aaska xabaalahaHargeysa(Araweelo News Network)Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ku baaqay in

 

aan laga hadhin, caddaaladdana la horgeeyo dadka ka tirsanaa dawladdii Siyaad Barre ee xasuuqa foosha xun kula kacay shacabka Somaliland.

Guddoomiye Muuse Biixi iyo Wasiirka Khaarajiga oo ka qaybgalay aas-wadareed loo sameeyey lafaha 44 qof oo ka mid ah dad dawladdii Siyaad Barre xasuuqday oo khubaro caalami ah dib lafahooda u soo saareen si baadhitaan loogu sameeyo, ayaa sheegay in masuuliyiinta iyo saraakiisha dawladdii Soomaaliya loo haysto xasuuqa shacabka Somaliland lagula kacay muddadii u dhexaysa 1984 ilaa 1990-kii.

“Waxaannu cod dheer ku leenahay waa in la helaa dadkii dadkaas la laayey had kasta ha gaadhee in maxkamad la saaro. Waad ogaydeen tii Cali Samatar tii ka taagnayd oo dad badani ka soo horjeesteen oo ay leeyihiin waxba muu xasuuqin. Boqolaal la mid ah oo nool oo kuwii kiiskan galay ah baa jooga. Maxaa looga gabbanayaa? Somaliland ku dhismi mayso in dadkaas xaqooda la aaso oo laga gabbado oo la yidhaa cid baa ka xanaaqaysa haddii la soo qaado. Dadkii dadkan laayey waa in maxkamad la soo taago, laba xaq baanay xaq innoogu leeyihiin; qaddiyaddii ay u dhinteen oo ah madaxbannaanida Somaliland in sideeda loo ilaaliyo iyo in iyaga iyo intii halgantay karaamo iyo sharaf la siiyo iyaga iyo ubadkoodaba. Waxay xaq u leeyihiin dadkii waxaas geystay odhan maynno qabiil bay ahaayeen waa dawlad bay ahaayeene oo cid walba way lahaayeen; hadday nool yihiin iyo hadday dhinteenba waxay u baahan yihiin in la dabagalo oo caddaaladda la mariyo.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kale oo uu farriin adag u diray dadka iyo shaqsiyaadka dafira in dawladdii Siyaad Barre xasuuq kula kacday shacabka Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxaan farriin u dirayaa; maalmahan waxa soo baxay dad waaweyn oo waliba meelo fagaarayaal ah ka hadla oo yidhaahda dadku wuu is wada laayee qolada SNM u badnayd maxay u yidhaahdaan waxba la xasuuqay iyo wax baa la galay? Taasi waa khalad waana dambi labaad, waanay ka daran tahay kuwii xasuuqay. Rag baa intay masaajiddo cod-baahiye kala kaceen yidhi; ‘wuxuu waa isku mid ee maxay la qaylinayaan Soomaalidu way is wada dishee?’ Waar ismay diline ummad baa la dulmay oo dawlad u cabiidsatay oo xooggii dawladda lagu dilay. Ma jiro cid kale oo sidaa loo dilay. Markay burburtay koonfurta Soomaaliya gobol-gobol bay isku qabsaday, balse halkan (Somaliland) awooddii Soomaali ka dhexaysay oo dawladdii oo dhisan ah ayaa si gaar ah ummaddan u xasuuqday.

Waxa kale oo iyana wax aan la qaadan karin ah dadkii kuwaas ka dagaallamay in hoos loo dhigo oo aan la karaamayn maanta, xataa ay gaadho in la yidhaahdo kaasi waa SNM oo hoos loo yaso, halkii ay ka ahaan lahayd in kuwii dalka xorreeyey la karaameeyo.”
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isaguna sheegay in aanay u dulqaadan doonin in dadka gacanta ku lahaa xasuuqii Somaliland ay si nabadgelyo ah caalamka ugu noolaadaan.

“Sida masuuliyiintii iga horraysay uga hadleen dadkii dambigaas iyo falkaas gaystay in maxkamad la geeyo waa waajib oo maanta suuqa iska tallaabsanaya. Dadkii innaga dhintay ee dhibaatada iyo xasuuqa loo gaystay in la ogsoonaado oo si gaar ah loo dilay oo iyagoo isku xidh-xidhan la toogtay oo aynu baadhno meelaha kale ee looga baahan yahay inaynnu baadhno oo aynu xafiiskaas u furan hawshaas in la taageero oo dawladdu meel uga soo wada jeesato xuquuqda xafiiskaas leeyahay iyo dadkii sidii maxkamad loo horgeyn lahaa, loona wada baadhi lahaa,” ayuu yidhi Wasiika Arrimaha Debeda Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *