Burco(ANN)Urur siyaasadeedka NASIYE oo ka mid ah Ururada Somaliland dhowaan lagaga dhawaaqay ayaa casho sharaf ugu sameeyay Huteelka City Balasa ee Magaalda Burco xalay ciyaartoyda Xulalka labada Gobol ee Sool iyo Hawd . Munaasibadaa Casho Sharaftan ah oo ay ka qaybgaleen
masuuliyiin ka socotay dawlada , abwaano,Aqoonyahan iyo marti sharafkale, waxa Urur siyaasadeedka Nasiye ku macneeyay ujeedadeeda mid ay uga dan leeyihiin,sidii ay u dhiirigalin lahaayeen is dhexgalka dhalinyarada.Gudoomiyaha Urursiyaasadeedka Nasiye Mr. Siciid Ciise Jaamac oo ka hadlay munaasibada casho sharaftaa ayaa ayaa yidhi, “waxaan idinku hanmbalyaynaynaa derajadii aad ka Gadheen Ciyaarihii tartanka Gobolada oo Xulaka Maroodi Jeex iyo Hawd isugu soo hadheen Faynalka, isla markaana Xulka Gobolka Sool Galay kaalinta Sadexaad,.”
Wuxuuna xusay in Ururka Nasiye u taaganyahay danaha Dhalinyarada. Sidaa awgeed ay casho Sharaftan u sameeyeen inay is bartaan dhalinayarada, isla markaana ay tahay Dhiiri galinta dhaliyarada iyo is dhexgalkooda inay Kordhiyaan, isagoo yidhi, ,”waxana idin ku amaanaynaa Gaar ahaan Gobolka Sool Ciyaar wanaagi aad muujiseen,waxana idin leenahay Halkaas ka sii wada anaguna dhinacayaga waxaanu sii wadi doonaa wada shaqaynta iyo dhiirigalinta dhaliyarada ayuu yidhi Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka NASIYE.
Abwaanka wayn ee caanka ah Maxamed Ibrahin Warsame (Hadraawi), ayaa isaguna hadal kooban u jeediyay dhalinayarada ciyaartoyda, isagoo labadaa Xul ee casho Sharafta loo sameeyay ku tilmamay inay Ciyaar hufan oo nadiifa soo bandhigeen, taas oo uu sheegay in loo baahanyahay in loo baahanyahay inay halkaas ka sii wadaan waxaanu abwaanku kula dardaarmay dhalinyarada isboortiga in muhiimada laga leeyahay qabashada tartanka Ciyaaraha inay Bulshadu si nadiif aha oo hufan isu dhex gasho si ay u dhacdo is barasho iyo isku xidhnaan sidaadaraadeed aanay ahayn inay awooda saarto inay qaadan koobka ee ay awooda saaraan ujeedooyinka kale ee wanaagsan ee laga leeyahay.
. Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed Cabdi oo isaguna hadal kooban ka jeediyay halkaa ayaa Sheegay in ilaa iminka Ciyaaruhu Meel Gabo Gabo ah marayaan, isla markaana uu rajaynayo inay si nabad gelyo ah ku soo dhamaadaan, wuxuuna u mahad naqay Ciyaartoydii iyo madaxdii u Gobolka uu gudoomiyaha u yahay ugu martida ahaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com