Maayarka Degmada Maydh Mr.Xuseen Sh.Siciid Sh.C/raxmaan Maydh oo qaar ka mida warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa oo uu hawlo shaqo ujoogo ayaa waxa uu si ugle uga hadlay artinta dhismaha wadada oo todobadyadii ugu danbeeyey ahayd artinta loogu hadal haynta badnaa Somaliland
isagoo arintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi“ dhismaha wadadani waa arin astaan u noqon karta in dadka reer somaliland lee yihiin himilo isku mida waaana arin u baahan in tafaraaruqa laga ilaaliyo iyo in arimo kale dhinac bilaabo “
Dhinaca kale Maayarka Degmada Maydh Mr.Xuseen Sh.Siciid Sh.C/raxmaan Maydh waxa uu tibaaxay in muhiimada ugu weyn ee in maanta laga wada shaqeeyaa tahay dhisida tahay in dhisida wadadan Ceerigaabo iyo Burco isku xidhaysa isagoo sidoo kalena hir-galinteeda ku tilmaamay guul usoo wada hoyatay dhamaan Ummadda reer Somaliland.
Sidoo kale Maayar Xuseen waxa uu xusay in uu soo dhawaynaayo dhamaan waxii mashaariic horumarineeda ee laga fulinayo degaanka Sanaag isagoo arintaas ka hadlaayana waxa uu yidhi”Hadiiiba ay jiraan qaybo kale oo iyana u baahan in wax laga qabto ,iyaguna way daba socdaan oo waxbaa laga qaban doonaa hadii ay ku tahay Dekado Wadooyin kale dhamaan wax-yabaha kale ee kobcin kara dhaqaalaha dalka”
Dhinaca kale Maayarka Degmada Maydh Mr.Xuseen Sh.Siciid Sh.C/raxmaan Maydh waxa uu u mahadnaqay Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa iyo sidoo kale wasiirka Madaxtooyada Somaliland iyo Marwada koowaad iyo Marwada Labaad isagoo arintaas ka hadlaayana waxa uu yidhi” Hambalyo iyo bogaadin waxa halkan uga dirayaa Madaxweyna Somaliland M/kuxiigeenka iyo Marwada koobaad , Marwada labaad Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ,Wasiirul Dawlaha Maaliyada Somaliland iyo Gudidii Madaxweynuhu u magacaabay dhismaha wadadan oo si qiimo leh isakaga xilsaaray iyo in Alaale intii ka qaybqaadatay Mashruucada Dhismaha wadadan .”
Dhinaca kale Maayarka Degmada Maydh Mr.Xuseen Sh.Siciid Sh.C/raxmaan Maydh waxa uu si gaara ula dardaarmay shacabka gobolka sanaag oo uu faray inay si muge isakaga xilsaaraan hirgalinta dhismaha wadadan isagoo il markaan usoo jeediyey inay isla garabtaagaan taageero hiil iyo hooya intii kaaran –kodaa ah.