Mucaarid iyo muxaafidba dalkaa la yidhaahdo Somaliland ayaynu wadaagnaa. Mucaarad iyo muxaafid dalkaa Somaliland ayay tahay inaynu wada dhisno, wada ilaashanno, karaamadiisa dhawrno, kala-dambayntiisa dhiirrigelinno, dastuurkiisa fulino, garsoorkiisa korino, hannaankiisa dawladnimo hareeraha isla qabanno, oo horumarkiisa habeen iyo maalinba ku hammino.
Waxa ka mid ah sunaha dawladnimo in, sida Ilaahay iyo Rasuulkiisu inna fareen, inaynu cidda hadba hoggaanka haysa ixtiraamno, ku daba tukanno, toosinno marka loo baahdo, ku taageerno talo-qaadashada, oo aynaan si toos ah uga hor iman wixii Ilaahay iyo Rasuulkiisu sida tooska ah innoo fareen.
Waxa kale oo ka mid ah sunnaha dawladnimo in madaxdeedu ilaaliso karaamada qaranka ay hoggaamiyaan – haddii ay yihiin mucaarad iyo haddii ay yihiin muxaafadba.
Waxa aan ku jirin sunnaha dawladnimo in wixii dastuurka lagu heshiiyey dhigayo si qaawan oo badheedh ah looga hor iman, sida u-xuslinta degganaanshaha iyo wada-noolaanshaha, ku-baaqidda fawdo iyo kala-faquuqa bulshada, burinta iyo ka-been-abuurka madaxda iyo go’aamadeeda, isu-cumaamadka xil aan bulshadu kuu idman, hakinta horumarka iyo dacaayaddiisa, hoos-u-dhigidda wadajirka bulshadaada iyo iskaashigeeda, kala-qoqobidda mujtamaca iyo qabyaalad-ku-abuuridiisa, iwm.
Dhinaca kale, hadalka san, sama-ka-talinta, waayeel-hadalka, aqoon-maalka iyo isu-hojinta isu soo dhowaansho ayaa ku yimaadda. Isu-hanjabka badan, aflagaadada, masabidka iyo ku-jiqsiida u badan oosha mucaaradka. Sidoo kaleo dagnaanta, aamusnaanta, afyaheen la’aanta, qancin yaraanta dhinaca mas’uuliyiinta hoggaanka qaarkood waxa ka iman kara isfaham darro la kala dhex dhigo bulshada iyo hoggaankeeda.
Waxyaabaha bulshadu hoosta ka xarriqday inay kala fogeeyaan aragtiyaha, himilada dalka, dadka iyo qarannimadeedana mugdi geliyaan waxa ka mid ah marka saxaafadda la isu mariyo qodobbada kor aynu ku soo qaadnay, saxaafadduna dab sii qabadsiiso oo erayadii lahjadda adkaa, kuwa ka sii daran ku sii tarjunto. Tusaale ahaan, iyada oo la werinayo qof mucaarad ahi erayada uu ka yidhi dhacdo ama talo, waxa aynu badiba isticmaalnaa “eedeeyey”, “cambaareeyey”, “ku hanjabey”, “kabaha la dul maray”, iwm. Waxa, taa dhiggeeda, la adeegsan kari lahaa iyada oo aan farriinta iyo macnaha midna la lumin “soo jeediyey”, “ku talaiyey”, “tilmaamay”, iwm.
Cadow Somaliland leedahay inuu hareeraheeda, horteeda iyo goonyaheeda oo dhan ku xeeran yahay cidina shaki kagama jiro. In cadawgaasi sallaan u soo dhigtay gudaha, oo dad ka samaystay luqaddiisa iyo danihiisa ugaga wakiil noqdana shaki kuma jiro. Taana waxa sahlay, sida fudud ee cid waliba u sheegatay siyaasad, siday doontona u hadashay. Waxa taa saglay in la wiiqo sharciyadda oo raggii u waaweynaa ee ilaalin lahaa ku tilmaamaan garsoorka ‘meel balloodhada ka gar naqda’, iyaga oo isu muujinaya inaan sharci qabtaaba jirin. Waxa taa sahlay markii tallaabo kasta oo ummaddani hore u qaaddayba tuur loo yeelay.
Waxa aan ku soo ururin lahaa mawduucan:
Waxay murugtoo majare lumay
Markii sharcigii maslaxad galay
Markii dulmigii mudnaan yeeshoo
Malkada loo banneeyey qaradlii!
Waxay murugtoo majare lumay
Markii madaxdii minjii weydoo
Mid dhexe uu been muquursiiyoo
Mankii baxayaba mindidu leeftoo
Mucaarad u muuqday cadawgiiyoo
Midhkuu odhan laaba loo yidhi!
Waxay murugtoo majare lumay
Markii suxufiga milgada ku lahaa
Ka baxay meeshoo mid kale yimi
Wuxuu melmelaaba boog kicisoo
Mililku wada gaadhey Ooshii!
Mawlaha Weyn baa Badbaado hayee
Allow Maanlaawe Naga Ood oo
Allow Midigtaada noo Dhiib!
Dr. Ibrahim J Abdi.