Markaad eegto Xassan Sheekh duulimaadadiisa faraha badanee uu adduunka ugu kala gooshayo marna Japan mar Addis-ababa, Kenya ama marka la leeyahay MadaxwaynahaSoomaaliya ayaa Koonfur Africa kala hadlay

dadka Soomaaliyeed ee lagu gumaadayo, waxaad u sawiranaysa  dawlad guddaha ka dhisan oo  guul ka gaadhay dhismaha dawladnimo kadibna arrimihii dibadana u banbaxday kana talinaysa danaha Soomaaliyeed. Laakiin siday xaqiiqadu tahay waa ismaandhaaf iyo male been awaal ah, taasoo siday xaqiiqadu tahay uu yahay SABEEYE dul sabaynaya  siyaasada Soomaliya lagu hanti iyo dawlad maamulay , isagoo bixinaya muuqaal dawladnimo oo khiyaamo ku salaysan sidii Shariifka oo kale ,dadka wax magaratada ahna loo tusayo soo noolaansho dawlad Soomaaliyeed, balse xaqiiqdu tahay inuu yahay  Xasan Sheekh ergay QaramadaMidoobay u shaqeeya oo imikana ka hoos shaqayn doona Mr. Nicholas Kay.

Qorshaha Qaramada Midoobay oo ku salaysnaa qorshe qabsasho dahsoon iyo maalgashi dhaqaale isugu jira taasoo qaybaha Soomaaliya oo dhan lagu doonayay sida Somalilan oo kale. Waxaad moodaa qorshahani inuu u dhacay sidii oo ay dawlado badani galeen saamiqaybsi Soomaalida ah.Wakhtiyadii labadii kun iyo toddobadii ayaa qoraalo ka soobaxay wadanka Faransiiska lagu soo saaray qorshe maalgashi ah, kaas oo sheegay in Faransiisku maggaalada Berbera ka dhigi doono goob loo dalxiis yimaado oo Huteelo waawayn  ka furidoonaan, waxayna  dad badan oo reer Somaliland ahi walaac ka muujiyeen arrintaas, kuwaas oo u arkayay  inuu yahay mid burbur dhaqan iyo diineedba keeni kara sida ku dhacdaywadamo ku yaala North Africa sida Tunisiya iyo Meelo kale.

Qaramada Midoobay ayaa waxaad moodaa in mabaadiideeda siyaasadeed fashilmeen gaar ahaan illaa wakhtiyadii dagaaladii ciraaq oo ay isugu soo biyo shubatay magic dad gaar ah,   ama dawlado gaar ahi ku shaqaystaan, iyagoo qorshahaa  cidiiku fahantana ay kusoo galaan-galaan dacaayado ku salaysan xuquuqal aadamiga. Waxaa aad u mihiima in dadka reerSomaliland ay fahmaan , ka taxadiraan amaankoodana adkaystaan, wada jirka iyo midnimadoodana Ilaashadaan maadaama oo marxaladaha Geeska Afrika  uu yahay xasaasi taasoo  saameyn wayn ku yeelan doonta Geeska oo dhan.
Sociologist Saeed  Issa Eleyeh

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *