Waxaan dhegeystey waraysi uu bixiyey Boqor Raabi oo uu kaga hadlaayo arimo dhowra oo ay ka midyahiin Jaamacadda Hargeysa iyo Magaaladda ganacsi ee Wajaale. Hadaba markii aan arkay Ciwaanka waraysiga ayaan fursad siiyey Boqorka iyo hadalkiisa si aan
bal wax ugu qabsado hadalka madaxdhaqameedka oo aan u filaayey inuu nuxurka uu xanbaarsanyahay ka koobnaan doono sulux iyo waxsheeg hufan oo badiba lagu yaqaano madax-dhaqameed.Nasiib-daro hadalkii Boqor Raabi wuu ka baaqsaday halkii aan u filaayey iyo sandaladahii deegaanka uu ka soo jeedo oo haddii aanu nahay reer Somaliland qiima weyn iyo taariikh facweyn noogu fadhiyey sooyaalka kala danbeeyey ee soo maray hogaankii iyo geed fadhigii afkoodda ilahay ku manaystay suluxa iyo taladda fiican.
Arinkii markiiba wuxuu noqday meel Aar ka kacay Atoor fadh fadhiisey oo hadalkii Boqorku waxa uu noqday mid aan ka soo yeedhi jirin haba yaraatee dhankaasi maanta uu ka soo yeedhay, isla markaasina miisaankan iyo nuxurka hadalku uu u dhacaayey mid weyda oo wax qiimoo uu leeyahay aanu jirin.
Madax-dhaqameed marka aad maqasho, markaba waxaa maskaxdaada ku soo dhacaya deganaan,sulux iyo talo waayeel oo in badan la soo shiilaayey oo laga dhameeyey qalooc iyo hadimo dhamaantood si aanu hadalkaasi u noqon mid fidmo abuura oo dhabar jab iyo dhaliil ku noqda madax-dhaqameedka uu ka soo yeedhay, isla markaasina ummadu hadalkaasi diwaanka ugu qoraan cidii iska lahayd ee uu ka soo yeedhay, hadalkaasi oo noqda mid saamayn weyn ku yeesha cidda ku tiraabtay haddiiba ay dhacdo. Waayo ummadda Somaliyeed oo ku hadla af aad hodan u ah ayaa waxay hal hays u leeyahiin( Hadalkaaga Sumad ku dhigo)
Hadaba Boqor Raabi waraysigiisu waxa uu ahaa mid aan ku haboonayn afka nin madax-dhaqameed sheeganaya oo ku hadlaya Sharafka iyo Karaamadda Ummadda uu wakiilka ka yahay. Waayo hadalkaasi waxa uu xanbaarsanaa fidmo iyo iska horkeen layska horkeenaayo ummadda walaalahaa ee reer Somaliland. Waxaa kale oo Boqorku uu meel kaga dhacay shacab weynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo uu u kala sameeyey Sumad sooc iyo dirsooc, mar uu ka hadlaayey deegaanka Hargeysa oo waa sidda hadalka uu u dhigaye uu ka xigsanaayey muwaadiniinta qaarkood.
Waxaa kale oo iyaduna la yaaba canaanta iyo weerarka tooskaa ee uu ku ekeeyey shaqsiyaad uu si toosa u maagaayey. Waxaa muuqanaysey in Boqorku hadalka aanu u meel deyin, laakiin uu ahaa meel aan rabey roob maygu eryey iyo ku tiraabid hadal uurkiisa jiifa oo uu hore u waayey meel uu Ummadda u mariyo, laakiin maanta ay ula muuqatay inuu si aan shaandhaysnayn uga soo hurgufo uurkiisa oo ay dhaawac weyn u geysato dhegaha shacab badan oo dhegeystey waraysigiisa, isla markaasina ka bixiyey faalooyin nusqaan ku ah masuulka oo haba-yaraatee aan haboonayn in uu halkaasi xaajadda mariyo oo weliba doorka bulshadda uu ku leeyahay meel kaga dhaco.
Sandaladu ciyaar maha, waa masuuliyad Culayskeedda, Go,aankeedda iyo hab-dhaqankeedda suuban leh. Waxay Sandaladu u baahantahay taba-bar iyo tayo laga dhaxlo, Aabe iyo Awow u taba-barana hawshan oo xeerkeedda iyo xanaankeedda intaba si fiican u fahansan kana soo gaadhey waalid hawshan ku soo jirey intaasi oo fac, si fiicana ay ugu kala qalantahay xeerka iyo fulinta xaalad kasta lagu furdaamiyo si cadaalad iyo xeerbeegnimo ku dheehantahay.
Maanta shacabka waxaa jaah-wareer iyo dhega-barjayn ku ridey Sandaladda casrigaa ee daaqad kaga soo boodkaa oo aan lahayn mabaadii iyo waayo-aragnimo asaasiya oo suura-gelin karta hagitaan iyo masuulnimo weyn oo lagu jihayn karo shacabka si hufan. Aduunkan Ilaahay markii uu taagey waxaa furahii loo dhiibey Nebiyulaahi Aadan (csm) iyo weliba inaga oo ilahay inagala xisaabtami doono doorkii aan ku lahayn dunidda iyo waxii masuul aad ka tahay ee ka leexda halka ilahay iyo ummadiisuba raalidda ka yahiin.
Hadaba koonka maamulkiisu Boqor Raaboow maha cudur iyo cadiifad sidda hadalkaaga ka muuqata ee waa beeldaajiyanimo weyn iyo sulux ummadda loogu adeego si sifaha Madax-dhaqameedka loo dabakho oo hawlahoodda waxii ka baxsan faraha looga laabto, isla markaasina aan loo baxsan arimaha Siyaasadda iyo doorka bulshadda ee rag kale leeyahay. Hadaba Boqor Raaboow hadalkaagu maha hadalkii aanu uga baranay Madax-dhaqameedka faca weyn ee dhankaasi.
Cabdilaahi Cali Xassan (John)
Liverpool
UK