Marka hore waxaa mahad iska leh Allah oo ay naftaydu iyo naftiinuba gacantiisa ku jirto inata aanan u gudbin mawduucaan aan ku magcaabay ciwaanka aan kor ku xusay oo aan cadaymo uga keeni doono Kitaabka Qur’aanka kariim ka ah ee Allah,  waxan doonayaa in aan wax ka idhaahdo Haweenka walaalahay ee Soomaalida oo u dheg taaga dhalanteedka ay fidiyaan dadka Diintu ay u tahay waxay gacantooda ku samaysteen,  waa dadka aan islaamka ahayne oo dumarka soomaaliyeed ku hoda waxay ugu magcabeen (gender equality) sinaanshaha Lab iyo Dehedig.

Ama sinaanta ragga iyo Dumarka waxay kaloo sheegaan waxay yidhaahdaan Xuquuqda Aadamaha (Human Rights)  waxyaabahan ay u samaysteen sidii ay dadaal adag ugu geli lahaayeen, sidii ay u fidin lahaayeen diintooda,  balse waxa ka liita kuwaa ciddii badhaadhe karaadinaysa oo ay ku filaanwayday Diinta Allah soo dijiyey,  taasoo xumaan ka hufan waxa la yidhaahdaa (luulka),  waa shay qaaliya oo laga helo badda,  balse ka waran qofka yidhaahda waxaan Luul ka raadinayaa saxaraha illaahay waxba kuma aha  in uu ka siiyo,  balse caqli ahaan macquul ma tahay in uu soo helidoono raacdadaa khaldan, taana waxaa lam ah qofka leh waxaan xaquuq iyo sinaan ka raadinayaa  dadka diinta ay haystaan gacantooda ku samayeey ee ay ku filaanwayday Diinta Allah u soo dejiyey.
Ma rabo in aan  ku dheereeyo kufaar iyo warkiisee,  waxanse leeyahay cid walbaa waxay fariin iyo dhaqan ka sidaa cida u ah tusaalaha,  kufaarna kufaarkiisi hore ayuu dhaqankiisii iyo diintiisii xanbaarsanyahay,  halka ay islaamkuna dhaqankii iyo Diintii nebi Maxamed (CSW) ay xanbaarsanyihiin .

Markaa waxaa is waydiin mudan dumaroow  gaalo wa’ ayo cida tusaalaha u ah,  maxay ahaayeen goormayse gaalo baratay xaqa dumarku leeyahay oo ay la sinaadeen waxaa cadaana oo aan madow ku jirin sida Allaah (swt) uu sheegay in asalkii hore ee gaaladu ay nolosha ku Xabaali jireen hablaha yar yar,   iyagoo sabab uga dhigayay jinsiyadeeda dumarnimo Diintu waa ,mid keliya, laakiin waxa is bedelay Kutubta iyo risaaladaha oo Diinta suuban ee Nebi Maxamed (CSW) loo soo dhiibay ayaa Illaahay ku amray adoomihiisa inay raacaan.
Nin walaba wuxuu wadaa diintiisa iyo dhaqankiisa, kuwa hada joogana waxay wataan Diintaa dumarka Nolosha ku aasaysay,  gaalo waa galaalo kii bakhtiyey iyo kan joogaba ogow inta ay adiga xaq ku siinayaan waxay siin lahaayeen Allaha nafta geliyey oo aanay caasiyeen,   waxad akhridaa  suurada ( idashamsu kuwirat) Ayaadaha 8 iyo 9,  kuwaa ayaad kaga bogon doonta gaalo qiimaha uu dumarku ka joogo gaalada.

Ogsoonow xaquuqda gaaladu qofka siiso waxay ka bilaabantaa marka ilmuhu dhasho halka uu islaanku xaqiisa gaadhsiiyay marka uu galo Caloosha Hooyadda iyo waliba in la illaaliyo shahwaadka uu ka abuurmaayo,  balse gaaladu waxay ogol yihiin in ilmaha lasoo tuuro in aan la illalin shawaadka uu ilmuhu ka abuurmayo, iyagoo horena u Nolol xabaali jiray hablaha ka dhasha,  balse islaamku xaqa caruurta, ama ilamaha aad buu uga dedaalaa in cuurtana xaqooda la siiyo.
Nebigeenii suubanaa (CSW) ayaa nin waxa uu way diiyey su, aal wuxuu yidhi,  “Nebi allaw ka waran hadii ninku marka uu xaaskiisa u tago biyihii debeda ku daadiyo  markaa ayuu Nebigu (csw) ugu jawaabay taasi waa xabaal nololin qarsoon,  halkaa ayuu islaamku ka taagan yahay illalinta xaqa bini,aadamka halka gaaladu ka xidhato kondhon,  ama kiinino ka cunaan oo isbaaro loo dhigto sabab la,aan.

Hadaba waxaan  dumarka Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee Islaamkaba cod dheer ugu sheegayaa in ay bartaan diintooda oo daraaseeyaan taariikhda, waxaana fiican in naad ogaato in barashada cilmi ku saabsan  quraanjo ay ka fiican tahay  inaad barato cilmi ku saabsan bini,aadamka,  cilmi ku saabsan bini,aadamka in naad barataana waxa ka khayr badan in aad barato cilmi ku saabsan barashada Allaah oo ah cilmiga diinta islaamka. maanta haddii la yidhaahdo qofka barta dhakhtarnimada waxa uu ku shaqaynayaa $50 kun oo doolar, waa hubaal in  bulshadu ay wada baranayso dhakhtarnimo.

Sidoo kale haddii la yidhaahdo qofka barta Saxaafadda waxa uu ku shaqayndoonaa $100 ,000 kun oo dolar,  waa hubaal waxay  bulshadu u guuraysaa saxaafada hadaba macnahu maaha tayada uu leeyahay cilmigu ee waa wax u muuqa inuu wax kuu goynayo aduunka.
Hadaba isku daroo cilmiga diinta islaamka intee kaaga jarayaa, ama qiime ku leeyahay nolosha? Waxa uu jaraa inta ugu qaalisan oo waxa uu jaraa Janno  iyo waliba aduunka in aad ugu noolaato si siman oo aan gadgadoon lahayn,  waxa kale oo uu daweeyaa laabaha iyo quluubta dadka. ma jiro cilmi kale oo intaa nolosha wax kataraa. Markaa dumarka soomaaliyeed waxan leeyahay dadba indinkaa ugu sareeya ee ha jabina oo yaan maskaxda laydinka gumaysan,  Alleh waxa uu Aayad ku leeyahay  (Aduunka oo la roggo Agtayda waxa kaga cadho baddan oo dhiigiisa la daayiyo),  markaa waxan odhan karnaa aduunka oo dhan waxaa ka qaalisan gabadh muslimada.

Mar kale waxan dumarka soomaaliyeed kula talinayaa in ay qiimeeyaan raggooda sidii Allah yidhi, ragga soomaalieed waxay ku jiraan ragga aduunka ugu qiimaha badan xagga dumarka,  waayo cidi inay cid qiimaynaso waxa lagu gartaa waxay u hurtaa wax agteeda qaaliga ka ah soomaalida waxa qaali ku ah geela iyo fardaha waxayna u huraan in ay ka bixiyaan hablaha Soomaaliyeed luuqada ugu fiican ee lagu hadlo cid marka la amaanayo ka Soomaali ahaan waa Afka suugaanta,  taana hablaha soomaaliyeed iyagaa ugu badan. Sidaa darteed ragga Soomaliyed wax kasta oo wanaagsan way u hureen dumarka ee yaan la abaal dhicin.

Hadaba waxan u gudbayaa 12 sifo oo laba Aayadood Allah  kaga hadlay arintan kuna sheegay Qur’aanka kariimka ah oo ragga iyo dumarku ka simanyihiin Allah agtiisa,  waxayna ku jiraan jiska tobnaad suurada(axsaab) aayada 34 iyo aayada 35 wax loo tartamana waxaa ugu wanaagsan illaahay agtiisa  aayad kale oo ku jirta jiska koowad ee suurada (mudafifiin) aayada 26 ayaa Allah ku yidhi, “kuwa tartamayaa haw tartameen khayrka”  markaa khayrka adaa ugu horaynaya cidna iska horaysiin maysid aayadaan qudheedu waa sifo ina tusaysa in loo simanyahay u tartanka Alleh agtiisa, waana sidan Aayadihii:-

1 Ragga iyo Dumarka muslimiinta ah ee Alleh u hogaansamay

2 Ragga iyo Dumarka  muminiinta ah ee Alleh isu dhiibay

3 Ragga iyo Dumarka Alleh adeeca markasta

4  Ragga iyo Dumarka Alleh dartii runta u sheega

5  Ragga iyo Dumarka Alleh dartii u  sabraaya

6  Ragga iyo Dumarka Alleh dartii u khashuuca

7  Ragga iyo Dumarka Alleh dartii wax u sadaqaysta

8  Ragga iyo Dumarka Alleh dartii u sooma

9  Ragga iyo Dumarka  Alleh dartii cawradooda u ilaaliya

10  Ragga iyo Dumarka Alleh xusaaya in fara badan.

11  Allaah waxa uu u diyaariyay denbi dhaaf iyo abaalmarin aad u wayn.

Sida aynu arkayno  illaahay abaal marintiisa kuma jirto,  kanaa ragganimo leh ee ajarka haloo badiyo iyo tani waa Dumar ee ajarkeeda hala nusqaamiyo ee Allah waxa uu sheegay in, iyadoo addoomihiisa loo eegayn Lab iyo dhedig  denbi dhaaf iyo abaalmarin la siinayo,  taa  cakiskeedana labaduba Lab iyo dhidig aduumihiisa ay cadaabka Illaahay u siman yihiin kuwa caasiyoobay.
Balse lagu kala sareeyo oo keliya  qof walbi camalka uu shaqaysto ee aanay arrintu ahayn kani raganimuu leeyahay iyo tani waa dumar aan loo eegayn oo aan sed lagu helayn oo waxaad shaqaysatay aanad ku waayan  illaahayna marka uu qaybinayo wanaaga iyo xumaha agtiisa macne kama leh jinsiaga qofku ka soo jeedo. Taasi ayadii hore baltan kalena aan u gudbo.

Aayadani waxay leedahay (nin mumina iyo gabadh muunida umay sugnaan,  ama u banaana hadii  Alleh (CW) iyo rasuulkiisu arin go,aamiyaan in ay doorasho ka galaan ilaa in ay aqbalaan mooyee haddii lacaasiyo Alleh iyo rasuulkiisana waa lumid aan lumidi ka danbay oo cadaan ah),  halkaana waxaynu ka arkaynaa in ALLAH amarkiisa loo siman yahay qofkastaana wixii la amray in uu fuliyaa ay waajib ku tahay.
Amaana Allah Asaxaabay Mahadina Illaahay bay u sugnaatay.
By Aamina Maxamud Axmed (khaliifo)
Email aamina445@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *