Hargeysa(ANN)Tifaf tiraha wargeyska YOOL Maxamed Cabdi Curad ayaa maalintii shanaad ku xidhan magaasada hargeysa,ka dib markii xabsiga loo taxaabay maalintii arbacadii lasoo dhaafay ee todobaadkii hore.
Tafaftiraha Wargeysa Yool, waxa lala xidhay Weriye Khadar Hayaan Xuseen oo ka tirsan Yool, balse xabsiga laga sii daayay shalay lasoo daayey.
Gudoomiyaha ururka saxafiyiinta Somalilandee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf ayaa sheegay inuu labadaa Saxafi xidhay wasiirka Arimaha guduhu Maxamed Nuur Carraale (Duur), isla markaana wuxuu xusay inuu wasiirku u sheegay in laga war sugo inta ay dhamaanayso 18-ka may “wuxuu uhaystaa wasiirku labada saxafi alaab bakhaar taala” Ayuu yidhi xasan maxamed yuusuf.
Gudoomiyaha SOLJA, ayaa sheegay inay ku hungoobeen ergo ay ugu tageen wasiirka arrimaha gudaha, isagoo sheegay inuu wasiirku u cadaystay dagaal saxaafada madaxa bananaan ka dhan ah.
Dhinaca kale Weriyaha xidhan ayaan illaa hada maxkamad la hor keenin, iyadoo aan loo ogolayn in la booqdo, waxaana xadhiga weriyahaa lala xidhiidhiyay inuu sawiro uu ka qaaday xubno wasiiro ah oo Arbacadii lasoo dhaafay ay rabshadi ka dhacday. Kadib markii ay koox Malayshiya ah oo hubaysani soo weerareen xero ciidanka qaranka ah oo ku taal Koonfur Bari magaalada Hargeysa, taas oo ay ka dhasheen khasaare dhimasho iyo dhaawacba lahaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com