Hargeysa(ANN)Tifaf tiraha wargeyska YOOL Maxamed Cabdi Curad ayaa maalintii shanaad  ku xidhan magaasada hargeysa,ka dib markii xabsiga loo taxaabay maalintii arbacadii lasoo dhaafay  ee todobaadkii hore.

Tafaftiraha Wargeysa Yool, waxa lala xidhay Weriye Khadar Hayaan Xuseen  oo ka tirsan Yool, balse  xabsiga laga sii daayay  shalay lasoo daayey.
Gudoomiyaha ururka saxafiyiinta Somalilandee SOLJA  Xasan Maxamed Yuusuf  ayaa sheegay inuu labadaa Saxafi xidhay wasiirka Arimaha guduhu Maxamed Nuur Carraale (Duur), isla markaana  wuxuu xusay  inuu wasiirku  u sheegay  in laga war sugo inta ay dhamaanayso 18-ka may “wuxuu uhaystaa wasiirku labada saxafi alaab bakhaar taala” Ayuu yidhi xasan maxamed yuusuf.
Gudoomiyaha SOLJA, ayaa sheegay inay ku hungoobeen ergo ay ugu tageen wasiirka arrimaha gudaha,  isagoo sheegay inuu wasiirku u cadaystay dagaal saxaafada madaxa bananaan ka  dhan ah.
Dhinaca  kale Weriyaha xidhan ayaan illaa hada maxkamad la hor  keenin, iyadoo aan loo ogolayn in la booqdo, waxaana xadhiga weriyahaa lala xidhiidhiyay  inuu  sawiro uu ka qaaday xubno  wasiiro  ah oo Arbacadii lasoo dhaafay  ay rabshadi  ka dhacday. Kadib markii ay koox Malayshiya ah oo hubaysani soo weerareen xero ciidanka qaranka ah oo ku taal  Koonfur Bari  magaalada Hargeysa, taas oo ay ka dhasheen khasaare dhimasho iyo dhaawacba lahaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *