Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xalay qasriga Madaxtooyadda casho-sharaf ugu sameeyay Hoggaamiyeyaasha sadexda xisbi qaran ee kusoo baxay doorashadii golayaasha deegaanka, kuwaas oo

 

kala ah KULMIYE, WADDANI iyo UCID.

Kulanka lagu qabtay qasriga Madaxtooyada waxay Madaxweynaha iyo Hoggaanka sadexda xisbi qaran kaga wada hadleen sidii ay Xisbiyada iyo Xukuumaddu u yeelan lahaayeen xidhiidh joogto ah, isla markaana ay uga wada shaqayn lahaayeen danaha qaranka.

Guddoomiyeyaasha Sadexda Xisbi Qaran, ayaa kulankaa ka dib faah faahin ka bixiyey waxyaabihii ay Madaxweynaha ka wada hadleen, waxayna sheegeen inay isla qaateen Madaxweynaha iyo Xisbiyadu sidii ay danaha qaranka iyo horumarka dalka uga wada shaqayn lahaayeen, isla markaana ay u yeelan lahaayeen kulamo joogto ah oo ay kagaga wada socdaan xaaladaha dalku marayo.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ugu horeyn ka hadlay ujeedada kulankaa, ayaa  sheegay inuu kulanku ahaa kii ugu horeeyey ee ay wada yeeshaan Madaxweynaha intii ay soo bexeen sadexda Xisbi qaran, wuxuuna xusay inay Madaxweynaha isla qaateen inay ka wada shaqeeyaan danaha qaranka, isla markaana ay samayn doonaan kulamo kale oo joogto ah, si ay uga wada socdaan wixii hawlo ah ee jira.

Eng Faysal Cali Waraabe oo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi,  “Madaxweyanaha Somaliland ayaa waxa uu noo sameeyey Casho, taas oo ahayd Doorashadii aynu ka soo baxnay ee aanu ku guulaysannay, waxaanu ka wada hadalnay sidii aanu kulamo wada jir ah oo joogto ah u yeelan lahayn ee uga wada tashan lahayn arrimaha guddaha iyo dibeddaba, doorashadiina waxay inoogu dhamaatay guul. Waxaanu soo dhowynaynaa Xisbi ahaan in wixii la wada leeyahay ee danaha umaddeena ah uga wada tashan lahayn, waxaanau rajaynaynaa inaan kulankan cash shafarta ahi noqon kii ugu dambayeeyay ,”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE  Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay ujeedada kulankaa ayaa dhiniciisa qiray  inay Madaxweynaha kulanka casho sharafta ah ee ay  la yeesheen kaga wada hadleen sidii loo wada shaqayn lahaa, isagoo yidhi,  “Waxaanu leenahay Ururradii hadhay waxaad ku samirtaan waxaad codadkiinii ku dhisteen dalkinii. Waxaanu xisbi xaakim ahana ballan qaadaynaa wada tashi iyo wada shaqayn, si aynu danaha qaranka uga wada shaqayn lahayn, Xisbiga WADDANI waanu ku soo dhawaynaynaa oo soo galay halkii UDUB, waxaana hogaaminaya rag aanu in badan soo wada shaqaynaynay oo is fahmi karo oo is qaban karaya, mararka qaarkood inaynu waxyaabaha qaar mucaarid iyo muxaafidba ka midawno, annaga waxaan leeyahay waad naga helaysaan oo ah wada tashi iyo soo dhowaynba,”ayuu yidhi Gudoomiye Muuse Biixi.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland  C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay Madaxweynaha ka wada hadleen sidii ay u yeelan lahaayeen xidhiidh, wuxuuna  sheegay in Xukuumadda looga baahanyahay sidii ay u samayn lahayd kulamo joogto ah oo ay yeeshaan Xisbiyada qaranku.

“Waxaan u mahad naqayaa Madaxweynaha Somaliland uga mahad naqaynaa casho sharaftan uu noo sameeyey,  in badanna waynu ka midaysan nahay oo ay ka mid tahay midnimada qaranka, waxaan u mahad naqayaa Ururradii tar tamay ee aan ka mid noqonin Sadexda Xisbi Qaran, waxaana inay  taas ku ilaawaan inay Somaliland guulaysatay,”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Gudoomiyaha Waddani C/raxmaan Cirro oo  ka hadlaya musharixiinta hadhay ee aan kusoo bixin tartankii wuxuu yidhi,  “ Waxaan Illaahay uga baryayaa dhammaan intii inaga dhimatay Doorashadii, waxaan leeyahay murashixintii tar tamaysay ee sababay inay soo baxaan sadexda Xisbi qaran, waxaan leeyahay codkiinii waxaad ku soo saarteen Xisbiyada qaranka, waxaan leeyahay inay naga dadaal badnaayeen ayaan qabaa, in kasta oo aanay iyagu guulaysan laakiin Somaliland ayey guul ka heleen, Xisbul xaakimka iyo Xukuumadda waxa looga baahanyahay inay sameeyaan wada tashi.” ayuu yidhi. C/raxmaan Cirro.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *