Hargeysa(ANN) Musharax Maxamed Cali Sh. Cumar ayaa shalay ku soo bandhigay musharaxnimadiisa fagaaraha GarDhalinta), oonka 31-ka  May ee magaalada Hargeysa, iyadoo ay  munaasibadaa ka soo qayb galeen taageerayaashiisa. Xaflada bandhiga oo lagu qabtay

garoonka 31-ka May ee degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa ayaa ahayd mid uu musharaxu kaga dhawaaqayey musharaxnimadiisa, taas  oo ay ka soo qayb galeen Gudoomiyaha Ururka Rays, gudoomiyaha gobolka ee Ururkaa iyo boqolaal dadweyne kala duwan oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada.

Xafladan lagu soo bandhigay musharaxnimada Maxamed Cali Sh. Cumar oo ka sharaxan urur siyaasadeedka Rays ayaa kaga duwanaa bandhigii musharixiintii hore isaga oo ku soo bandhigay fagaare garoon kubadeed aad u balaadhan oo ay iskugu yimaadeen badi taageerayaasha kala duwan ee musharaxu.

Musharax Maxamed Cali ayaa ahaa musharixii u dambeeyey ee ka sharaxan ururka Rays, isla markaana soo bandhiga musharaxnimadiisa.

Madasha uu musharaxu ku soo bandhigayey musharxnimadiisa ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha Dhalinyarada degmada Ibraahim Koodbuur C/raxiim Axmed Ibraahim, waxaanu sheegay in ay dhalinyar ahaan yahay xildhibaanka ay wataan uu yahay musharaxan, isla markaana u heelan yihiin sidii ay u soo saari lahaayeen.

“Xildhibaan Cali Sh. Cumar waa xildhibaanka aanu wadano, isla markaana u diyaar nahay in aanu soo saarno si uu ugu guulaysto tartanka doorashada golayaasha deegaanka”.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex ee Urur siyaasadeedka Rays C/risaaq Maxamed Xasan (Kildhi) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay wakhti badan ku qaadatay sidii uu musharaxan gacanta ugu soo dhigi lahaa si uu iskaga soo sharaxo doorashada goleyaasha Deegaanka.

Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Rays Xasan Gaafaadhi oo halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay in uu si weyn ugu rajo weyn yahay in musharaxan ku soo baxo doorashada golaha deegaanka, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Haddii 25 musharax ee urur siyaasadeedka Rays ka sharaxan aan is odhan lahaa cid baa ka soo baxaysa waxa aan ku rajo weynaha in musharaxani si balaadhan ugu soo bixi doono doorashada goleyaasha deegaanka haddii ALLE ka dhigo”. ayuu yidhi Gaafaadhi.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *