Xuska Marxuum CalloHargeysa(Arraweelo News) Xus  loo sameeyay Ciyaaryahan Maxamed Cali  Obsiiye (Callo) oo caan ku ahaa Ciyaaraha  baskitka ayaa lagu qabtay garoonka Ciyaaraha fudud ee Tama-cadde, kaas

 

oo ay tartankiisa ka qayb qaateen dhawr kooxood oo kubadda Baskitka.

 

Koobka lagu xusayo Ciyaartoygaa oo ka mid ahaa dhalinyaradii sida weyn  uga qaybqaatay sidii dhalinyarada loogu jihayn lahaa Ciyaaraha, wuxuuna xiligii horaantii sanadkii 2000 ka sameeyey magaalada hargeysa dhawr kooxood oo Ciyaaraha Baskitka ah, kuwaas oo uu tababaro siiyay, isla markaana Juhdi badan geliyay.

Marxuumka  xuska loo sameeyay ayaa geeriyooday sanadkii 2006, isagoo si tabaruc ah tababaro dhinaca Ciyaaraha ah u siin jiray Kooxo dhalinayaro ah, kuwaas oo hada noqday kooxaha ugu caansan Ciyaaraha fudud ee  Baskitka.

Tartanka xuska Koobka  loo sameeyay Marxuum Maxamed  Cali  Obsiiye (Callo), waxa soo qaban qaabiyay  Keyse Haybe Higis (Camuu) oo  ka mid ahaa dhalinyaradii Marxuumku tababaray, waxaana ugu danbayntii isugu soo hadhay tartankaa laba koxood ee Maxamed  Mooge iyo Asluubta, iyadoo guusha Koobka ay qaadatay Kooxda Asluubta.

Aqoonyahan Najiib Axmed Shunuf (Maxamed) oo ka mid ah dadk dhalinyarada Ciyaaraha dhiiri geliya ayaa sheegay in Marxuum Maxamed Cali (Callo) uu ahaa shaqsi wanaagsan oo wax badan iyo raad muuqda kaga tegey dhalinyarada iyo garoomada Ciyaaraha hargeysa ee Ciyaaraha Fudud.
Wuxuuna Illaahay Illaahay uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *