dib u habaynta Shaqaalaha (Civil Service Reform) dhaqaale ahaan iyo farsmo ahaanba si ay u noqdaan kuwo si hufan u gudan kara ama u fulin kara qorshayaasha horumarineed ee qaranka laakiin Xukuumada Somaliland iyadaa lala baryaa ama culays lagu saaraa in laga taageero dib u habaynta shaqaalaha, iyadaa lala baryaa in laga taageero dib u habaynta dhaqaalaha iyadaa la waydiistaa in dib u habayn lagu sameeyo hay’adaha garsoorka iyo cadaalada inaga oo cid kastaba uga baahi badan.
si kastaba ha ahaatee 9/2 /2014 waxa Hargeysa ka boqoolay wafti aad u balaadhan si ay uga qayb galaan shir muhiim ah oo ka dhacayay Addis Abab ujeedada shirku wuxuu ahaa si loo daradar geliyo dib u habaynta shaqaalaha dawlada, ujeedadu waxay ahayd bal mar kale xukuumada in lagu baraarujiyo ama la xasuusiyo markii laga waayay Jawaab dhinaca xukuumada Somaliland iyo in aanay fursada iska lumin.
waxa kale oo madaxda somalilnd lagu boorinayay inay xil iska saaraan sidii ay uga faa’iidaysan lahayeen deeqahan oo ka duwan kuwii hore Somaliland loo siin jiray.
Shirka waxa soo qaban qabisay hay’ad Ingriiska ah oo magaceeda loo soo gaabiyo DFID hase ahaatee waxa iyana qayb ka ahaa wakiilo ka kala socday dawlada Denmark, Midawga Yurub, Baanka Aduunka iyo UNDP.
Shaki kuma jiro in xukuumada Somaliland codsigu kaga yimid meel kale oo aanay iyagu dalban sidaa daraadeed markasta waxay soo galaan heshiisyo aan niyada ka jirin mudo kooban ka dibna ka bura dhinaca soomalialnd sababta oo ah Hogaanka sare ee xukuumada oo aan daacad ka ahayn ama aan diyaar u ahayn in isbadal wax ku ool ah lagu sameeyo maamulka dawladnimo gaar ahaan sida loo maamulo hantida dawlada.
Maxay beesha caalamku Somaliland ugu dirqiyayasaa in dib u habayn loogu sameeyo qaybaha kala duwan ee dawlada siiba shaqaalaha?
Kow: In la helo shaqaale karti iyo aqoon u leh sida loo maamulo ama loo hir geliyo mashaarciida iyo in la helo shaqaale jabsan oo ka hawal gala hay’adaha dawlada ee bixiya adeega bulshada (Public Service Providers).
Laba: In la helo shaqaale aqoon sare u leh maamulka xisaabaadka oo samayn kara xisaab celin sugan iyo inay mashaariicda socota ama soo socda ka diyaarin karaan warbixino dhamaystiran oo lagu qanci karo.
Runtii heshiskani kama duwana kuwii hore ee la soo galay ee hadana fuli wayay ama laga noqday markii laga niyad jabay wada shaqaynta iyo cago jiidka masuuliyiinta xukuumada ama la jabiyay qodobo heshiiska ku jiray.
dabcan way jiraan ashkhaas ay ka go’an tahay in wax la qabtaa laakiin dedaalkoodu meel ma gaadhi karo haddii la waayo taageerada Siyaasada Xukuumada oo ku waajahan in la sameeyo isbedel dhab ah (Political Will) .
Dhinaca kale dawaladaha gobolka ee ay ka go’an tahay in ay isbedel sameeyaan dhamaantood waxay dhiseen machadyo casri ah oo lagu tobabaro shaqaalaha iyo madaxda sar sare ee dawalada oo aad loo maalgeliyay maxaa yeelay dalna ma higsado horumar haddii aan marka hore la dhisin cududii ka shaqayn lahayd ama loo adeegsan lahaa horumarka .
Si kastaba ha ahaatee Machadka tababarka shaqaalaha dawlada Somaliland waxa la aasaasay 2005, UNDP oo gacan wayn ka geysatay Xukuumadii hore waxay la gashay heshiis ah in UNDP 90% bixiso kharashka ku baxaya sanadka hore hase yeeshee sanadkasta kharasha UNDP bixisaa sii yaraado qaybta Somaliland bixisaana sii korodho ilaa laga gaadhayo 2014 oo ah in Somaliland la wareegto 100%.
Hadaba Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo diyaar ma u tahay in la xushmeeyo heshiiskii UNDP lala galay iyo in si hagar la’aan ah loo maalgeliyo Machadka?
Ma haboona in lagu degdego jawaabta laakiin waxa la ogyahay in aanay xukuumada Kulmiye mudnaanta ugu jirin tayaynta Shaqaaluhu iska dhaaf dib u habayn balaadhan oo lagu sameeyo eh, waxay isku mashquulisaa oo mudnaanta ka leh aduun badana loo huraa arrimo wax faa’iido ah u lahayn umada ama dhibaato ku keeni kara sida La dagaalanka Mucaaridk iyo faro gelinta waalida ah ee Golaha wakiilada
C/raxmaan Cadami
abdirahmaanadami@yahoo.com