Somaliland ayaa waxaad moodaa inay siyaasad ahaan suudh dahaba xidhantahay markaad eegto sida uu U bilaabmatay isbadalka siyaasiga ah ee sida xawliga ah isu soo taraya, kaas oo ku salaysan is khilaafka dhexyaala waddamada
isu haysta Biyaha wabiga Niilka ee itoobiya kasoo burqama.
Mudooyinkan waxa soo baxay inay jiraan heshiisyo Militeri oo dhex maray Suudaan ,Soomaalia iyo Masar oo hub aad u culus kusoo daldalaysa Soomaalia , taas oo Itoobiya ay ka shaki qabto in Somaliland quwad Lagu soo muquunin karo oo ay ka dardaar warisay.
Su’aasha meesha taala ayaa ah, maxaa itoobiya ay uga cabsi qabtaa in xaga Somaliland lagasoo weeraro, maxay Masar ugu kalsoonaan laada’ay Soomaalia oo Qudha ee ay Somaliland uga raadinaysaa cilaaqaad siyaasi ah oo cusub, kaas oo la xidhiidha arrimahaa khilaafka Niilka, ama si kale aynu u dhigeen uga soo horjeedaa, ama waligeedba ay ugasoo horjeeday Masar gooni isu taaga Somaliland ?
Jawaabtu maaha mid fudud, mana aha wax qoraal Lagu soo koobi karo, balse sida taariikhda iyo dhacdooyinku ina barayaan waa arrimo siyaasadeed oo la xidhiidha taariikh sooyaalka ah ee ay Somaliland leedahay ee la hayo, taas oo wax yar oo Reer Somaliland ahi ogyahiin , in badan oo adduunyada kale ahise ay hayaan.
Inta aynaan mawduuca u gelin waxaynu tusaale u soo qaadan karaa dhawr qodob oo mid walbaa la xidhiidha taariikhda Somaliland , waa meel Barakaysan oo taariikho hore ku jiifta, balse aan taariikhahaa qaarkood waxba laga hayn ,haseyeeshee taariikhihii Dhexe iyo kuwii dambe markaan baadhay Waxay kasoo jeedaan xadaarado iyo boqortooyooyin kii ugu baaxada iyo da’da waynaa ee Afrika ka talinjiray, isla markaana markasta nabad iyo caddaalad ku dhisnayd, iyadoo sababtuna ay ahayd dadka marwalba diinta Islaamku ugu sii dambayso marka aduunka kale fasahaado sida ku qoran buugaag badan oo taariikhaha diimaha ka warama , kuwaas oo ku tilmaama Somaliland inay weligeed ahayd meel nabad loogu qaxo, oo illaa mid ka mid ah Nabi Nuux carruurtiisii ayaa u qaxay . Haddaan yara tixraaco magangalyo wanaaga ay leedahay waxaad dib u jaleecdaa imika illaa wakhtigii Fircoon umadihii usoo qaxayey geyiga Somaliland oo markasta nabad ku noolaa.
Xiliyadii burburku kuyimi xukumadihii Islaamka ahaa ee ka talin jiray waxaa laysku dayay in laqabsado , waana Lagu guul daraystay, kuwaas oo ay kamid ahaayeen qowmiyadihii Dutch-ka, kuwaas oo ay dadka meesha dagan u bixiyeen ” white nigros” oo ay leeyihiin waa dadka ugu xadaarisan uguna caqliga badan Afrika.
Wakhtigii Islaamka laga soo saaray Spain ayaa dadkii Yuhuuda ahaa ee sida cadaalada ah Islaamka ugu hoosnoolaa, lagula kacay dil iyo cadaadis badan, kadib ayay u qaxeen wadanka Turkiga ayagoo noqday dadkii ugu horeeyay ee qaxoonti ahaan loo ogolaado, kuwaas helay waxbarasho tacliimeed, waxayna ku dhex qasmeen bulshada, iyagoo magacayadoodiina badalay kana mid noqday dawladii Cismaaniyiinta, oo uu kamid ahaa Mustafa Kemal Ataturk, (19 May 1881-20 November 1938) oo ahaa Boris Johnson, The Mayor of London awoowgii, Islamarkaana ahaa Top Military officer dawladii Cismaaniyiinta.
Taariikhdan waxaad ka heli kartaa BBC TELEVISION ka Barnaamij taxane ahaa ee ka bixi jiray, kaas oo loogu magic daray Kumaad tahay ayaad u malaynay “WHO DO YOU THINK YOU ARE” ? halkaa waxaad ka arki doonto Boris, Mayor ka London oo booqanaya goobtii iyo gurigii awoowgii daganaa iyo madbacadii uu ku daabici jiray journal kii uu lahaa xiliggaa.
Taariikh aad u dheer maaha oo Internet ka ayaad ka heli kartaa, sidoo kale nin ka yimi Istanbul oo lagu magcaabi jiray Sharif Hussein Ibn Ali oo sheeganayay inuu yahay Hashimi, kaas oo The Sharif of Mecca oo Cismaaniyiinta wakiilka haashimiya ee u fadhiya Mecca ahaa, kaas oo uu Inqillaabay Cismaaniyiintii wakhtigaa oo uu heshiis hoose la galay boqortooyadii Ingiriiska markay taariikhdu ahayd 1915-16, heshiiskaa oo dhexmaray ninkii Masar u fadhiyay Ingiriiska, (BRITISH HIGH COMMISSIONER) oo lagu magcaabi jiray, Sir. Henry Mc Mahon, waxaana xiligaa hub aad u culus xagga Masar lagaga daldalayey loona gudbinayay Mekka si dagaalkaa Cismaaniyiinta lagaga takhaluso, iyadoo France qayb ka ahayd.
Ka hor illaa wakhtigii 1908, oo ahayd xiliggii uu filimka ku matalayay Shariifka Makka, isagoo Markay taariikhdu ahayd 1923, isu magacaabay Khaliif, Isla sannad kadib oo ah 1924, ayaa innamadisii Ingiriisku u kala dhiibay Ciraaq oo Faysal loo dhiibay iyo Jordan( Urdun) oo Cabdillah loo dhiibay, waxaana bilaabmay Dagaalo calculus oo ay wada galeen Binu Sacuud oo ah Boqortooyada Maanta loo yawaan Sacuudi Carabiya.
Markay taariikhdu ahayd 1925 ayaa Reer Sacuud Xukunka la wareegeen, halka Sheekh Maxamad Cabdulwahaabna diinta loo xil saaray.
Waxaan taariikhdaa gaaban uga sheekeeyay in aan taariikh ahaan isku xidho wakhtigaas iyo hadda arrimuhu siday u socdaan, taas oo xiligii taariikhahaasi dhacayeen Somaliland iyo Soomaaliya si xoog ah ay lugta ugula jireen Masar iyo Turkigu, iyagoo dhinaca Somaliland Xukunka isu bedelayay.
Sidaan horey usoo xusnay Somaliland isku day kasta oo la doonayay in lagu qabsado wuu guuldaraystay, wuxuuna noqday mid aan suuro gelayn, markaa kadib waxa loo adeegsaday dawladahaa oo Boqortooyadii Britain maamulaysay iyagana, kuwaas oo Islaamnimo iyo diinta kusoo dhex dhuumanaya.
Haddaad maanta eegto waad garan kartaa in taariikhdu Isa soo celisay, taas oo aad arkaysid Turkigii oo arrimaha Somaliya ku dhex jira iyo Masar oo bilawday olloleheedii siyaasadeed ee ay waligeedba Somalida uga dhigtay quwada kaliya ee ay Itoobiya kaga bajiso.
Taariikh ahaan Dagaalo badan ayay Itoobiya iyo Soomaaliya wada galeen gaar ahaan dadka ku dhaqan Somaliland. Sidaa awgeed markaynu dib u eegno kuwii u dambeeyay Waxay markasta ahaayeen kuwa awooda Soomaalida Lagu diciifin jiray, kuwaas oo adduun waynuhu dhinac kala soo safan jiray si aanay Itoobiya Geeska looga waayin, laakiin dagaaladaas waxaa dhamaantood sababi u ahaa dalka Masar marka laga reebo dagaal kii Axmed Ibrahim Gaz (Axmed Guray) oo Cismaaniyiintii iyo Masar labuda siiyeen caawimo, wakhtigaa Somaliland iyo Soomaaliyaba waxay aaayeen saldanado, ama (Imaarado) yar-yar oo Itoobiya hoos taga xukun ahaan.
Balse markii la burburiyay saldanadihii oo la mideeyay, iyadoo Masar oo u muuqatay inay Itoobiya ka baqday awoodeeda deegaan iyo ta militeri sii balaadhanaysa, waxa Soomaalida la geliyay dagaal ku jihaysan Boqortooyadii Ethiopia ee xiligaa, taas oo natiijadii sababtay in Boortiqiisku oo ka qayb galay galaan gudaha Soomaaliya, waxaana hadda muuqata marka la eego xaalada iyo sida wax u socdaan maanta inay sidii oo kale raadinayaan.
Hadaan kusoo laabto danaha Somaliland, waxaad moodaa in Somaliland ay ku fadhido kursi dahaba oo Itoobiya ay ku qasban tahay Somaliland cilaaqaadkeeda, maadaama haddii dawlad tayo lihi ay ka dhalato Somaliya ay dadka deegaanka kililka 5 aad ay isugu xidhmikaraan haday taasi dhacdo dawlada federalka ah ee Itoobiya Waxay ku dambayndoontaa gobolo ama waxaan jirin.
Taas darteed ayaa Somaliland danaheeda gaarka ah uga dhamaysan kartaa Itoobiya, waa haddii lahelo furaha siyaasadeed ee arrintaa khuseeya.
Maqaal ay Masar qortay sannado ka hor ayaa Waxay ku xustay xeeladaha militeri ee Somaliland ay leedahay iyo burjiga sareeya ee dagaal ee taariikhiga ah, iyadoo dib u raad raacaysa dagaaladii 1977 iyo iyadoo aad u falanqaysay taariikhda SNM iyo burburkii ay ugaysteen dawladii labaad ee Afrika ugu awooda badnayd, taas oo ay sheekada kusoo afjarayaan in haday Itoobiya wax xadguduba ku yeelato biyaha Niilka ay Somaliland soo geli doonto.
Masar oo siyaasadeeda soomaaliya waxay u muuqataa inay doonayso inay middayso si ay dufaacoodii u ahaadaan xataa haday Xoog ku muquunin karto ay samayso, taasina ay tahay sababta koowaad ee hubka ay Somaliya ugu soo daabilayso ayaa waxaad moodaa inay si uga indha laada’hay arrimaha Somaliland.
Somaliland haday qaybaheeda kala duwani ee wax garadka, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu, gudi khaasa usaaraan waxii arinkan la xidhiidha wax badan ayay ka midho dhalin lahaayeen oo uu Ictiraafku ugu horeeyo iyo wax intaas kasii badan.
Sociologist Saeed Issa Eleyeh.
Saeed_isma@live.co.uk