu, waxaana weerarka lagu fuliyay gaadhi kuwa raaxada ah oo laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana ciidanka ilaaliya dhismaha Baarlamaanku ku fureen tacshiirad rasaas ah. Kadib markii uu istaagi waayay gaadhigaa oo ku socday xawaare sare.
Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in ay dhinacooda weerarkaa ku dileen sodon ka mid ah ciidanka ilaaliya xarunta iyo laba askari oo ka torsan ciidanka Uganda, wuxuuna sheegay in ay sii wadayaan weerarada ay ku hayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada Somalia.

Al-shabaab oo kordhiyay weerarada ay ku hayaan xarumaha dawlada Somalia iyo ciidamada AMISOM dhawrkii bilood ee u danbeeyay, waxayna balanqaadeen in ay bisha barakaysan ee Ramadaan sii laban-laabayaan weerarada, iyagoo weerar si weyn loo soo qorsheeyay ku galay dhismaha Baarlamaanka Somalia 24 May 2014, kaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad 20 qof oo isgu jiray kuwii weerarka soo qaaday iyo qaar ka mid ah askarta ilaalisa xarunta Baarlamaanka Somalia. Kadib markii gawaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo koox dablay ah ay weerareen dhismahaa oo ay haysteen saacado.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *