Inta aan maqaalkan bilaabin Ka hor waxaan jeclaan lahaa in aan inyar idiinku iftiimiyo Waxa igu kalifay in aan ka faalloodo arrintan Kor Ku xusan taas oo ay sabab u tahay, markii aan

arkay in Bulsha waynta somaliyeed, Gaar ahaan dhalinyaradda, ama qofkasta oo jecel in uu naftiisa dhiso , ama uu hore umariyo si uu u noqdo qof maamuus leh, sidaas darted waxaan jecleestay in aad ila wadaagtaan 10 step oo aan is idhi hadii uu qofka raba in uu Naftiisa Horemariyo uu ku dhaqmo gaadhi doono Goalkiisa ama Hadafkiisa Horumarineed, xxxxxxxx Qodobadiina waa Sidan:-

1.Samayso ama Dhiso xiriir wanagsan bulshada kugu xeeran, si ay kuu garab istaagaan marka aad la kulantid caqabad, am aad u baahatid.

2.Markasta ku dadaalin aad naftaada ka dhigtid mid daacad ah oo dibicsan.

3.Isku day in aad dhoola cadaysid ama aad weji furfurnaatid marka aad ku dhexjirtid bulshadda.

4.Baro ashyaa cusub Maalin kasta, si aad u korisid maskaxdaada, adigoo badsanaya dalxiisyada, daawashaada televisionada waxbrashadda ama taariikhda ka warama, iyo idacadahaba., si aad additional Knowledge u heshid.

5.Isku day in aad ku Qanacdid waxa yare e aad nolosha ku haysatid, ee uu Eebe “Subxaana watacaalaa Kusiiyaya” Si laguugu Kordhiyo uguna gaadhid Galadda wayn, Badsana samirka si noloshaadu u sinaato.

6.Ha isku dayin weligaa in aad Xidhiidh Baa-biisid, balse isku day weligaa in aad xidhiidh sanaysid, waayo xiriirkasta oo samaysid waxa uu ka qaybqaadanayaa Cimri dherrerkaaga,

7.Badso Hadalada Kiisa Wanaagsan, Yaraysana Hadalada kiisa Qalafsan, si aad u noqotid qof la xiiseeyo.

8.Weligaa Hore usoco,wixii tagay way tageen, waxa manta joona waa waxaad qacanta ku haysid,Mustaqbalka wixii aad heli lahydna waa murayadii beri.

9.In aad tidhaahdid “MAYA”maahan wax xun, Maya macnaheedu waxa weeyaaan in aadan adigu ku qanacsanayn xaalad, taas macnaheedu maahan in aad u isticmaashi Rule ka #2 ee aanu kor ku soo sheegnay in aad fikirkaaga ku afkeeeb qabatid.

10.Xasuuso weligaa sadex waxyaalood:waxqabadkaaga, Rajadaada, iyo Guushaadaa, Waayo waxqabadkaagu waxa uu ka turjumayaa Dhiiri gelintaada, Rajadaadana waxa ay ka turjumaysaa Hamigaaga nololeed, Guushaaduwaxa ay ka turjumaysaa Nasiibkaaga kiisa wacan.

Hadaba Akhristoow Hadii aad Tahay qof Jecel in uu Naftiisa Horemariyo am uu noqdo qof ay bulshadu wada jecelyihiin , oo noloshiisa development waxa loo yaqan ku sameeya.
Gabagabadii maqaalkayga oo noqondoona mid taxanaa aanan uga hadlidoono insha alah nolosha qeebheeda kala duwan ayaan idiin soo gudbindoonaa. Intaa kahoraysa waxaa idinkaga tagayaa naftayda iyo naftiinaba.

وَاسْتَعِينُواْ بِالصَّبْرِ وَالصَّلاَةِ وَإِنَّهَا لَكَبِيرَةٌ إِلاَّ عَلَى الْخَاشِعِينَ )

Waad Mahadsantihiin
Mahbuub Hussein Ismail
Email: engmahbuub@hotmail.comTell: 0634331708/930975 4Burao Somaliland

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *