Boorama(ANN)Golaha Deegaanka la doortay ee Degmada Boorama, ayaa maanta yeeshay fadhigii  u horeeyey, kaas oo ay Maayar iyo ku xigeen cusub ugu doorteen Mudane Saleebaan Xasan Xaddi oo loo doortay Maayarka magaalada, halka Maayar ku xigeena loo doortay

Maxamed Maxamud Faarax (Dheereyste).kadib markii ay cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen.

Fadhiga lagu doortay Maayarka cusub iyo ku xigeenkiisa, waxa ka qaybgalay 21-ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha deegaanka ee Boorame, kaas oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirrada wasaaradaha Shaqada iyo arrimaha Bulshada Maxamed Axmed Barre (Garaad),  Cabdirisaaq Cali Cismaan, Maayarkii hore ee magaaladaa C/raxmaan Shide Bille iyo saraakiil ka socday wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.

Laba musharax ayaa ku tartamay jagada Maayarka, balse Saleebaan Xasan Xaddi, ayaa ku guulaystay Maayarnimada. kadib markii uu helay 15 cod oo aqlabiyada golaha deegaanka Boorama ah, halka musharaxa la tartamayay oo ahaa Cabdi Cismaan Dhegoweyne ay codkooda siiyeen 5 xildhibaan. sidaana waxa Maayarka loogu doortay Saleebaan Xasan Xaddi.

Musharaxa u taagnaa Maayar xigeenka oo ahaa Maxamed Maxamuud Faarax (Dheereeye), ayaan cidi kula tartamin jagadaa, wuxuuna helay 19 ka mid ah 21 xildhibaan ee golaha deegaanka Boorama, kuwaas oo codkooda siiyay inuu noqdo Maayar xigeenka, iyadoo aanu gudoomiyuhu codayn, wuxuuna musharaxa jagada Maayarka lagaga adkaaday ku hanbalyeeyay musharaxa ku guulaystay Maayarka ee ay ku tartameen jagadaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *