Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland, kaas oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan (Dhuxul). qoraalkaa ayaa u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Dr. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu maanta xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1492/122012 ku dhaqan-geliyey miisaaniyad qaranka ee sannadeedka 2013-ka.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiilada, Go’aan Lr. GW/G/KF-20/584/2012 ee ku taariikhaysan 31/12/2012 ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2013-ka ee Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Baanka Dhexe, Dekedda Berbera, Wakaaladaha Biyaha, Haamaha Shidaalka Berbera, Warshadda Laydhka Hargeysa, Warshadda Laydhka Berbera, Madbacadda Qaranka, Wasaaradda Duulista iyo Hawada iyo Deeqda Sanduuqa Trust Fund iyo Lifaaqyada ku lamaan.
Wuxuu Soo Saaray
Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2013-ka ee Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Baanka Dhexe, Dekedda Berbera, Wakaaladaha Biyaha, Haamaha Shidaalka Berbera, Warshadda Laydhka Hargeysa, Warshadda Laydhka Berbera, Mad-bacadda Qaranka, Wasaaradda Duulista iyo Hawada iyo Deeqda Sanduuqa Trust Fund iyo Lifaaqyada ku lamaan, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 31-12-2012 ay dhaqal tahay miisaaniyada qaranka ee 2013-ka.” ayaa lagu yidhi qoraalka Madaxtooyada Somaliland.
Dhinaca kale golaha wakiilada Somaliland ayaa shalay duuduub ku ansixiyay Miisaaniyada. kadib markii wasiirka Wasaaradda Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale horgeeyay golaha.