isticmaalka baasaaboorka Soomaaliya! Wasiir Warancade oo Laanta Soomaaliga ee BBC da hadal ka jeediyay, ayaa sheegay in uu xidhxidhay, maxkamadna keenaayo dad uu ku eedeeyay in ay xujaajta baasaaboorro u samaynaayeen! Wasiirku wuxu sheegay in ay ogolyihiin baasaaboorkii hore ee Soomaaliya, laakiin kan cusub ayna ogolayn, cidii keenta na ay sharciga marinayaan! Meeshaas qalad badan baa ku jira, waana qalad u baahan in wax laga sheego.
Dhab ahaan sheekada isticmaalka ama isticmaal la’aanta baasaaboorka Soomaaliya waa dood raqiis ah, waana mid ka mid ah uun qaladaadka jira, horey na u jiray. Waa dood ay ka buuxdo is diido aad u tiro badani. Waa dood aan la daafici Karin, una baahan inta aanu xajku soo galin, in laga fadhiisto, wax la iska waydiiyo, xal na la keeno. Ma aha daqiiqadda u dambaysa uun in dadka cunaha la iskaga duubo.
Bal u fiirso, baasaaboorka hore ee uu Wasiirku ku doodaayo in ay ogolyihiin, iyo midkan cusub labadaba isku meel baa laga leeyahay. Micnaha ku jira doodda ah – “Baasaabooraddii hore oo kaliya ayaanu ogolnahay….”, waxay ula jeedaan – baasaabooraddii Soomaaliya, ee la sameeyay ka hor intii aan Somaliland lagu dhawaaqin 1991 baanu ogolnahay. Waa dood raqiis ah, sababta oo ah – baasaaboor 22 sanno ka hor la sameeyay oo hadda shaqeeyaa ba ma jiro. Dhamaan baasaabooradda yaala Hargeysa, ee kuwii hore uu ku sheegaayo Wasiirku, waxa lagu sameeyay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho, waana wada bug. Wiilal yaryar oo baasaabooradda, lacagta (nooc kastaba) iyo shahaadooyinka ba been-abuura ayaa samaystay, soona waarida. Kuwaas weeyaan kuwa uu baasaabooraddii hore ku sheegayaa, waana dood jaban ee dhankaas dhig.
Geesta kale, maxaa keenay in baasaaboorka cusub loo baahdo? Sida laga yaabo in la wada ogyahay, baasaaboorka cusub (E-Passport) ee Soomaaliya waxa qorshihiisa la bilaabay xiligii Dr C/qaasim Salaad, waxaana si balaadhan loo hir galiyay xiligii C/laahi Yuusuf. Baasaaboorkaas waxa lagu bixiyaa magaalada Muqdisho, xafiisyo laga soo dalbado oo Garoowe iyo Nairobi ku yaalaa na waa jiraan. Baasaaboorkaas cusub ee Soomaaliya waxa aqbalay, oo kii hore na diidan wadamo badan oo dawladda Sucuudi gun a ku jirto. Wadamo labada noocba wali aqbala sida Republic of China oo kale ayaa jira, laakiin wadamada Carabtu sinaba uma ogola. Qofkii Iqaamad (permanent residence) ku leh wadamada carabta, baasaaboorkiisii hore na aanu wali dhicin uun baa midkii qadiimka ahaa haysan kara.
Hadii sidaas xaal yahay, qofka Somaliland ka tagaaya na aanu baasaaboorkii hore Xajka ku tagi Karin, midka cusub na loo diido, baasaaboorka Somaliland na aanay Sucuudigu ogolayn, maxaa xal ah? Su’aashaas qolada Somaliland isma waydiinin, ama ma doonayaan in ay is waydiiyaan. Wasiir Warancade oo la su’aalay wixii xal ah ee ay hayaan, wuxu BBC u sheegay, “In ay sanadkan horaantiisa soo saarayaan E-passport Somaliland leedahay.” Anigu ma garan karo waxa u taas ula jeedo, maxaa yeelay sanadkani waa gabagabo (October 2013) ayaanba ku jirnaa. Hadii uu Wasiirku u jeedo horaanta 2014, isaga ayaa mar kale cadayn, laakiin hadda kama hayno. Jawaabtaasi waxay u eegtahay mid uu Wasiirku iskala soo booday oo aan laga fikirin. Geesta kale, ciladda Baasaaboorka Somaliland loogu dhoofi waayay ma aha in E-passport aanay samaynin ee waa aqoonsi la’aan. Hadii aanay taas garawsanayn, oo lacag badan ay ku bixiyaan samaynta E-passports, iyadu na waa jab kale!
