Aduunyada Nin nooloow maxaa aragti kuu laaban, waa xikmad nin hore yidhi, maalin walba waxaad arkaysaa wax kaa yaabiya. Waxa yaab iyo amakaag noqotay wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo furtay Urur siyaasadeed, warkaa oo saxaafada qaarkeed uu u qaybiyay nin sheegtay
Af-hayeenka Ururka aan weli la sharci garayn oo hada uun calool galay oo lagu magcaabo RAYS, ninkaa oo magaciisa ku sheegay Khaliif Xiin-waal.
Marka hore Khaliif maaha qof aanan garanayn ee waa nin dhinaca Qurbaha ka yimi oo dalka in baddan ka maqnaa, wuxuuna sheegay in wasiiro qaarkood Xajka ku maqan yihiin sida Wasiirka madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali oo soo gudanaya waajibkii Illaahay faray ay Ururkaa NASIYE oo lagaga dhawaaqay maalmo ka hor dalka ay ku bixiyeen dhaqaalle baddan oo ay ka danbeeyaan.
Marka hore Khaliifoow qof kasta xaq ayuu u leeyahay inuu ku biiro urur siyaasadeed , ama furto, ama xubin ka noqdo, waana wax dastuuri ah, balse Khaliif waxan u sheegaynaa inay arrintiisu tahay mid been abuur iyo wanjal siyaasadeed oo qaawan ah, taas oo ah mid meel ka dhac ku ah masuuliyiintaa qaranka dhaleecaynta noocaa ah iyo beenta qaawan ee kaasoo baxday oo aanu ka xaal siinayno masuuliyiintaa qaranka. Waxaana kuu sheegaynaa horta dalka hadaad Koyday ee intaanad cidna canbaarayn oo aanad dhex dabaalan mawjado wanjal siyaasadeed iyo shaqi nacayb horta dadka dalka horuu joogay iyo kuwa xog ogaalka ah warayso, waxaan ku leenahay illaahay haw naxariistee abwaan Qaasin ayaa gabayadiisa mid ka mid ah waxa ka mid ahaa, “Hubka weyn xamilimaysid iyo hiririgtiisiiy’e, waxaan kugu yar hayl-haylayaa hoota bagaftaas’e” markaa waxaan leenahay Khaliifoow mabaad dhalane dhawrtaysan ogidaa.
By, Nagiib Muuse Axmed iyo Naasir Af-weyne Fiix
Hargeysa