tobobaray lashaqaynta wadamada Xil wareejinta samaynaya ayaga oo badankooda laga dhigi jiray dad xornimo udagaalan ah oo qaarkoodna Addis Etoobita (sida Nakruuma iyo qaarkaloo badan ) lagu tobabari jirey kadib marka caan laga dhigo dadkuna jeclaadaan loo dhiibi jirey maamul uu maamulkoodu ka sareeyo.
Hadaba wakhti ka hor ayaa koonfur loo tobobaray habdhaqan dawladnimo oo ku salaysan ugu horeyn ilaalinta interest ka Talyaaniga taasoo wakhtigaa ay dhul iyo beeroba ku lahaayeen oo xataa ay carruuro ku dhalayeen ayagoo dadka Soomaalida ku dhex tarmayey taasoo ilmaha iska dhalka ah qiimihiisu sarayn jiray si value sare ah.
Hadaba markii xoriyada waqooyi lasiiyey waxay bilaabeen sidii shanta Soomaaliyeed laysugu keeni lahaa taasoo ay ugu horayntii ayagoo qiiro iyo xamaasadi ku jirto oon fahmin fikirka, dhaqanka iyo aragtida dadan ee gumeystuhu soomaalida kale kaga tagay ayey Koonfur juq yidhaahdeen taasooy bilawgiiba ay kala kulmeen soo dhaweyn xumo iyo meermeerin ama ay arkeen inaan fikirkoodan laqadarineyn taasoo sababtu tahay in waxii qorshihii ama system kii ladhigay uu burburayo taasoo macnaheedu yahay in dhulka Soomaaliyeed iyo beerahaa muuskuba aanay Hanti Talyaani dib unoqobayn.
Sikastaba ha ahaatee markii la cabirey doonista dadka iyo xawaaraheeda ayaa waxa lagu taliyey in laysu siidaayo taasoon xataa xaga UN ta laysaga darin sharciyan laakiinse loogu fikirey in Waqooyi waxuu raadinayo dib loo nacsiiyo si dhab ah.
Taasi markay dhacday dib ayaa loo kala noqday ayadoo Waqooyi, Somaliland noqday laakiin raadinaya ictiraaf, kana xanaaqaya isu dar dambe.
Waxaase hubaal ah in wakhtigaa waqooyi koonfur ka badbaadshay in dhulkooda, beerahooda iyo dadkaba Talyaani YEESHO sidii wadamo badan oo Afrikan ah oo badanba loogala wareegay. Hadaba waxaad moodaa in taariikhdu soo rogaal celisay oo imikana ayadoo wajiyo kala duduwan usoo maraysa ay ku socotaa halkii ay ka bilaabantay, taasna waxaa kaliya garan kara dadka aqoonyahanka ah.
Hadaba Somalilalad waxaa warwar galiyey Ictiraaf waxaana Cabsi galiyey isu Darka LABADA Dal, laakiin haday maanta Somaliland tidhaa Ictiraaf kii waan kamaaranay oo koonfurbaan isu darsanaynaa, waxaad arki aduunkoo diidan isu darkaa sidii ugu horayntii ay uga soo hor jeesteen.
Hadaba koonfuri waxaad moodaa inaanay fahmin dhibka iyo hawlaha ku fool leh iyo sooyaalka taariikheed ee Soomaali Weyn loosoo maray iyo hamiga ay burburdheen taasoo Cadaalad darada dhacday ay aabe unoqotay qaska iyo isquudhdiga maanta jira iyo mustaqbal xumada ay dadka Soomaaliyeed DOONTA iyo Dilka dabada haystaan.
By sociologist Saeed Issa Eleyeh.