Waxaan runtii maanta qalinta u qaatey, in badan baan wax ka qorey aragtida siyasadeed oo dalku ku wajahan ama siyaassadba. Maanta waxaan rabaa in aan wax  yar tuso shacabka Somaliland ,  ama

 

bulshada Somaliland qaybeheeda kala duwan ee kala ah,

Ururada Qurbaha, jahliyaddaha, Qurbaha, Aqoonyahanka, Culuma awdiinka. Siyaasiga, Tijaarta, waxgaradka iyo waayeelka dalka Somaliland.

Waxaad la socotan in badan in dhalinyaradeeni badaha ku soo dhamatey malin walba dhimaneyso ama hablaheeni jidka lagu dilayo  oo lagu kufsanayo oo lagu dhacayo iyagoo soo tahriibaya. Waxaad mooda waxyaqanki iyo aqonyahankii iyo siyaasigii iyo tijaarkiiba ineynu sidayada qudha xooga saarney.

Dalku wu fagmaya, dhalintey wey dhimeysa, mustaqablkii Somaliland waa dhalinyarada Europe waad wada argtan waxba ma yaalan.

Waar Sidee loo bad baadiya, shilin walba waxey ku bixinaya, siyasadda iyo Xisbiyadda Qaranka. Waxaan qabaa, ( We are the wrong side of the History,)

Waxa ka qurux badan, Dowladda qudha waxba ma wadi karto, waxey dowladeni dhaafi kari la?dahey, Budgetka  Ciidanka qaranka oo aan ku filneyn,

Miisaniyadeenu waa Mushahar, shiddaal, iyo Gunno. Iyo Howl maalmeedka shaqada dowladda ee aan waliba Siyaabo badan wax uga khaldan yihiin oo aan la yaab ku laheyn wadan aan la aqoosaneyn oo soo koryaa.

Hadan u soo noqdo. Ujeedada qoraalkeyga. Aqoonta iyo Cilmigu mahaa intena qaadatey Degreega. Balse waxa mihiimsan sideynu u isticmaalno.

?        Somaliland Maxaa ka Samato Bixin kara Afaada Dhaqale xumo iyo shaqo la?aned!

Waxan ku soo kobaya 4 qodob ineynu yeelno. Kuwaas oo aan gundhig uga dhigayo sidii loo abuuri kari laha shaqo abuur, iyo dhaqaale dadku leeyahey dadkuna u siman yahey.

Runtii ahantii dadkena waxa ka maqan ee laga rabaa dowlada iyo cid walba oo masiirka umadan xil ka saran yahey iney ka shaqeyo. La iskana daayo Qabiilka iyo Asxaabeysiga Xisbiyada siyasadda.

Muddo badan waxeynu raadineyna Ictiraaf waxeynu isku xidhney ictraafkoo yimada mooye waxba lama qaban karo, dhaqale lama aburi karo, hadaba waa maxey saddexda qoddob?

Sidii lagu abuuri laha dhaqaale iyo shaqo ummada u siman.

?       Dayactirka Wershadda Berbera

?       Wershed Milixda ah oo Berbera iyana laga dhiso

?       Wershed Kalunka ah oo Iyana berbera laga dhiso

?       Somaliland oo Hag-badd Wadda gasha Gobollada dalka oo koban.

Afartaa qodob.

1.   wershedda Sibidhka Berbera.

Runtii waxan qaba in aan cidina hortaagneyn dhismaheda balse ey dadka deegankaasi waayeen cidku qancisa hab mamulka dhismaheeda, waxa loo bahan yahey dowlada iyo aqoon yahanba in khilaafka la soo afjaro, umaddana warshada loo dhiso lagana dhigona waxa loo yaqaan, (Public Private Partenship)

Taaso keeneysa kalsooni dadka dalka wada degani u siman yahey cid waliba wax ku yeelato, nin walba oo shilin heystana logu daro. Dowladuna wax ku darto, shacabka gebi ahana laga siiyo share, lagana saaro siyasadda iyo Qablyadda Qalafsan. Dowladuna waajibkeda gudato oo cid walba qancin karto.

2.   Wershadd Milix oo Berbera laga dhiso.

Run ahantii wershada Milixdu wey fududahey sida loga dhisi karaa berberaa. Waayo waa xeeb, Waxaynu taasna u heleyna suuqyo Somaliland dhaafsiisan oo eynu uu iibgeyno. Taasina waxey keney dhaaqale inoo soo kordha iyo shaq abuur.

3.   Wershadd Kaluunka oo weyn Berbera Laga hir galiyo.

Waxa qaba iyana waa wax cid waliba dareemi karto in kaluunkeeni Yemen iyo Haddba markaba ku qaato. Xoogey isagoo ah kaluunkeeni ka ugu qaalisan Aduunka. Waxa eynu u awoodi kari la?naheyna ey tahey. Talo xumo balse manta oo aan Somaliland dhaqale xumo heyn, ee ey heysto talo xumo waayo weynu awoodi karnaa. Ethopia inagu filan oo loo iib geyn, karaa.

Saddexdaa qodob aan soo sheegey waxey horsedayaan shaqo abuur, dhaqaale soo kordha, iyo dalka oo kalsonida shaacabka iyo wax wadda qabsiga abuura.

Hadaba sidaa lagu helaya. Waxa lagu helaaya. In tijaarta dalka la diwaan galiyo. Sheerar laga ururiyo. Rungta ganacsiga heysta xogta ganacsatadee. La furo workshop lagu sameyo (Feasibility Study).  Waxan qaba in eynu awoodno.

Ma jecli in aan hadalka ku dheeraado. Waxaasa ii muuqata markaan dalkeeni eegey in Men power kii ka soo dhamanayo. Beri hadii wax walba dhacaan. Difaaca dalka maha cidan ka milatryga qudha, waa men power waayo kuwaas hadhow  noqda ciidan. Hadii loo baahdo. Oo daruufi kento.

4.  Somaliland Iney Hagg-badd wadda gasho ah Gobollada Dalko dhan.

Bilaa Caleek, Qodobkan Sii fiican u Fahma?

Waxan uga jeeda qodobkan. Waad ogeydeen, Abaarihii xamar ka dhacey, muddo kooban beynu ku ururiney ineynu caawino, lacagta waqtiga yar lagu ururiyey waad arkeyseen 1. milnyan dollar bey aheyd ku dhowaad ama weydhameydba.

Taasi waxey ku tuseysa in eynu awoodno, in wax la ururin karo oo wax la abuuri karo balse waxey u bahan tahey caqli, iyo ragii maskaxda lahaa ee umaddan bad baadin laha,

Waxaa mihiimaddu tahey, hadii Somaliland lixda gobo lee waaweyni hagg-badd galaan oo sanad walba gobol lagu horumariyo wadarta lacagtaas.

la soo ururiyayey oo qurbje joogu ka qeyb, qaato. Oo la iska daayo, reer hebel waddo dhisaya.., reer hebelna tuulo heblaayo dhisayaa. Oo caqliga iyo awooda la mideeyo oo sanadba eynu gobol isugu tagno.

Iyadoo marka hore sanad walba gobol walba la soo diyaarinayo baahidiisa, iyo sidii uu isugu filaan laha, baahida aas aasiga ah.

Waynu guuleysaneynaa. Oo waa barwaaqoobeynaa.. oo waxeynu ku sugno. Ictiraaf iyo Pertrol la soo saaro weynu heleyna.

U fiirsada intaa lacag ku bixisaan Siyasada iyo qabyaalada. Miyeynu garan weyney waar dhibaatadu waa ina wada saameyneysaa. Oo dhalinteeni waata. Oo hablaheni waa taas Ethiopia ilaa Liibiya sidii la doono laga yeelo.

Afka ayaynu ka hadleyna, hadba waxaan loo jeedin sheegaynaa wacyi galin, seminaar tahriibka ka hadlaya. Waxaasi ma anfacaan dalka iyo dadka toona.

Hay’addina waxba inama wada gaadhsin karto. UN lacagteda Nairbo ba gabigedaba lagu cuna la inama soo gaadhsiiyo waxa la inoogu deeqo boqolkiiba 10% baa inga soo gadha. Dad yar beynu nahey, hadii intaas la sameeyo waxaan qabaa? In eynu ku sii dari karno waxyaabo waa weyn oo guul inoo keeni kara mustaqbal dhaqaale, siyasadeeda iyo umadeedba.

Gunaanad.

Waxaan ku soo Gunadadaa hadalkeyga. Ficil baa la inoga bahan yahey, waxaad maqleysa reer baa gurigey ku jireen u iibshey wiilkoodi ama inantodi si uu ugu tahriibo. Waxa reerku taas u sameynaa inankaasi ha baxo beri biilka ha idin so diro ama ha idin kaxeeyo. Waar Europe wey ka soo dhamaatey, ee Dalka iyo Dadka ma bad baadinaya. Oo caqliga ma kashaqeysiinaa dhinaca. Wanaagsan.  Intiinan qurbaha waad aragtan noloshaad ku nooshihiin. Maha runti mid lagu faani karo..

Madaxweyne Siilaanyo waxaan leeyahey, Mashruuci Iska wax u qabso waxa la yidhaahda Adaa ugu waaweyna raggii maskaxda Keeney Somalia, manta waxa laga rabaa.

Mashruucii Samata bixinta Dhalinyaradda Somaliland iyo Dadka iyo Dalka.

Maxaanu Madaxweyne Beri Taariikhda Ku galinaa? waad Awooda waxaad doonto. Dadka jiihey,, oo Tijaarta Dalka shir u qabo, Aqoonyahanka, NGO. Ha la isu waddo taggo. Oo waxii caqli u saxib ah iyo aqon ha isu yimaado.

Inteynu hadba leenahey shir beleed ha la isugu yimaado. Waar ha la isugu yimaado side loo abuure dhaqaale eynu wada leenahey oo dalku leeyahey,

Side looga bad baadiya ubadkena, badda liibiya iyo saxaraha hablaheni lagu kufsanayo ama spare part laga dhiganayo.

Sidee loo Hirgalin karaa. Wershadahan aan kor ku soo sheegey, sideynu ku awoodi karnaa. Maxaa caqabada inagu noqon karaa?

Shilin la ina siiyo mooye, waxenuba hadney inoo muqan waa habaar. Dowladda wax Cuneysa uun baad maqleysa waar waxba isaga dhiibi meynee, shacab iyo aqonyahey, Tijaar ha la isu yimaado, Dowlada hadaneynu Aamineyn. Inagu eynu cid iska dhex doorano howshan inoo qabataa.

Dowladddana eynu ku xukuno mashruuc walba inay  bixiso si loogu wadda joogo.

Waxii intaas dhaafsisan garan maayo anigu?. Runtii aad iyo aad baan uga xumahey Masiirkeenu Halku ku socdo.. Siyaadda Eynu Dhinac wadno Nolosheena iyo Danimadeena inagoo isku duuban?. Gabigeniiba Ictiraaf la?aan waxaad moda in aneynu waxba Qabsan Karin. Waar weynu qabsan. Karnaa ee Ma milyankeynu ku caawiney, Xamar baaneynu ugu yaraan sanad walba Gobol isugu dari Karin. Lixda Gobo loo gobol walba lagu xukumo. Lacag Cayiman weynu awoodna.

Gobol walbana gudi loo sameyo, soo ururisa lacagta, oo gobolkii keeni waaya uu noqdo mid ka hadhey Somaliland. Lixsano gudaheed waxweynu beynu qabsan karnaa.

Hadaneynu aheyn umadda waxa xun uun ka shaqeysa arintan ha loo fiirsado. Xisbiyaddu ha dhiiri galiyaan. Barlamanku ha dhiiri galiyo, Dowladdu hormood haka noqoto.. waar runta eynu isu sheegno waxbeynu qabsan karnaa.

Waar fadhiga halaga kaco? Tollaaye Reer Somalilandow Dhankaad iga Xigtaan baa dhaxantu iga heysaa?

Waa Bilaahi towfiiq.

Ambssador Abdirizak Ahmed-toor (Diinaari)

Diinaari1960@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *