-
Published On: Wed, Nov 10th, 2010

Xuska Sannad-guuradda 12aad ee ka soo Wareegtay Geerida Aabihii Warbaahinta Xorta Ah Marxuum Maxamuud Cabdi Shidde oo Hargeysa Lagu Qabtay

Smiley face
Share This
Tags

Hargeysa(ANN) Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayey sanad-guuradii 12aad ee ka soo wareegtay geeridii Allaah ha u naxariistee aabihii saaxafada Xorta ah ee casriga ah Somaliland Mujaahid Maxamuud Cabdi Shide, ayaa shalay lagu qabtay Hoteelka Imperial ee magaalada Hargeysa.

 

Munaasabada xuska ah ee loo sameeyey marxuum Maxamuud Cadi Shide oo uu soo qabanqaabiyey wargeyska madaxabannaan ee Saxafi, waxa ka soo qaybgalay wasiirka Warfaafinta Somaliland, Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Sh. Aadan Siiro) Md. Cali Ibraahim Aareeye, xubo suxufiyiin ah oo ka socday warbaahinta dalka iyo martisharaf kale oo isugu jira mujaahidiin iyo dad aqoon u lahaa marxuumka.

Halkaas oo lagaga waramay doorkii muhiimka ahaa ee uu ka qaatay Maxmauud Cabdi Shide Saxaafada xorta ee Somaliland, isla markaana uu horseedka ka ahaa dhidib u taagida saxaafada iyo xoriyatul qawlka Somaliland.

Waxanay sheegeen xubnihii halkaa ka hadlay in marxuumku ahaa muwaadin ka soo qayb qaatay halgankii dib-u-xoraynta dalka iyo dib-u-dhiskii qaranka Somaliland, islamarkaana uu baal-dahab ah kaga jiro taariikhda dalkan.

Ugu horayn Abwaanka weyn ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), oo ka hadlaya taariikhda marxuumka, waxa ka mid ahaa hadalkiisa “Maxamuud Cabdi Shide nolol dheer muu noolayn, laakiin nolol yar oo dhacdooyin badan leh buu noolaa, saxaafadeena maanta ragii tiirarka u taagay buu ahaa Jamhuuryadii Somalia waxa inoo xigtay Jamhuuryadan labaad ee Somaliland, Jamhuuryadan labaad ee aynu aasaasnay 90-kii waxa uu ahaa Aabayaashii aasaasasay in la xusana wuu inaga mudan yahay iyo wixii waxa wanaagsan inoo qabtaba, bari hore nimanyahow waxaan idhi waxaynu ku ciyaaraynaa garoon aan biro lahayn, garoon aan biro lahayn haddii lagu ciyaaro goolal ma dhashaane soo ma ogidin haddii biro lagu xidho garoonka waxa la odhanayaa goolal baa la kala dhaliyay, tani waxay maanta inoo sheegaysa in garoonku biro leeyahay oo wixii goolal dhaliyay uun baan sheegaynaa goolal buu Maxamuud Cabdi Shide ka dhaliyay xaga saxaafada halkaana qiimay iga leedahay, waxaan anigu xasuustaa markaan dhinaca shakhsiyadiisa ka eego nin ka wanaagsani muu jirin xaga naxariista waxaan garanayaa labadayada guri baa kala jeeday subax Iidi soo galayso oo aan wax alaale iyo waxaan carurtaydii ku Iid-siiyo aanan hayn, Salaadii Iidii markii laga soo baxay ayaa inan baa waxa uu ii keenay infalob wuxuu igu yidhi waxa ku soo dhiibay Maxamuud Cabdi Shide waan furay waxa igaga soo baxay $500.

Waa waxyaabaha shakhsiga ah ee uu raadka aniga igaga tagay oo aan doonayo in aan maanta hortiina markhaatiga ka furo oo aan doonayo in malaa’igtu iga qorto waa shakhsiyadiisaa wanaagsanayd.

Sidoo kale waxa xuskaa hadal kooban ka jeediyay Sheekh Aadan Siiro, waxana ka mid ahaa hadalkiisa “Waxaan anigu qabaa aad baa loo yareeyay xuska marxuum Maxamuud Cabdi Shide oo haldoorkii Somaliland dhidibada u taagay buu ahaa, runtii Maxamuud waxa uu mudnaa sharaf waliba bahda saxaafadu oo maanta aad ogtihiin inta soo baxda oo maanta meel yar oo aan sidaa u weynayn ayaa intaasoo kamaradood lala hor hordayaa waxaan u arkaa in aynaan qiimihiisii siinin Somaliland istageedii anigu inta aan ka ogahay dadkii joojiyay buu ka mid ahaa Maxamuud Cabdi Shide, dal baynu abuurnay Somliland la yidhaahdo waxbadani ku baxeen hanti badani ku baxday waxaanu ahaa dadkii halgankaa waxa ku lahaa horayso iyo danbaysaba, inaguna haddii kii wax qabtay waxqabadkiisa la muujin. Somaliland waxay u baahan tahay dadkeena wanaagsan ama wax ku soo kordhiyay in taariikhdooda la qoro si dadka danbe iyo da’yarta soo kacaysa ay u higsadaan yoolkaas sidii uu abuwaan Gaariye sheegay Marxuum Maxamuud Cabdi Shide runtii sifooyin dhawra buu lahaa shakhsiyaadka qofka waxa ka mid ah in qofku go’aan leeyahay waayo nololi ma socto haddii aanu qofku go’aan lahayn waxa uu ahaa dadka go’aanka leh inta aan anigu runtii ka arkay, meelo badan oo la isku qabsaday baan u joogay oo runtii uu go’aan aad u adag ka qaatay tiisiina ay noqotay isbadalo badan oo Somaliland ka dhacy go’aanadiisii bay ku samaysmeen. Maxamuud Cabid Shide wuxuu ahaa nin deeqsi ah bini’aadamku inta uu nool yahay waa in yar oo kooban waa in uu nolosha qofku wax kugu taraa. Isbadalkan cusub ee Somaliland ka dhacay dadkii aadka u taageerayay baan ka mid ahaa waxyaabaha aan u taageerayayna waxa ka mid ahaa xukuumadii hore ee dalka ka talinaysay waxyaalaha aan ku dhaliili jiray waxa ka mid ahaa taariikhdii ummadu ay lahayd xil aan iska saarin oo ilaa xad ay gaadhay wasaaradii waxbarashadu ay Manhajka ka saarto taariikhdii SNM oo runtii aanu ka samaynay ilaa sideed khudbadood Jimacaha guddihisa, markii arinku fududaaday waxay nagu kaliftay in aanu khudbad ka samayno ummadan taariikh lahayn waa ummad aan hawiyad lahayn macanaheedu waxa weeyaan halgankeenii waanu ciyaaraynay wixii inaga lumay, dadkii dhintay, wixii dhacay oo dhan qofku in uu haysto dee waxba may jirine ciyaar bay inaga ahayd, haddii taariikhdii iyo halgankii SNM la xusi waayo ee Somaliland ay ku timid waa ficil marka aynu taa ka hadlayno Maxamuud Cabdi Shide qayb buu ka ahaa halgankii ummadu ay lahayd, saxaafaduna runtii inkastoo ay tahay seef laba af leh oo waliba aan anigu ka soo jeedo saxaafada xiisaha aynu ka saarno, saxaafadu maanta meel wanaagsan bay maraysaa laakiin dalka walaalayaal aynu ugu adeegno Somaliland calankeeda tawxiidka ugu sareeya waa ha laga ilaaliyo wixii tawxiidka ka ilaalinaya Somalilnad waxa ku xiga dawladnimadeena oo Somaliland dal la yidhaahdo baynu dhisanay oo wixii ka hor imanaya waar ha laga ilaaliyo, Somaliland wixii lagu dhisay waxa ka mid ahaa cadaalad in la helo waar wixii ka hor imanaya ha laga ilaaliyo Somaliland wixii aynu ku dhisanay waxa ka mid ah midnimo waxa ka mid ah hantida iyo talada in si siman loo qaybsado ayaynu doonaynaa in Somaliland ka jirto waxaasi waa mabaadii’da siyaasada Qaranka (National Polcy) waxaa iga dardaaran ah waar wixii Somaliland iyo waxa aynu ku heshiinay waxa wax yeelaya aad ha looga ilaaliy”.

Sidoo kale Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali oo ka mid ahaa saraakiishii milatari ee SNM oo xuskaa ka hadlay waxa uu yidhi “Marxuumka maanta halkan tariikhdiisa aynu ku xusaynaa kaalin weyn buu ka qaatay saxaafada Somaliland oo kaliya maaha dhidib u taagidiina dalkana kaalin weyn buu ka qaatay, anigu saxaafada uun ma qabo in ay ku koobnayd hawshiisu waxayaabo badan oo la qaban karo oo la tirin karo ayuu waxtarkiisu ahaa matalan waxa ka mid ah dayaaradihii lagu garaacayay Hargeysa ee caalamku la yaabay haddii aan sawirkaa la qaadin lama ba arkeen ama adduunku ma rumaysteen in waxaasoo dhami ka dhici karaan dal dawlada oo dadkeedii laynaysa oo dadkii magaalada ka qaxayaan hadii aan adduunka la tusin qadiyada Somliland iyo tii halganka midna adduunka ma gaadheen sidaa awgeed buu Maxamuud Cabdi shide ugu qaatay kaalitaa weyn. Ta qoriga la qaadanayana rasaasta uun la qaadanaya maaha tacsi la soo ururinayo may ahayn intaana ka wada mid buu ahaa, laakiin taasu dheeraa runtii markii aanu ku aragnay ee dagaalka aanu ku jirnay rag badan oo iga soo horjeeda oo aan ku wada jirnay halkan way fadhiyaan maalin loo soo badheedho may ahayn waa nin dhulkaa ka yimid oo shabaabka carbeeda oo meel qabaw iska joogay laga yaabo in uu badheedho maalmihii halkan ugu adkayd ee halganku soo maro soo galay ee laga yaabo in aad imika daawanayseen uu diyaarada intaa leeg u badheedhay qadiyada Somaliland jidhkiisay ku jirtay iyo dhiigiisa, raadku ka tagayna dee waa midoo Somaliland-taa weyn illaahay baa weyne ee aynu filayno in ay hore u marto ee aynu filayno in la ictiraafo ee aynu filayno in dadkii ku shihiiday halgankii u adeegto, laakiin waa rajo iyo himilo la filanaayo ragase luxudku qabanayaa uu ku jiro Maxamuud Cabdi Shide iyo qayrkiiba intii qadiyadaa u dhimatay marka majaraheenu tooso ee halkii laga filayay cagta saarto waxaan ilaahay uga baryayaa isaga iyo intii dalkan iyo dadkan u soo halgantay in ay wax noqdaan, ineetan hadhayna sidii sheekhu sheegay saxaafadu noqotaa mid dalka iyo dadka u adeegta saxaafadu marnba waxbay dumisaa marna waxbay dhistaa Yuusuf Cabdi Gaboobe oo iga soo horjeeda ayaa qoraal weyn ka diyaariyay doorashiiynkii ka dhacay dalka kaalinta ay saxaafadu ka qaadatay waliba geeska Afrika oo dhan, waxay tusaale u ahayd Ethopia maxay ka qaadatay saxaafadu dagaaladii markii doorshaooyinku dhacay doorkay ka qaadatay waxa uu ahaa mid isku gubay oo isku ololiyay dalalka qaarkood kuweena waxaad mooda in Kenya sidaas oo kale waxyaabihii ka dhacay, taas bay ahayd in aynu ka feejignaano weeyaan, maaha yaan dawlada wax laga sheegin dawladu waxay qabato ha la sheego xaqana ha la sheego wixii dhaliila ah ee loo tirinayana si hufan oo qurux badan yaan looga tudhine ha lagu yidhaahdo wixii qaranimda iyo dalka waxyeelayana in ay saxaafadu ka feejignaato, taasay ku fadhiyaysaa in himilooyinkii Maxamuud Cabdi Shide oo kale ay higsanayeen in dhabadeedii la hayo mar labaad waxaan u mahad naqayaa dhalinyaradii soo abaabushay xuskan.

Wariye Axmed Siciid Cige oo Munaasabada ka hadlay waxa uu yidhi “Xuskan Maxamuud Cabdi Shide waxaan qabaa in ay waajib ku tahay saxaafada gaar ahaan saxaafada madaxa banaan in ay xusto, sababtu waxay tahay anigu waxaan u aqoonsanahay inu yahay ninkii saxaafada xorta ah ee casriga ah baan raacinayaa, waayo saxaafad carsiya wey jiri jirtay markii hore Somaliland xornimada qaadanay oo jaraa’idka Geeskan Afrika, Qaran Ifriqiya, Luwaa hadaynu taariikhda dib u baadhno way lahaan jirtay, laakiin way baabaday markii waad ogeydeen dawladii Tiktaytarka markan danbe ee dib ula soo noqoshada madaxnabaanida Somaliland wuxu ku dhiiraday ee Madbacadii ugu horeysay keenay ee saxaafada casriga ah wuxuu ahaa Maxamuud Cabdi Shide Aabihii cidina kula murmi kari mayso. hadaan taariikh yar idiinka waramo Maxamuud Cabdi Shide waxaan is baranaya 1991-kii oo markaa aan anigu dibada ka soo laabtay markaas debadeetana waa tii SNM-tu gacanta ku haysay Somaliland lagu dhawaaqay ka bacdi intaaba nin firfircoon buu ahaa waan arkaayay wuxuu bilaabay markaa 1994-kii ayuu bilaabay in uu ku hayo Madbacad waad ogeydeeno jaraa”id baa jiray Xoriyaa jirtay, Jamhuuriyaa jirtay, Codka Hargyesa jirtay qaar Burco ka soo bixi jiray baa jiray oo la odhan jiray Argtida Togdheer iyo Xoogogaal intuba sida lagu soo saara dhibaatay ahayd oo inta Teeb yar lagu qoro ayaa dabadeetana Istansal Mishiin ah lagu rogi jiray Elictoric ma jirin nimankaas yar yari aad bay markaa u soo dadaaleen, dabadeena Maxamuud Cabadi Shide markii ay ahayd horaantii 1995-kii horantiisii oo aan markaa is-naqaanay ayuu ilaa soo xidhiidhay aniga iyo Xuseen Cali Nuur oo bidaayay markaa sida uu ii sheegay isagu qolooyinkii saxaafada markaa Jaamacada ka soo baxay ee aqoon leh ayuu na soo xidhiidhay gurigaa Aadan Shiine ayaanu fadhiisanay waan xusuustaa in aanu asaasin ka hor koox buu noogu yeedhay ay ka mid yihiin Xasan Siciid, Faysal Cali Sheekh, Ibraahim Madoobe saddexdii Jamhuuriya lahaa iyaguna wuxu yidhi waxaan doonaya in aan sameeyo saxaafad xor ah oo madbacad leh oo ta caalamka kula tartano markaa ninka sidaas buu ahaa ee ku dhiiraday in uu dalkiisa wax gashado.”

Suxufiga weyn ee Xuseen Cali Nuur, ayaa isaguna halkaa ka hadlay waxanu yidhi ”Marxuumku markii uu Madbacada keenay dagaalkii ayaa halkan ka socday dad badan oo xitaa qoladayadii ku hamiyaysay in aanu waxan helno ayaan yaabanayn oo lahayn tolow muxuu ka fikiryaa maxaa ku kalifay, waxay ahayd arrin aad qof kastaba uga fikiro laakiin se waxa meesha ku jirtay in dib loo noqdo oo la eego shakhsiyadiisii waxay hayd, shakhsiyadiisu may ahayn mid doonaya in uu maal helo waxa se ahayd nin doonayey in ummadani waxay u soo halgantay in si dhab ah loo dhaqan galiyo oo ay noqoto saxaafadu iyo isagiiyo ogaa markaa lixdii bog ee waraaqaha ee A4-ta haa ku soo saari jirnay waxyaabaha aan ku gudbinaynay in ay ahayeen meel u baahan weelka weyn weel ka casrisan oo la doon doonayay, waxa aan ku xusaya in u ahaa dadkii ka shaqeeyay laf ahaatoodu in lacagtisii iyo mushaharkooda siin jiray dad waxan ku xusuusanayaa naxariistii u lahaa oo aan ahayn mid binaadamka oo kaliya ku kooban ee xitaa xayawaanka oo u siin jiray wax badan waxaan xusuusanayaa Mujaahidiintu in aanay afkiisa ka madhnaan jirin waxaan maanta daaqayna waxa weeyaan wixii uu isagu huray.

Waxa kale oo isna xuskaa ka hadlay maareeyaha Jamhuuriya Media Group Mustafe Sacad Dhimbiil oo ka mid ah suxufiyiinta marxuumku soo gacan qabtay ee mudada dheer la soo shaqeeyey, isaga oo ka xogwaramay taariikhdii marxuum Maxamuud Cabdi Shidde iyo sifooyinkii wanaagsanaa ee uu caanka ku ahaa, waxaanu Mustafe Sacad Dhimbiil marxuumka Illaahay uga baryey inuu qabriga u nuuro oo jannooyinkiisa ka waraabiyo.”

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Yusuf Cabdi Gaboobe waxanu yidhi “Maxamuud Cabdi Shide waxa igu horeysay aragiisa 1980-kii anigoo markaa jaa’riirad Hotel-ka ugu weyn Qahira Niilka ku yaala ee la yidhaahdo Inter Conteriter ayaa markaan soo galay Hotel-kii nin Somalia oo halkaa fadhiya ayaan ku idhi nin ila socday waa ayo ninkani Somaliga ah ee halkan ku jira markaasu igu yidhi waa ninka la yidhaahdo Maxamuud Cabdi Shide maanu isa salaamin laakiin sheeda la iga tusay waxanay ahayd 1980-kii,waxa igu xigay 1988-kii markii Ciidamada SNM ay soo dhaqaqeen meesha la yidhaahdo Kabo Qoray nin Geed mare sita markaasan idhi waar ninkani muxuu ahaa markaasa la yidhi waa Maxamuud Cabdi Shide waxa isu kay qaban waayay 1980-kii halkii aan ku arkay iyo kayntan Kabo Qoray ee aan joogno anagoo diifaysan oo raamo leh, horta ninka caynkaasu ahaa sidaana samayn kara sidaana samayn kara.dhinaca ka sakow saxaafada sidii Cabdiraxmaan Aw Cali sheegay halgankii hubaysnaa Maxamuud wuxu ahaa nin aad iyo aad wax uga taray gaar ahaan xasuuqii dalkan ka dhacayay ee diyaaradaha iyo madaafiicdu duqaynayeen magaalada, waxaan xusuusta Maxamuud oo hor taagan Idaacada Radio Hargeysa oo Af Ingiriisi ku duubaya Cajalad isaga oo leh halkani waa Hargeysa waxay noqon doonto Caasimada Jamhuuryadda Somliland ee madaxbannaan, run ahaantii wuxu ahaa ninkii qaaday Cajaladii adduunku 88-kii wixii halkan ka dhacayay Media muu joogin inaguna maynu lahayn mid wax gaadhsiin kara Cajaladii ugu horesay ee aanu halkan ka qaadnay isagu ahaa ninkii ee halkan ka qaaday ilaa Congireska Marykanka ayaa la geeyay waxa timid in markaa Maraykanka oo hub faro badan siin jiray iyo dhaqaale badan in Sent-ka Maraykanku go’aamiyo in laga jaro wixii alaale iyo wixii muucaawno ee la siin jiray, ka dib markii ay daawadeen Cajaladii uu Maxamuud halkaa gaadhsiiyay ee qof uu dhiibay waxa markhaati ka ah taa Dr. Bulxan oo ah qofka kaliya ee reer Somliland ah guddida cilaqaadka ee Congersku ee Sent-ka walib Maraykanku ay u yeedheen si ay waxa uga weydiiyaan waxa ka dhacaya Somaliland,” ayuu Yuusuf Cabdi Gaboobe hadalkiisa ku soo xidhay.

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>