Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Cabdillahi Cumar oo ka qayb-galaya shir caalami ah oo loo qabanayo Somaliya ayaa si kala duwan looga faalooday. Inkastoo Somalida koonfurtu aad u danaynayaan shirkaas iyo waxa ka soo baxaya, haddana
waxaa si kala gedisan uga muujiyey dareen dadweynaha qurbo jooga ah, gaar ahaan aqoon-yahanka Somaliland ee ku baahsan dunida.Qayb aad u balaadhan oo aqoon-yahan ah, weliba aad ugu dhuun-daloola ayaa kala saaray qaabka Somaliland shirarka caalmiga ah ee Somaliya loo qabanayo, hanaanka ay kaga qaybgeli karto. waxayna ku tilmaameen in aanay kaga qaybgeli karin iyaga oo ah gobol ka mid ah Somaliya, sidoo kale waa in aanay kaga qaybgelin iyaga oo ah maamul nabadgelyo ka jirto oo somaliya ah, sidoo kale waa in aanay ka mid ahayn maamulka Somaliya ee TNG iyo mid kastoo loo sameeyo Somaliya.
Aqoon-yahanadaasi waxa ay sidoo kale markay sadexdaas qodob ee ay tilmaameen ay baal dhigeen, in laga qaybgeli karo shirarka caalmiga ah, haddii innaga oo ah maamul gaar ah la ina soo casumo, weliba la innagu casumo magaca Somaliland, waa ka qaybgeli karnaa, waayo aduunyadu inooma aqoonsana dal madaxbanaan, waxa aynu halkaasna ku soo gudbin karnaa fikrada reer Somaliland ee gooni isu taaga, in aduunyadu inoo qaybiso hantida maguuraanka ah ee weli taagan, sida maraakiibta iyo safaaradaha Somaliya ee ay TNG ku shaqaysato.
Waxa ay aqoonyahanadu leeyihiin waa laga qaybgeli karaa, innaga oo talo bixin iyo iskaashi kala yeelan karna Somaliya xaalladeeda dawladaha caalamiga ah ee daneeya. Waxay raaciyeen in sidoo kale aynu sidii loola dagaalami lahaa budhcad badeeda, argagixisada iyo tilamaanta maamulada ku shaqaysta kobcinta, korinta iyo taakulaynta budhcad badeeda in aynu u iftiimino bulshada caalamka, kuwaas oo ah maamulo sheegta magaca Somaliyeed, halisna ku ah ammaanka mandaqada, waxa ay raaciyaan waa in si siman aynu uga muuqanaa innaga iyo dawladaha deriska, maamulka Somalida loo dhisay ee TFG, waana in aynu ka mid nahay dadka ka hadlaya ee martida ah, taas oo inna siin doonta fursad aynu fikradeena beesha caalamka ugu soo gudbino, tilmaanana in aanay qaabka Somaliya xalkeeda loo wadaa aanu noqonayn mid midho dhal ah, haddii aan laga faa’iidaysan shirarkii hore iyo wixii hungeeyey. Arrinkaas innaga ayaa bixin karna guul-darooyinkii shirarkii hore waxa lagaga gudbi karo. Tusaalena qaabka aynu uga gudubnay ayaa u ah, caalamkuna waa dhegeysanayaa ayay leeyihiin aqoonyahano badani.
Inta badan aqoonyahanada reer Somaliland ee qurbo jooga ah waa isku waafaqsan yahay ka qayb-galka shirkaas loo qabanayo Somalida ee lagu qabanayo London, waayo wa mid hoos imanaya shardiya aynu kor ku sheegnay weeye. Waxaase jira shkhsiyaad diidan oo weli ku taagan wadadii hore ee siyaasada Somaliland.
Shirkan waxaa hormuud ka ah dawlada Ingiriiska, waxaana ka mid ah dawladaha lagu casumay:
1. Faransiiska
2. Talyaaniga
3. Holland
4. Sweden
5. Biljam
6. Uganda
7. Itoobiya
8. Qaramada midoobay
9. Uruka (AU)
10. ururka Arabta
11. Dawlada Somaliland
12. dacalada isku haya Somaliya ee kala duwan.
Shirarka Somalida inta badan ma qaban jirin dawlada Ingiriiksu, waxaana la sheegayaa in ay talooyin ay siiyeen hoggaanka cusub ee Somaliland iyo aqoonyahano kale oo badan oo khubaro ku ah arrimaha Somaliya, ay khasab u aragtay in ay door ku yeelato Ingiriiska dawladiisu arrimaha Somaliya.
Shirarkii la qaban jiray ee hore majaraha hoggaamineed midna kuma ay lahayn Somaliland wax talo ah, wuxuuna ahaa sababtii uu madaxweyne Cigaal uga diday shirkii Jabuuti ee Somalida, iyada oo aan Somaliland wax talo ah oo miisaan leh aan laga waydiin, maantase talo buuxda iyo wakhti isleeg oo laba dawladood muujinaya ayaa la siiyey wasiirka Arrimaha Dibada Somaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland.
Indhaha caalamka ayuu soo jiitay wasiirka Somaliland, talo laga soo shaqeeyey oo cilmaysan ayuu goobtii shirka ka jeediyey, waxaana halkaas laga bixiyey hadalkiisii tixraac badan, waxaana wararku sheegayaan in dawladaha Yurub ee halkaas fadhiyey ay u soo jeediyeen qaramada midoobay in talo soo jeedinta Somaliland si gaar ah loo raaco. Wuxuu tilmaamay wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland, in loo baahan yahay sidii wax looga qaban lahaa, aayo ka talinta Somaliland, dib u dhiska Somaliya iyo sidii looga hortegi lahaa argagixisada iyo halisaha ay kaga soo fool leh Somaliland dhanka dalkaas burburay ee somaliya. wasiirku wuxuu sidoo kale talo ka bixiyey sidii loo caawin lahaa qaxoontiga Somaliya ka soo qaxa ee dul-saarka ku ah ummada Somaliland ee qudhoodu danyarta ah.
Wasiirku wxuu sidoo kale ka bixiyey talo balaadhan dib u dhiska nabadaynta iyo xasilinta khilaafaadka Somalida Koonfureed, taakulaynta dadka tabaalaysan ee qaxoontiga ah ee Somaliland jooga iyo argagixisada oo ah halista koowaad. Wasiir Arrimaha Dibada ee Somaliland, Mudane Maxamed Cabdillaahi Cumar, waa wasiir siyaasada ku cusub, hase yeeshe bedelay jihadii siyaasada somaliya oo dhan, guulo la taaban karona soo hooyoy.
Somalilandfuture Online