shaqada qaran ee loo doortay.
Sida ku cad Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Xeer Lr. 23/2002 oo madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ku dhaqan-geliyey digreeto lambarkeedu yahay 283/2007, soona baxday 24 June 2007, waxa waajib ah in xildhibaanka goleyaasha degaanka ee la doorto muddo bil gudaheed ah lagu diiwaangeliyo hantidiisa gaar ah mood iyo noolba si loogula xisaabtamo muddada uu xilka hayo wixii ku soo kordha maalka loo diiwaangeliyey markii la soo doortay.
Qodobka 22aad ee xeerkaas oo lagu caddeeyey waajibnimada diiwaangelinta hantida xildhibaannada golaha degaanka iyo qaabka loo kaydinayo, waxa uu isagoo faahfaahsan u dhigan yahay sidan:
“Qodobka 22’aad
DIIWAANGALINTA HANTIDA MUDANAYAASHA
1. Mudanuhu wuxuu bil gudaheed marka la doorto ku diiwaangelinayaa hantida uu leeyahay mood iyo noolba.
2. Xoghayaha Fulintu wuxuu samaynayaa, ilaalinayaa, kaydinayaa diiwaanka hantida mudanayaasha.”
Ujeeddooyinka ka dambeeyey diiwaangelinta hantida mudanayaasha cusub ee degaanka, ayaa u muuqata mid lagula dagaalamayo musuqmaasuqa iyo sidii xildhibaannada looga ilaalin lahaa inay hantida ummadda boobaan, maadaama diiwaan lagu hayo mid kasta hantidiisa gaarka ah, isla markaana lagu ogaanayo maalka u soo kordha muddada uu xilka qaranka u hayo.
Dhinaca kale, waxa uu Jamhuuriya akhristayaashiisa iyo bulshada Somaliland u soo gudbinayaa qaabka loo maamulayo fadhiga u horreeya ee golaha cusub ee degaanka la doortay, habka loo dooranayo Maayirka iyo Maayir-ku-xigeenka iyo weliba doorka Wasiirka Daakhiligu ku leeyahay fadhigaas, iyadoo la raacayo Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka dalka.
Sida sharcigu dhigayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ku dhawaaqaya maalinta fadhiyada golayaasha degaanka, isagoo muddo 15 maalmood gudahood ah oo ka bilaabmaysa maalinta xildhibaannada cusub la dhaariyo warbaahinta ku faafinaya furitaanka fadhiyada golayaasha degmooyinka Somaliland. Haseyeeshee, haddii wasiirku tallaabadaas ku guuldaraystana golayaashu iskood bay u kulmayaan oo fadhiyadooda u qabsanayaan.
Qodobadda 62aad iyo 63aad ee Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka, ayaa qeexaya hannaanka loogu dhawaaqayo fadhiyada golayaasha degaanka iyo qaabka loo dooranayo maayirka iyo maayir-ku-xigeenka. Labadaas qodob oo faahfaahsan waa sidan:
“Doorashada duqa iyo ku-xigeenkiisa:
Qodobka 62’aad
1. Laga bilaabo maalinta ku dhawaaqidda Maxkamdda Gobolka natiijada kama dambaysta ah ee doorashada mudanayaasha cusub, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guduhu wuxuu ku dhawaaqayaa maalinta fadhiyada golayaasha deegaannada ee demooyinka dalka ay qabsoomayso, isagoo ka baahinaya warbaahinta, (15) casho gudohood.
2. Haddii wasiirku ku dhawaaqi waayo, gole walba isaga ayaa iskii u kulmaya (10) casho gudahood oo ka dambaysa (15) casho ee hore.
3. Kulanka ugu horreeya waxa guddoominaya, isla markaana dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka amma garsoore uu u igmaday oo ka tirsan kuwa gobolka iyo kuwa degmooyinka gobolkaas ka tirsan.
4. Fadhigaas lagu dhaarinayey mudanayaasha waxa guddoonka shirka lagu wareejinayaa mudanaha ugu da’da weyn, waxana lagu dooranayaa Duqa iyo ku-xigeenkiisa, iyadoo ay goob-joog ka yihiin garsoorayaashii dhaariyey.
Qodobka 63’aad
Habka doorashada duqa iyo ku-xigeenkiisa:
1. Duqa Degmada iyo ku-xigeenkiisa doorashadoodu waa keli-keli, lammaane maaha.
2. Marka la magaacabo ama uu isu sharraxo hal murrashax in loo doorto duqa amma ku-xigeenkiisa, wuxuu shirguddoonka fadhigu ku dhawaaqayaa codayntii iyo natiijadii codbixinta.
3. Marka laba murrashax amma ka badan la soo jeediyo amma ay isu taagaan in loo doorto Duqa ama ku-xigeenkiisa, habka doorashadu waxay noqonaysaa gacan-taag oo ku ansaxaysa cod hal (1) dheeri ah,” ayuu yidhi qodobku.