Geesta kale, waxa xusid mudan, in Dadka Somaliland u dhashay ay baasaaboorka cusub ee Soomaaliya (E-passport) ka haatan qaataan. Dadka gudaha degen, iyo kuwa debedaha degen, gaar ahaan wadamada Carabtu way qaataan baasaaboorka Soomaaliya, waxay se ku qaataan si dhib badan. Dadka qaarkood diyaaradaha rakaabka qaada ee Soomaaliyeed ayaa lacagta (passport fees) iyo sawirada ka qaada, baasboorka na u soo saara. Dadka qaarkood na Garoowe ayay u safraan, ama cid u dirtaan, sidaas baanay ku soo qaataan. Mar aan Hargeysa joogay 2012 kii, dadkii duruuftaasi ay soo martay waxay ii sheegeen in qiimaha baasaaboorku uu ugu kacay ay afar jeer ka badantahay inta qofka kale ee Soomaaliga ah uu ugu kaco. Kharash safar, adeeg dheeraad ah iyo laaluush ba wuu jirayaa kol hadii aanu qofku meeshii joogin, taas baana qaali ka dhigaysa.
Sidaas in xaalku yahay Wasiir Warancade iyo Wasiiradii kale ee ka horeeyay ba waa ogyihiin. Baasboorku hadii uu sharci-daro yahay, maalin kasta waa lagaga dhoofaa madaaradda Somaliland, cid wax u sheegataa na ma jirto. Sharciga Warancade sheegayaa muxuu dhigayaa? Meesha aad doonto ka soo qaado, laakiin Hargeysa uun yaan laga qaadanin miyaa? Midda kale, siyaasiyiinta iyo Wasiiradu ba, xataa kuwooda baasaaboorada ajnabiga haystaa, kolka ay cimro ama xaj tagayaan, kaas cusub ee Soomaaliya ayay qaataan, waana xaqiiqo aan shakhsi ahaan u ogahay, dadka badankiisu na waa ogyihiin ee sharcigu ma masaakiinta Xujaajta ah uun buu qabtaa?
Aan idinla wadaago siyaasiyiinta Somaliland midkood, oo waliba kooxda safka hore ah, baasboor ajnabi na haysta qiso ku dhacday Xagaagii sanadkii hore (2012) mar uu cimro Sucuudiga u tagi lahaa. Waa nin aan xog-ogaal u ahay, sheeko wadaag na aanu nahay. Safaaradda Sucuudiga ee Imaaraadka ayuu fiiso cimro waydiistay, waanay diideen oo waxay yidhaaheen safaaradda ku taala wadankii baasboorkaaga soo saaray orod tag, oo xagaas ka soo cimrayso. Ninkii odayga ahaa Hargeysa ayuu tagay, baasaaboorkii hore ee Soomaaliya oo Hargeysa lagu sameeyo ayaanu qaatay. Baasaaboorkii waxa loo diray safaaradda Sucuudiga ee Djibouti ku taala, waanay soo diideen. Waxay yidhaaheen baasaabooradda cusub ee Soomaaliya ayaa loo baahanyahay, wakhtigii na gabaabsi buu noqday. Isaga oo saaxiibkay ka fikiraaya sidii uu Garoowe (Puntland) cid ugu diran lahaa, ayaa wakhtigii cimaradu ba xidhmay. Sheeko qosol leh bay ahayd, aad na waan uga sheekaysanay ninkaas odayga ah dhibaatada haysata guud ahaan dadwaynaha aan baasboor ajnabi haysanin, muu se ka garaabin.
Xaaladda dhabta ah ee dadka Somaliland ay ku suganyihiin, gaar ahaan marka ay dhinaca safaradda iyo baasaaboorada timaado, waa mid aad u dhib badan, waana meelaha ay ka muuqanayso aqoonsi la’aanta caalamku. Hadaba, sida aan masuuliyiinta Somaliland, mucaarid iyo muxaafidba badankood kula sheekaystay, Somaliland waxa la gudboon, in aanay mar qudha uun sidii bahalkii biriijka ka dhacay iska baraarugin ee ay arintan hoos u eegaan. Tusaale ahaan, hadii lagu heshiiyay in hawada la wada maamulo, oo aqoonsiga iyo sharcigii hawo-marista ee Soomaaliya ee UN tu ogoshahay lagu dhaqmo, xafiis na Hargeysa laga furo, maxaa diidaaya in la hir galiyo hab baasaaboor wada jir ah na lagu soo wada saaro ilaa inta dhan uun loo kala dhacaayo?
Al-muhim, runtu waxay tahay, arimaha qaarkood kuma xalismi karaan waanu diidnay oo kaliya. Hadii E-passport ka la diido in Hargeysa laga bixiyo, wax qorshe ah oo kale na la keeni waayo, waxad ogolaanaysaan in aad afar-lab lacag ka badan intii caadiga ahayd kaga doonataan Garoowe, waana sida haatan dahcda. Waa sida siyaasi, ganacsade iyo shicib ku ba sameeyaan, waan se la isu sheegin.
Maxaa qalinku sheekiyo.
Hadba qodob layaab liyo.
Ma hadhooyin qorayaa. (Hadraawi)
Maxamed Haaruun – mbiixi@gmail.com