Hargeysa(ANN) Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe), oo ka mid ah Odayaasha Ruug cadaaga ah ee Guurtida Somaliland, isla markaana kasii jooga Odayaasha dhismaha Dawladnimada Somaliland iyo nabada doorka weyn kasoo qaatay, ayaa maanta loola cararay cusbitaal debedeed. kadib
markii xaaladiisa Caafimaad halis gashay.
Xaaji C/kariim Xuseen oo labadii maalmood ee u danbeeyay ku xanuunsanayay gurigiisa oo ku yaala magaalada Hargeysa, ayaa maanta Diyaarad khaas ah loogu qaaday dhinaca dalka Djibouti, iyadoo xukuumadda Somaliland u dalbatay diyaaradaa. sidaana loogu diray dhakhtar debedeed.
Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal).