Raisal wasaarihi ugu firfircoonaa dawlad Soomaaliyeed.
3 May 2002 goor ku beegan 03.00 galabnimo wakhtiga geeska afrika ayay ahayd marki la soo sheegay geeridi geesiga ka baxay Somaliland waxaana warkaasi uu shock ku noqday dhamaanba umadda Somaliland dal iyo dibedba. Maxamed X. Ibraahim Cigaal ilaahay naxariistii janno ha siiyee wuxuu ahaa wiilkii curdeed ee Aabihii X. Ibraahim Cigaal iyo Hooyadii Khadiija Maxamed Cismaan oo isaga oo qudhaata wax dad ah lahaa, Maxamed X. Ibraahim Cigaal wuxuu ku dhashay sanadkii 1929-kii Degmada Oodweyne ee Gobolka Tog-Dheer.
Marxuum Cigaal yaraantiisii, wuxuu ku barbaaray Gobolka Saaxil halkaas oo uu ku qaatay waxbarashadiisii Malcaamada Quraanka ilaa Dugsiga Sheekh, waxaanu waxbarasho la xidhiidha dhinaca dhaqaalaha u tegay Magaalada London ee Dalka Ingiriiska Sanadkii 1950-1954-kii iyada oo uu markii uu dhamaystay waxbarashada uu u jeestay dhinaca Siyaasadda isaga oo aad u da’ayar ilaa yaraantiisiina sida la sheegay uu xiisayn jiray, Marxuum Cigaal wuxuu wadanka dib ugu soo laabtay dabayaaqadii Sanadihii Kontomeeyadii xiligaas oo ay Aloosnayd Dabayshii xornimo doonka, wuxuuna cigaal ka mid noqday xubnihii ugu firfircoonaa ee dhalinyaradii wakhtigii Ingiriiska u ololayn jirtay Xoriyadda iyo helitaanka Calan Madax banaan. 1958-kii Alla ha u Naxariistee Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal waxa loo doortay in uu noqdo Xog-hayaha guud ee Xisbigii SNL, oo safka hore kaga jiray xisbiyadii u halgamayay gobonimo doonka Somaliland.
Alla ha u naxariistee Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal waxa uu hor kacayey Weftigii Somalailand ee Dalka Britian u tagtay sidii ay u soo heli lahaayeen Calan soomaaliyeed oo ka madax banaan Mustacmaradii Ingiriiska si ay xor u noqoto British Somaliland Protectorate, oo hoos iman jirtay Maamulka boqoradda, 25 MAY 1960-kii wuxuu marxuum Cigaal gacantiisa ku saxeexay in somaliland Xor-nimadeeda ka qaadato dawlada Ingiriiska Taariikhdu markay tahay 26-Juun-1960-ka markaas waxa Cigaal ku weheliyey Heshiiskaas Xubno ay ka mid ahaayeen Dube Cali Yere, Axmed Kayse, Suldaan C/Laahi Suldaan Diiriye, Suldaan C/Rashiid Suldaan Diiriye, Macheal Moriano iyo X. Ibraahim Nuur. Maxamed X. Ibraahim Cigaal wuxuu noqday Xog-hayihii u horeeyey ee Somaliland ka dib markay Xor-nimadeedee gaadhay 26-Juun-1960. Hadaba markii la helay madax-banaanida 26-Juun-1960-kii oo uu hormuud ka ahaa Maxamed X. Ibraahim Cigaal ayaa Shacbiga reer Somaliland oo ay qiiro u haysay in ay arkaan Calan Umada Soomaaliyeed oo dhami ay wadaagto kuna naaloon jiray ayaa waxay markiiba Xubnihii hagayey Siyaasada Somaliland ay ku biireen Dawladii Soomaliya oo iyana 1-July-1960-kii Madax-banaanideeda ka qaadatay Dawladii Talyaaniga Afar maalmood ka dib dhalashadii Calanka Somaliland iyaga oo xataa haba yaraatee wax shuruud ah oo ay ku xidheen aanay jirin waxaanay labadii Jamhuuriyadood sidaa ku noqdeen Dalkii la odhan jiray Soomaaliya.
Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal wuxuu noqday Wasiirkii Gaashaan dhiga ee ugu horeeyey Somaliya Maxamed X. Ibraahim Cigaal wuxuu kaluu noqday Wasiirkii Tacliinta ee Somaliya 1963-1964 hase yeeshee wuu iska casilay Golihii Wasiiradda ee Sanadkaasi, isagoo hogaamiye ka noqday Xusbi mucaarid ah oo la odhan jiray SNC markii danbana wuxuu ku biiray Cigaal Xisbigii SYL, 10-kii July, 1967-kii wuxuu Cigaal noqday Raysal-wasaaraha Somaliya markii A/Rashid Ali Sharma’arke loo doortay xiligaasi Madaxweynaha Somaliya, Cigaal markale ayaa loo doortay Jagadaasi Raysal-wasaaraha doorashooyiinkii 1969-kii.
21 Oct 1969-kii markii Inqilaabka Military ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Bare uu ka dhacay wixii la odhan jiray Somalia Maxamed X. Ibrahim Cigaal wuxuu ahaa Ra’isal Wasaarihii ugu dambeeyey ee Dawlad Soomaaliyeed oo la doorto, waan ala xidhay, wuxuuna Cigaal xabsiga ku jiray ilaa iyo 1980-dii bishii February, marka laga reebo mudo sanad ka yarayd oo haayd 1975-kii ilaa 1976-kii, oo loo magacaabay Danjiraha Somalia u fadhiya New-Delhi ee dalka India, ka dibna isla markiiba xabsiga ayaa lagu celiye.
1985-kii waxa jirtay mar loo magacaabay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga,laakiin kumuu raagin jagadaas, waanu iska casilay.
Burburkii Dawladii Somalia ka dib, Cigaal wuxuu ka qayby galay Sanadkii 1992-dii, Shirkii dib u heshiisiinta ee Somalia ee Djibouti lagu qabtay, kaas oo Cali Mahdi loogu doortay Madaxweynaha Somalia. Shirkaa oo ay hogaamiyayaashii SNM ee Somaliland oo xukunka gacanta ku hayay diideen inay ka qaybgalaan.
Haseyeeshee shirweynihii Beelaha Somaliland ee lagu qabtay Boorama 1993-kii bishii May 5-teedii Cigaal waxa loo doortay Madaxweynaha Somaliland iyadoo ay kula tartamayeen Madaxweynihii isaga ka horeeyey C/Raxman Axmed Cali (Tuur) Ilahay ha u naxariistee iyo Cumar Carte Qaalib, iyadoo jagadaasi dib hadana loogu doortay sanadkii 1997-kii oo ay kula tartamayeen Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal)oo hada ah Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, wakhtigii uu Marxuum Cigaal ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxyaabaha sida weyn loogu xasuusto waxa ka mid ah qaramayntii iyo hub ka dhigistii Maleeshiyaadkii ka jiray, aas aaskii Nidaanka Dawladeed iyo Hay’adaha Qaran iyo sal u dhigidii Nidaanka dimuqraadiyeed ee Somaliland ilaa maanta midhaheeda hadhsanayso.
Maxamed X. Ibrahim Cigaal wuxuu 28-kii bishii April ee 2002-dii uu daawayn dhakhtar u tegay dalka Koonfur Afrika iyadoo ay wehelinayso Marwadiisa Kaltuun X. Daahir iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradiisa ee Somaliland ee wakhtigaa oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii Arrimaha Dibada Maxamuud Siciid Gees, Wasiirka Warfaafinta C/Lahi Maxamed Ducaale.
Maxamed X.Ibrahim Cigaal Alla Ha u Naxariistee, waxa uu guursaday intii uu noolaa Shan Dumar ah, wuxuuna dhalay Shan Caruur ah oo kala ah Sadex Wiil iyo Laba Gabdhood, oo intaba ay u dhashay Alla ha u naxariistee Marxuumad Caasha Siciid Caabi.
Waxaan Illaahay uga baryayaa Maxamed X. Ibrahim Cigaal Halyeygii Somaliland in uu Naxariistii jano ka waraabiyo Qabrigana u nuuro Amiin Amiin
Qalinkii: Muna Ibrahim Adan
Emil: munarashiid@hotmail.com