Hargeysa(Araweelo News Network)Masuuliyiinta Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland, ayaa shaaciyey in mashiinno casri ah oo kuwa lagu baadho badeecadaha dalka lagaga ganacsanayo, waxayna si gaar ah farta ugu fiiqeen
quutal-daruuriga iyo waxyaabaha aasaasiga ah u nolosha dadka lagu qalabaynayo hay’adooda dhawaan.
Guddoomiyaha hay’adda Dhawrista Tayada Mr. Cali Maxamed Cabdalla (Cali Bikolo) oo uu wehelinayo Ku-xigeenkiisa Maxamuud Ibraahim Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskooda shalay, ayaa ka warramay shaqada hay’adoodu u hayso dalka, waxqabadkeedii iyo weliba baahiyaha horyaala, iyagoo sheegay inay ku hawlan yihiin sidii horumarin ballaadhan loogu samayn hay’adda sida hirgelinta xeerka ay ku shaqaynayso oo meel gebagebo ah maraya iyo qalabayn casri ah oo lagu baadho tayada badeecadaha kala duwan.
Guddoomiyaha hay’adda Dhawrista Tayada Mr. Cali Maxamed Cabdalla (Cali Bikolo) oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in muhiimada aasaaska hay’addan oo ah ilaalinta in wax aan hagaagsanayn oo ah badeecadaha la quuto ama waxyaabaha kale ee shacabka u danta ah si aanay waxyeellooyin uga dhalan, iyadoo dhammaan goobaha kala duwan ee badeecado la isticmaalaa ka soo galaan dalka ay ka hawlgalaan shaqaale hay’adda ka tirsan. Sidaa darteedna iminka ku hawlanyihiin sidii ay uga midho-dhalin lahaayeen marxaladdii ugu muhiimsanayd ee dhismaha hay’adda Dhawrista Tayada.
“Waxaan jecelahay in aan dadka ugu bushaareeyo hay’addu hore xeer umay lahayn, muddo dhawr bilood ah waxaannu wadnay sidii xeerka aasaaskeeda iyo ka ay ku eegi lahayd heerka tayo ee ay leeyihiin badeecadaha dalka laga isticmaalayaa ee ah wixii qaranku leeyahay waxaynu u baahannahay wax aanay heerkaa tayadiisu ka hoosayn. Markaa xeerkaasi oo aannu horkeennay Golaha Wasiirrada kadib muddo uu falanqaynayey wuu ansixiyey, waxaannu iminka u gudbay Golaha Baarlamanka, iyagana aan jecelahay inay si buuxda u ansixinayaan xeerkaasi, maadaama uu muhiim u yahay jiritaanka iyo shaqada hay’adda,” ayuu yidhi Guddoomiye Cali Bikolo.
Waxa kale oo uu shacabka ugu bushaareeyey in ay dalka keenayaan shaybaadh qaran oo lagu baadho badeecadaha kala duwan ee ganacsiga waddanka la soo geliyo, waxaannu yidhi, “Waxa kale oo iyaduna muhiimaddayada ahayd sidii dalka looga samayn lahaa shaybaadh qaran oo lagu baadho waxyaabaha la isticmaalayo, waayo iminka shaqaalahayagu waxay ku shaqeeyaan in la eego waqtiga isticmaalka shayga iyo iyo ta labaad oo ah in la garanayo meesha ama dalka uu ka soo baxay shaygu, laakiin in la baadho heerka tayada ama faa’iidada iyo kharaasaha waxyaabaha soo degayaa dalka u leeyihiin waxa lagu ogaan karaan shaybaadh qaran oo muhiimad wayn inoo leh. Ilaahay mahadii, waxaannu dalab shaybaad u gudbinay sanduuqaha horumarinta Somaliland (sanduuqa lagu shubo kaalmooyinka qaar ka mid ah dalalka Yurub siiyaan Somaliland) oo ay maamulaan guddi qaran oo wasiirro ah, kuwaas oo ogolaaday in sanduuqaasi laga bixiyo shaybaadhka qaranka oo u dhammaystiran noocyadii lagu baadhayey cuntada, caanaha, hilibka, shidaalka iyo waxyaabaha duruuriyaadka ah ee la isticmaalo, waana la ballanqaaday oo maanta (shalay) ayaanu kulmaynaa guddiga gacanta ku haysa sanduuqa. Arrintaas oo ah yididiilo iyo wax aad loogu farxo in shaybaadh qaran aynu helno, anigoo ku rajoweyn inuu hirgallo sannadkan 2014-ka inta lagu jiro.”
Sidoo kale, Guddoomiye-ku-xigeenka hay’adda Dhawrista Tayada Mr. Maxamuud Ibraahim oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa ka xog-warramay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay hay’addani iyo waxyaabihii u qabsoomay oo uu xusay inay ugu mudnayn in dadku bartay muhiimada shaqada ay hayaan oo markii hore ahaa wax ku cusub oo aan jirin, isagoo sheegay in markiiba shaqaalihii ay qorteen oo lagu qaatay aqoon baadhiseed laga hawlgeliyey goobaha badeecadaha kala duwani ka soo galaan waddanka sida kastamyada, dekedda iyo madaarrada.
“Runtii waxaan odhan karaa maanta dalkan ma soo galaan ama nalooma soo gudbiyo shay dhacay oo la hubo ama uu isbeddel ku yimi, marka laga reebo waxyaabaha u baahan in la helo qalabka shaybaadhka (Laboratary) mooyee, waayo meel walba waxa noo jooga baadhayaal ilaa ay eegaan aan la cashuurin badeecadaha ama aan la sii dayn, halka sida dawooyinka qolooyinka Farmasiiyadu dalbanayaan aanay dalkaba keeni karin ilaa aannu halkan ka siinno waraaq shuruudaha dawada ah oo aannu u ansixinno ka hor inta aanay dawaduba iman,” ayuu yidhi Mr. Maxamuud Ibraahim.
Masuuliyiinta Hay’adda ilaalinta iyo dhawrista badeecaddaha Somaliland ayaa ganacsatada usoo jeediyay inay AIle ka baqaan oo ay ummaddooda ka ilaaliyaan waxyaabaha aan faa’iidada u lahayn, isla markaana aanay u qarin ama ka ganacsan badeecadaha dhacay iyo kuwa tayadoodu xuntahay.