Hargeysa (ANN)Axmed Cali Aadan (Goodir) oo hore uga tirsanaan jiray Komishanka doorashooyinka, isla markaana ah khabiir mudo konton sanadood ka badan kasoo dhaqaynayay maamulka ayaa dadweynaha reer Somaliland hor dhigay
su’aal uu nuxurkeedu ahaa bal in ay sharci tahay in ay shakhsiyaad mulkiyadeeda iska yeeshaan hantidii umada ka dhaxaysay. Sidaana wuxuu ku sheegay qoraal kooban oo uu maanta saxaafada u qaybiyay.
Hadalkan oo daba socday jawaab uu dhawaan madaxweyne ku xigeenkii hore ka bixiyay dhaliilo uu Axmed Cali Aadan u soo jeediyay ayaa waxa uu u dhignaa sidan “Madaxweyne- ku xigeenkii hore , mudane A xmed yuusuf yaasiin wuxuu igu naqdiyay in aan ahay nimaan sharciga waxba ka aqoonin,kaddib markaan dhawaan ka hadlay labadan arimood ee hoos ku sheegan oo aan ula jeeday, sixitaan iyo in laga wada waantoobo sharci darada iyo awood ku taagleynta, madaxweyne ku xigeenku ku kacay.
1- Waxa la wada aqoonsan yahay inuu madax wayne ku xigeenku,Gurigii dawaladda ee uu ku jiray,lagana dhisay maalka hantida ummadda, uu u samaystay Mulkiyad gaar ah,taasoo u muuqata si uu yahay mulki uu iska leeyahay oo laga dhaxli karo! Hadii intii uu xilka hayey baarlamaanku ka soo saari lahaa xeer qeexaaya hantida dawladeed ee ay ku dhaqmi karaan, kadib markay hawl gab galaan, isaga iyo qeyrkiiba , wuxuu xaq u lahaan lahaa in loo dhiso guri uu ku noolaan karo tan iyo inta uu nool yahay .waxase cadaan iyo marag ma doon ah , in ay sharci daro iyo ka faa`iidaysi awood xafiis tahay in guri loogu talo galay Madaxweyne ku-xigeen kasta ee yimaada inuu gaLo (Tied House), kaasoo si hab meerto ah la isaga bedeli lahaa aya xaaraan iyo wax nidaamka maamul ku cusub oo hor leh tahay ee ku salaysan “Dhistaye dhiso”, waxaana nasiib darro ah in ciddi sharciga dhawri lahayd ee looga dayan lahaa maamul maamul wanaagga ay iyagu u horseedeen amar ku taaglaynta iyo ku xad-gudubka shuruucda.
2- Arrinta labaad waxay iyana ahayd mid talo soo jeedin ah oo Madaxweyne ku-xigeenkii hore ku wajahnayd, taasoo loogu sheegaayey inaanu isku wada heli Karin inuu sii ahaado hogaamiye xisbi, isla markaana ka mid noqdo golaha guurtida, xubin sharaf ahaan.
Ugu dambayntii, waxaa Aw-axmed looga fadhiyaa, inuu bulshada u caddeeyo, una tilmaamo, qodobka dastuurka ah ama sharci ee u ogolaanaya, inuu hantidii ee uu ku dhaqmaayey muddadii uu Madaxweyne ku-xigeenka ahaa , ka dib markii xilkii ka dhamaaday damaaciyo oo uu samaysto mulkiyad gaar ahaaneed, waxa kale oo looga baahan yahay, inuu kala caddeeyo inuu yahay hogaamiye xisbi ama uu doortay inuu u go’o xubin sharafeedka golaha guurtida ee dastuurku siinayo.