Ceerigaabo (Araweelo News Network) Gudomiyaha Hay’adda Dhalin Yarada ee ASAAS Caydaruus Maxamuud Cismaan ‘’Sange’’ ayaa Wasiirka ciyaaraha Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal ku hambalyeey xilka

cusub ee uu qoorta u sudhay isuduwihii labaad ee dhalinyaro ah ee xil u qabta gobolka Sanaag

Waxana uu gudomiye Caydaruus ku sifeeyay  Isudawaha cusub ee ciyaaraha  Maxamed Siciid Salaax (Dhegayare) inuu yahay masuul kasoo dhalaali doona mansabka cusub ee uu ka qabtay gobolkiisa Sanaag isagoona iftiimiyay halka uu kaga suntahay masuulkan cusub qabashada koobkii ciyaaraha degmada ceerigaabo ee bishi ramadaan sida habsamida ah magaladda ceerigaabo uga qabsoomay

Sidoo kale Gudomiyaha Hay’addaa waxa uu balan qaaday inay  dhalinyaro ahaan iyo urur ahaanba la shaqayn doonaan masuulka cusub ee wasaaradda Ciyaarauhu u magcawday hawshaa, isagoo ku hambalyeeyay xilka loo magaacabay, wuxuuna illaahay uga baryay inuu hawshaa culus la garab galo

Geesta kalena waxa uu Gudomiyuhu masuul hawlkar iyo hufnaan kusoo shaqeeyay ku tilmaamay isuduwihii hore ee Wasaaradda, isagoo farta ku fiiqay guulaha dhanka horumarka ee wasaradda ka taaba-galay intii uu hayay Isu Duwiihi Hore oo haatan xilka laga qaaday  Madar Ducaale Xasan (Djibouti), wuxuuna Isuduwaha cusub usoo jeediyay in uu hawsha halkaa kasii wado.
Isuduwaha cusub ee Wasaaradda DhaliyaraddaCiyaaraha iyo Dalxiiska Maxamed Siciid Saalax ayaa noqonaya Masuulkii labaad ee dhalinyaro ah ee xilka Isuduwe ahaan loogu magcaabo  gobolka Sanaag dhowaan ayay ahayd markii Wasaaradda qorshaynta Qaranku u magcawday Isuduwe gobolka Sanaag, kaas po ahaa Isuduwiihi u horeeyay ee dhalinyaro ah ee wasaaradda qorshaynta qaranku u magcawdo xilkaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *