ABWAANKA TIRIYAY :- DACAR IBRAHIM GULEED
TAARIIKHDA UU TIRIYEY :- 1988
Waxaanu yidhi sidan soo socota :-
v Waa deris awaadhku iyo duco, waana kala diin’e
v Goortaan damqado, xumo markaan anigu diidaayo
v Malaa’iig ajalo duubta ,yuunbaygu soo degaye
v Meeshaan ku dayo iyo buurlaydaba waan ku dumiyaaye
v Waa dawlad xoogbadan , markaan diro hadraawow’e
v Kacaankaba Hadraawa dilay oo loogu dawgalay’e
v Wuxu yidhi dad iyo xoola dhaca oo dihaal baxa ‘e .
v Iyaguna dardaarkii mare iyo kaartadu degaye.
v Ana miinadaan daadiyaan daabul rarayaaye’e.
v Ina macalin iyo baan duldhigay daartii golihii’e.
§ Dib u noqo baalayoy afweynaa kusoo diray’e
§ Dalkayaga ka dhoof , koonfurba manta ku dihin’e.
§ Hawiye dabayl mari dheguhu uma daloolaane.
§ Iyagana majeerteen daa , diif horu qabaye
Ø Ogaadeen dalkiisi labixi duudina maayaane
Ø Markay toban duul wada kacaan haysku duuleene
Ø Nin siyaad u diririyo ,aar nin daba jooga
Ø Hawkale dayamaan intay dab isla boobaane
Ø Dabaabaduhu ha isku hirdiyaan daarihii xamare
v Afartaa awaadh aan diriyo , duulimaad baxay dheh
v Sida weliba kuma daynine , dood kalaan celine
o Dib unoqo balaayay afweyne ku soo diraye
o Dalkayaga ka dhoof , koonfurbaa manta ku dihine
o Hawiye dabayl mari dheguhu uma daloolaane
o Sacadka iyo caydhku ha didaan hana diriirane
o Abgaalkuna dameerkiyo buquulkii ha ku duulene
o Maantida hawada daadah shaan daadka webigiye
o Ufo daba, hub darandooriyo, fooqyo wada dumay
o Dadkoo yaacay maydaan la dihin dumarka oyaaya
o Dulcad waxa nadhigay xamarna waa lagu dabayn siine
o Afartaa awaadh aan diriyo ,dulimaad baxay dheh
ü Waatay hargaisaba dunsheen , duhur dharaareede
ü Dib unoqo baalayaw afweyne ku soo diriye
ü Dalkayaga ka dhoof , koonfurbaa manta ku dihine
ü Hawiye dabayl mari dheguhu uma daloolaane
ü Sida karan diraacdii galay , doolo iyo faafan
ü Oo dhibida soo daylay oo doobta kari naaya
ü Oo baarqab dawsari heleyo dacayda laalaadshay
ü Weligiiba dib wuu ukaaji jiray boqorka daaroode
ü Baribaabuu kazoo dari sidii kii dabay shadeye
ü Cigaal oo nasriga daadahshay oo laba dabaylood leh
ü Oo midi dadkii raacisayo , daramalka uqaaday
ü Oo ay midina wixii diidinaa iyo duubtay cadawgiisa
ü Oo dawlad nimadii qabtoo loo dabaal dageyoo
ü Oo inuu dibnaha uun ka hadloo ,uumiyihuu wada doonaayo.
ü Rabiga deeqda bixiyaw , adaan kaa duraansadaye
ü Allahayow dad lama uu aha ee hadyad noosoo dir
PREPARED BY : C/QAADIR XAAJI JAAMAC .
Tell :- 4441190
E-mail :- Qaadiro_1m@hotmail.com
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
1
+1
+1
+1