qaaliga ahna ku abaal mariyo.
20 February, oo aynu sannad walbba xusnno sannad guuradii ka soo wareegtay maalintii ardayda Dugisyada Sare ee magaalada Hargeysa, ay dhagaxa kala hor tageen askartii hu baysnayd ee dhagar qabihii Siyaad Barre,waa maalin mudan in si weyn loo xuso , la xasuu sto , taariikhdeeda la qoro , iskuuladana lagu dhigto.
Haddii waqtigu ii saamaxo,Allaha awooda lihina Nafta igu simo, waxaan si kooban isku dul taagi doonaa maalintaasi halka aan ku sugnaa, jawiga magaalada Hargeysa iyo mashaqad ii halkaa ka dhacday.
Waxaan ka mid ahaa ardaydii Dugsiyada Sare ee joogtay markii Maxakamadda la keenay Macallimiintii,Dhakhaatiirtii,Aqoonayahanadii ee dhallinyaradii UFO,ee xaq darrada lagu soo xidh xidhay,iyadoo sabab looga dhigay , maxaad uga damqateen dhibta iyo caddaalad da rrada lagu hayey shacabka.Tusaale ahaan , waxaan u soo qaadan karnaa Cusbitaalka we yn ee magaalada Hargeysa iyo xaaladda murugada leh ee uu ku sugnaa waqtigaa, xaqiiq adiina ahayd arrin aad looga damqado,laga gil gisho,laga murugoodo.
Waxay ka mid ahayd sababaha keenay in dhalinyaradii UFO , ay u guntadaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen baahida muuqata ee aan indhaha laga qarsan karin,ee bulshada la ga cuna qabateeyey inay helaan adeegii aasaasiga ahaa ee nolosha Baniaadamku u baah nayd … Daawo aad u doonato daayoo,nadaafad darrada, tayo xumada,urta & dayactir la’aanta ka muuqatay ,ayaanay nafiba kuu gabateen, haddii aad waqtigaa Hargeysa ku noolaan lahayd.
Dhacdada Dhagax Tuurka ee 20 February,1982, maaha mid qoraal kaliya lagu soo koobi ka ro, waxaanay ahayd maalin hugunka iyo rasaasta dhawaaqeedu magaalada Hargeysa wa da gaadhay,qaacuna cirka isku shareeray,dhimashada iyo dhaawucuna tirada ka batay , talana faraha ka haadey . Jaha wareerkaa iyo niyad jabkii maalintaa ku dhacay Daalimiintii Ciidankii Siyaad Barre, waxay naf la caaridkii miciin moodeen in Bandoo (Curfew), lagu soo rogo magaalada Hargeysa ,oon guryaha laga soo bixi karin…..Somalidaa waxay ku maah maahdaa,” Nimaan warankaagu gelin , weedhaadu ma gasho,” waana maalintii Ciidamadii keligii Taliyihii Afweyne Barre ,Umulo dooxii,Dhiigyo cabkii,Basaasiintiisii, iyo Damiir lawaya ashiisiiba, ay yiqiin sadeen in aan amar ku taaglayntoodii, hadda ka dib aanay socon doo nin,shacabkuna u dul qaadan doonin Xunkii Xunku dhalay, dhagaxii xaq u dirirkuna , ka dhu muc roonaaday rasaastoodii !!!.
Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelkii ,qaraabadii iyo shacabka Somaliland,ee ardaydii iyo dhammaan shacabkii ku shahiiday maalintii Dhagax Tuurka,waxaanan ilahaay uga bary ayaa inuu naxariistii janoo Fardwasa ka waraabiyo.Waxaan kale oo aan tacsi gaar ah u dir ayaa, qoyskii uu ka geeriyooday, Ilaahay naxariistii janno Fardawsa ha ka waraabiyee , m arxuum Barre Xaaji Cilmi Axmed ( Badho),oo aanu aqoon badan isku lahayn ,kana mid ah aa ardaydii Dhagax Tuurka , ee u geeriyooday dhaawacii rasaastii askartii dhiigyo cabku sida arxan darrada ah ay ugu furayeen ardayda iyo shacabakaba.
Anigoo fursaddan ka faaiideysanaya, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaa n dhalinyarada Somaliland,waxaanan leeyahay mustaqbalka dalkeenu gacantiinna ayuu ku jiraa, u guntada ,u shaqeeya , difaaca , ilaaliya , kuna dadaala inaad adkaysaan Nabad gel yada iyo Qaranimada Somaliland ee aynu naf iyo maalbba ku bixinnay.20 February, oo ay nu xusnno sannad walbba sannad guuradii ka soo wareegtay maalintii ardayda Dugisyada Sare ee magaalada Hargeysa, ay dhagaxa kala hor tageen askartii hubaysnayd ee dhaga r qabihii Siyaad Barre,waa maalin mudan in si weyn loo xuso , la xasuusto , taariikhdeeda la qoro , iskuuladana lagu dhigto.
Waxaan idinku dhaafayaa Maansadii Taarikhiga ahayd ee magaceedu ahaa Hambabber ama Hargeysi ma toostay,ee 1982 uu tiriyey Abwaanka weyn ee Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi ), kuna sahabsanayd dhacdada Dhagax Tuurka:
Habeenada weysha
Dhurwaa habarteeda
Dorraad ku hiraabtay
Haan-haabadka naaska
Haaneed ka deyeysa
*****
Nirgaa hugun yuuska
Halkii lagu ooday
Hammuunta ka yaw leh
Riyaa hoganaaya
Idaa tuban heelka
Cadceedda hagoogtey
Haleelada weydda
Dhaqaaq hidin waaga
Hareeriga taagan
Dantaa ku habsiisey
Inay hakadaane
*****
Dhulkoo hanad joogo
Intaan gadadh heerin
Ka sii degin heerka
Hadeer la yaqaano
*****
Intaan habqan beeshu
Huluulaha oodan
Ku saan go’in hawdka
Intaan habac jiitan
Badhkeed ku hallaabin
Markay habaq baahdo
Dugaaggu hilbaysan
Intaan hawa boodka
Fardaa higil raacay
Kuwii higsanaayey
Hummaaggu ka reebin
Xayeeshku habaabin
Intaan halladaadka
Hayaanku is waayin
Habeenku dhex qaadin
Hadhow la shallaayin
Hadaadunka naaftay
Sidii habas daalka
Hawaarsadey ciidda
Anaa hiddiddiida
Hobey hobe hooda
Durbaankiyo heesta
Ku soo hoga geyne
Adaa hal abuurka
Tixraaca ha’leyda
Ujeeddada hoose
Hawaala yaqaane
Haruu orod Faarax
Horweynta jiciirtay
Hadhaaga u jooji
*****
Haydaartiyo doogta
Hantaaqada ciilka
Dareenka huqdiisa
Qamuunyada haarta
Caloosha hugmaysa
Hiirtaanyada raagtey
Dhinbiisha hulaaqday
Dabkaan hurin doono
Colkaan humin doono
*****
Hargaa igu laalan
Dhowaan henggel baasta
Ninkaan huwin doono
Sabaanka hagaagey
Barwaaqada hoortay
Daruur iyo heego
Waxaa hogol gaaxsan
Hadhaysay dushayda
Harooyinka buuxa
Hoobaanta bislaatay
Haraaciga daadka
Caleenta hiraysa
Indhaa halacdooda
Hibaaqiyo laaca
Naftayda hankeeda
Waxay hibanayso
Haddii wedku daayo
Inay heli doonto
Anaa huba taase
*****
Hambaaber dhowaanta
Dareen ma hurdaana
Dagaal wata heeso
Hidday u lahayde
Hargeysi ma toostay
Hogaanka ma diiday
Harqoodka ma tuurtay
Inaanay hummaaga
Hadoodilan yeelin
Sidii hebel geel ah
Heshii Nebi Saalax
Horaadada dhiibin
Hankeedu ma siiyey.
Waxay hibanayso
Ninkay la hadlayso
Hagaag ma u sheegtay
Hadday sama weydo
Inay hantideeda
Nafteeda hurayso
Hubaal ma caddaysay
*****
Allaylehe waa hog
Shax aan la hilmaanin
Malaa Hugur tiisa
Waxaabu u haystey
Inaan hayal toosan
Harraatii aqoonne
Maskii Hilqadaale
Ma soo hardaf boodey
*****
Horaanse u sheegay
Inaan hadda beeshu
Hadhiimo ahayne
Haddeer waxa jooga
Hadmaan ka afeeftay
Hasaasaha muuqda
Wallee hagar daamo
Falkaagu habeensay
Higlooy gabbalkaa dhac
Hangaalli hungaalli
Hegaan hega gaalli
Hunjaalli hantoolli
Bidhaan had-hadowga
Hiwaali hahoodka
Jibaanjib hunnuunnu
Huraalka hiraalka
Hambaaber mardaali
Hadeedab mardaadi
Kallaal himbiriirsi
Hawaawir hayaayir
Sadaad herimooya
Hunnnuushle hannaashle
Sareedo hamboori
Hankooble hayooshe
Falaad habbabbaale
Hanquusle halowle
Garaad himhimowle
Hayaayub xumaanta
Humbaalle dhaqaaqa
Hallaallimo soofka
Hallaasiga sheelka
Harawsiga qaawan
Hiliiliqa jeexa
Higiishis boqoolka
Galbeed hiyi raaca
Maraykan ku hiilka
Shirqool la hadaafka
Habheeb alalaaska
Hinraag qayayaabka
Haraaryada neefta
Hantaatac ergeynta
Hagaas caga jiidka
*****
Walaaac haghagoodka
Tawaawac higgoodka
Hamuun taltalawga
Calaacal hungowga
Heshiis macaluulka
Hunfey salsalaaxa
Hinfaal wax u sheegga
Wasiiro habaynta
Hoggaanno samaynta
*****
Hadhuubada daatay
Hareero ka leefka
Jalbeebta hal leyda
Rogaal halalleyda
Hamaal shaqalkeeda
Higgaadda shanlleyda
Halkaan ka abbaaray
Hadhauudhku Carraale
Huftoo hufmi waaye
Maxaad kala haadin?
Intaas haqab beelka
Hadhoodho horteed dheh
Hal baase xasuus ah
Nin tiisa u heellan
Haddaan taladayda
Hayaankiyo beesha
Hoggaami idhaahdo
In taydi haallawday
Annaa huba taase
Hadhow iyo fullan
Waxaanan huraynin
Inaan hadda yeelo
Ayaa ka hagaagsan
Qabiil ku hadaaqa
Hobsheyntiyo faanka
Masayrkiyo haybta
Hinaase la boodka
Holayntiyo maagga
Hirrooda qab dhaafka
Tollaay hebel meeyey
Sidii horror waalan
Hilbaa igu yaalla
Halgaad kula duulka
Colaad hurgumootey
U sii hangagaarka
Heleysada dhiiggu
*****
Markuu heleleyda
Sidii harawaati
Hamuun tiro ciidda
Dagaal lagu hoobtay
Halyey ku idlaaday
Ka soo hindiwaaska
Tabaalada huursan
Hangoollada qaybta
Fulaa halistiisa
U sii gacan haadsho
Halkay godobtaydu
Ka soo hullanayso
Ninkay huntutuulka
Ku soo hullaanayso
Inaan dib u haybsho
Hillaabta ka qaado
Ayaa ka hagaagsan
*****
Shirqool hadiwaaga
Hiqlaynta riyaaqa
Hubsiino la’aanta
Haloosiga luuqda
Hawaawi la boodka
Hanuun la jibboodka
Dhurwaa halab saarka
Waraabe u heeska
Hufnaanta kashayda
Nin aan hibo saaray
Xariir ku habsiiyey
Markuu hal haleelka
Sidii hurin yey ah
U soo hal haliilo
Anoo hadhsan waayey
I soo hungureeyo
Inaan hanqalkayga
Sidii habla weynta
U soo rogo hoosta
Inaan af-lahaarka
Harraati ku diido
Ayaa ka hagaagsan
*****
Hanraawe I boobay
Markuu iga haago
Inuu hadhadaydu
Hafeefta xanuunka
*****
Markay hurgumooto
Hoosaaso afuufo
Halbawlaha kayga
Sidaas kula hoydo
Nin haad I cunsiiyey
Inaan horror siiyo
Ayaa ka hagaagsan
Hawraar iyo sheeko
Haween laga reebay
Beraa habar guurtey
Hayaan rarygeeda
Culaab iyo haamo
Waxay hilif saartay
Haldhaa kici waayey
Hiyeeda gadh jiidka
Markuu hollan waayey
Ayey hindiskeeda
Halaanhal ku keentay
Midaan kolkaa haabka
Markaa lagu haynin
*****
Waxay tidhi “Hoogey
Hayaay Cabdi-Qaadir
Hareer qabo awrka”
Markuu hayinkeedu
Hagaag isu taagey
Ayey tidhi ” haakah”
Hebloo gabanteed ah
Hilowna basteeda
Malaa u han weynna
Karaamadan hiirta
Ku soo hormanaysa
Hilmaanina weydey
Wadaadka hoggiisa
Ka soo hangallaystay
Siduu ugu hiishey
Ayaa tidhi “hooyo
Muxuu horta sheekhu
Inoo yahay haybta”?
*****
Waxay tidhi “heedhe
Hibooy ratigeennu
Markuu hingan waayo
Ayaan huriwaaga
Haleel cuskadaaye
Habeen ma wadaagno
Haddaan magaciisa
Dantaydu higgaadin
Ma soo hadal qaado”
Ujeediyo haatan
Nin tiisa u heegan
Halyeynimadiisa
Hashiisa ku dheelmay
Iddiisa ku hoystey
Inuu hantidayda
Habaynta xilkayga
Dhismaa hodankayga
Hiddaa sharafkayga
Waxaan nolol haysto
Horsed ka ahaado
Ka haayir idhaahdo
Ayaa ka hagaagsan
*****
Hashayda nin maalay
Markuu hordhaceeda
Habniin kaga daalo
Inaan hanbadiisa
Hafriinyaha beenta
Habeedda qalaysan
Ku hoorsado weelka
Gobaad ka hillaabto
Inaan ku hagoogto
Ayaa ka hagaagsan
Anoo qaba hawsha
Habeen iyo maalin
Intaas sida heeryo
Habaaska I fuushan
Inaan ku hungoobo
Hulleeka madhnaanta
Hamaansiga quusta
Hamuun la carrawga
Heshiis ku ahaado
Naftayda ka hiisho
Hugaas doqonniino
Hurrow nin I saaray
Inaanan u hoogin
Calaacal harraaddan
Xaqayga ku haybsho
Ayaa ka hagaagsan
*****
Habkii xidinxiidka
Dugaag huwantiisa
Horyaal ka ahaaye
Markii hankakoobka
La soo helay guusha
Libtii lala hoydey
Tukaa yidhi “hoy day
Hashaan qalay saami
Hagaagna u qaybi
Hadhowna I toosi”
Tukow hayedaadu
Waxbay huwanayde
Dantiisa ka haybi
Qorshii hiyigiisa
Halkay talo joogtay
Ka sii wadey hawsha
Ninkiina hilmaanyey
Saqdii dhexe hawda
Ninkii hurdey toosyey
Hareeraha eegyey
Raqdii ku hungowyey
Hanqaar warwareegga
Hankaag jaljaleeca
Haqdii samri waayey
Tukii hanfariirka
Waldeys kula haadyey
Gar laysu hankaabsey
Hamuun gorayaale
Ninkii Halac-dheere
Wuxuu yidhi “hoy war
Intaan hana qaaday
Hadeer iyo caawa
Haddee weligayba
Inaanan hanbaynin
Horaad u ogayde
Maxaad igu hiifi” ?
*****
Ninkayse ka hoostay
Mar bay hawireene
Ka soo kabey haarta
Bahaysiga haadda
Hilbaa cuniddooda
Habeen gama’iisa
Inaanu haweysan
Ayuu han fogaanta
Halkii kaga dhaartay
*****
Ujeeddiyo haatan
Rag waa hal adayge
Heddeyda wedkeyga
Inaan habalyeeyo
Tubaa halaq yaalka
Hog laygu qaniiney
Ku sii hiradkiisa
Ka haari agtiisa
Ayaa ka hagaagsan
Haddaanan haddaanan
Haddaanan dhawaaqa
Hireyda wireyda
Hayaay ka kacayda
Jahaadka Hargaysa
Barbaartu hagayso
Haweenka godoodey
Ka qayb gelin hawsha
*****
Haddaanan haddaanan
Intii isku hiila
Hargaysiyo Bayla
Intii la hal maasha
Bakool hilinkeeda
Heeraarta Kismaanyo
Ilaa Hobyo geynin
Hiiraan u tallaabin
Runtay la hudmeene
Haddaanan haddaanan
Sidii hanqar yeedha
Hillaac iyo maayad
Dhulkoo dhan hadhaynin
Banaadir ka heesin
Wixii hurda toosin
Halyeyada ciilka
Ka haajirey ciidda
Halkay talo joogto
U sii farin haadda
*****
Haddaanan haddaanan
Waxaan huro caawa
Dhammaan huga xaaska
Hayla maryahayga
Sariirta hanbaadha
Kuraasta hagoogan
Ashuunka hunbuuca
*****
Haraaq iyo haadyo
Waxaan jaqaf haysto
Haddaanan xaraashin
Waxay hanti goyso
Intaan hub u siiyo
Dadkayga habaynin
Dagaal u hormaynin
La soo hadhin guusha
Hawraartiyo luuqdu
Cabdow hadalkaygu
Hawaawi kac weeye
Ninkii hebel miihi.
Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
20 February,2014.
mohamed.a.muse@gmail.com