Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum- Ibraahim Maygaag Samatar oo ka mid ahaa halyeeyadii Ururkii SNM iyo aqoonyahanada waaweyn

ee dalka oo xalay ku geeriyooday dalka Jabaan oo uu muddo sanado ah ka ahaa macalin jaamacadeed.
Dhambaalka Madaxweynuhu  u diray qoyskii uu ka baxay Prof Ibraahim Maygaag Samatar wuxuu u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii iyo Guud ahaanba Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM IBRAAHIM MAYGAAG SAMATAR oo ku geeriyooday Tokiyo waxaanu ilaahay uga baryayaa inuu qabriga u nuuro naxariistiisana janno ka waraabiyo
Waxaanu Dhambaalkan Madaweynuhu ku yidhi ( Aniga oo ku Hadlaaya Magacayga Ka Dawlada iyo Ka shacbiga Reer Somaliland-ba waxan Tacsi u Dirayaa Qoyskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii iyo Guud ahaanba Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxay alla ha u naxariistee MARXUUM IBRAAHIM MAYGAAG SAMATAR oo ku geeriyooday Tokiyo ALLE Ha u naxariistee  MARXUUM Ibraahim Maygaag SAMATAR  waxa uu ahaa Aqoonyahan. Siyaasi iyo Halyey Taariikh ku lahaa Dalka iyo Halgankiiba.
ILLAAHAYNA waxan uga Baryahaa inuu Qabrigiisa u nuuro Naxariistii Janno ka waraabiyo.”

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *