QAl-jaziraadar(Araweelo News Network)Telefishanka caalamiga ah ee Al Jasiira ayaa warbixin dheer ka diyaariyay xasuuqii taliskii milateriga ee Siyaad Barre ka geystay carrada Somaliland sannadihii siddeetameeyadii.

Warbixinta oo uu qorey James Reinl waxa ay sheegaysaa in ay Khubarro ku xeeldheer baadhitaanada xasuuqa ‘Forensics team’ ay imanaysa bishan Feebarwari 10 Somaliland, kuwaasi oo baadhitaan ku samayn doona hadhaaga dadkii lagu xasuuqay xilligaasi magaalooyinka Somaliland, wareysiyana la yeelan doona eheladoodii iyo cid kasta oo xog ka heysayba. Masuuliyiinta Somaliland ayaa waxa ay tusi doonan hadhaaga lafihii dadkaasi lagu xasuuqay dil wadareedka baahsan iyagoo loo aaneynayo isirkooda, kaasi oo ay fulisay dawladdii Soomaaliya 1980-meeyadii.

War-bixintan ayaa xuseysa dadkii ku dhintey xasuuqaasi tirade ay dhamaayeen qiyaas ahaan, iyada oo soo xiganaysa Masuuliyiin ka mid ah hay’adda xasuuqa Somaliland ee kaydisa xogta xasuuqaasi iyo qaar ka mid ah eheladoodii

.

Madaxa kooxda baadhitaanka ku samaynaysa xabaal-wadareedyada dalka Jose Baraybar , ayaa u sheegay Aljasiira in ay gaadhayaan dadka la xasuuqey ilaa laba boqol oo kun, waxa ay u socdaana yahay in ay toos u gaadhaan xaqiiqda jirta.

“Caddeymaha dadka la xasuuqay ayaa waxa daaha ka feyday bishii May/1997-kii roobab laxaad leh oo daadkii ka soo rogmaday ciidii ka qaaday qalfoofka xabaal wadareedyo ku aasnaa Hargeysa.

“Waxa aan haatan horgeynaynaa arrintan beesha caalamka, sidaasi waxa u sheegay Al Jaziira wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis. “Kuwii ka dambeeyay waxa ay joogaan dibadaha iyaga oo ku nool nolol caadi ah. Kuwooda ku nool galbeedka waa in aan daba galaa”.

Warbixinta Al Jasiira waxa ay sheegtay in hawsha baadhitaan ee u dambeysay uu maalgeliyay urur fadhigiisu yahay Mareykanka oo la yidhaa CJA (Centre for Justice and Acoountability) oo la kulamay 2003 markii ugu horaysay ee ay Somaliland yimaadaan  38 ka mid ah dadka dhibanayaasha ah ee ehelkooda la xasuuqay. Sidoo waxay arkeen xabaalo wadareedyada qaarkood iyo laha qalfoofka ka hadhay dadkii la xasuuqay Sebtembar 2012.

Kooxda siddeeda ah ee bishan imanaysaa waxa ay darsi doonaan hadhaaga lafihii xasuuqa ka hadhay oo ay ka baadhayaan caddeymaha dilalka sida qorshaysan loo fuliyo, waxaanay daaha ka rogi doonaan goob labaad oo ka mid ah xabaal wadareedyada.

“Hargeysa waa wada xabaal wadareed sidaa waxa yidhi Jose Baraybar oo khabiir ku ah xasuuqyada, ahna ninka hoggaaminaya kooxda.

“Waxa la leeyahay 200,000 oo qof ayaa ku jira xabaal wadareedyada, qaar kalena waxay leeyihiin waa 60,000. Xaqiiqdii cidna ma oga. Taasina waa sababta aanu toos ugu gelayno baadhitaanka”.

“Qof walba wuxuu waayay ehelkiisii, aabihii, hooyadii, walaaladii” sidaa waxa yidhi Khadar Axmed Like, oo ah Madaxa hay’adda debagalka xasuuqii Somaliland ka dhacay oo la hadlay Al-jazeera.

War-bixintan ayaa soo qaadaysa in Maxamed Cali Samater oo ahaa Raysal-wasaarihii dawladdii Siyaad Barre Maxkamad Maraykanka ku taal ku xukuntay $ 21 Milyan doolar oo magdhow ah, markii lagu cadeeyay inuu qayb weyn ka qaatay xasuuqa shacabka Somaliland.

Mr. Jose Baraybar oo ka soo hawlgalay baadhitaano xasuuq oo laga sameeyay Haiti, Boosniya iyo meelo kale, waxa uu sheegayaa inay baadhayaan nabarrada loo geystay ee ah toogashada dhaw ee madaxyada iyo caalamadaha kale ee dilalka habeysan. Sida oo kale waxa uu leeyahay caddeymaha ah inay dadka la xasuuqay ka soo jeedaan qabiil keliya ayaa muujin karaya xasuuqa.

Mashruuca baadhitaanka oo saddex sano soconaya waxa lagu tababari doonaa shaqaalaha maxaliga ah si ay u baadhaan 226 xabaalo wadareed oo la og yahay.

Komishanka dabagalka xasuuqa ayaa waxa ay diiwaanka ku dhigeen 33 ku eedaysan inay geysteen xasuuqaasi kuwaasi oo uu ka mid yahay ninka uu soddogga u ahaa Siyaad Barre ee loo yaqaan Janaraal Moorgan.

Warbixinta Al Jasiira waxa kale oo ay ka hadashay inay Somaliland kala leedahay wada hadal Soomaaliya xidhiidhkooda mustaqbalka, ayna xasuuqyadii dhacay iyo dacwad ku oogidooduna ka mid noqon karaan wada hadallada.

Jose Baraybar oo ka hadlayay waxa laga yaabo inay ka dhashaan baadhitaankani, waxa uu xusey in ay baadhitaanada dembiyada dagaal ay leeyihiin wax ka badan baadhitaankan ka sokow dacwad oogida.

Waxa uu intaa raaciyay marka ay dhintaan kuwii geystay, inuu kii dhintey halkiisa ahaanayo, ayna ka hadhayso sheeko ma hadho ah, sheekadaasina ay leedahay awood bogsasho, dhegeysiga sheekadaasina ay xaq u leeyihiin kuwii ka badbaaday iyo jiilalka mustaqbalkuba. “Ilmaha awowga loo yahay waa in uu ogaadaa wixii ku dhacay awowgii Aabe”.
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *