Gudashada xajku waa arrin waajib ah oo qof kasta oo muslim ah laga doonayo in uu noloshiisa hal mar tago xajka haddii uu awood u helo. Awooddu waxaa ka mid ah

xag dhaqaale iyo xag nabadeed oo jidka uu marayo ka qabin wax cabdsi ah oo naftiisa gelin karta halis.

وَلِلَّهِ عَلَى النَّاسِ حِجُّ الْبَيْتِ مَنِ اسْتَطَاعَ إِلَيْهِ سَبِيلًا وَمَنْ كَفَرَ فَإِنَّ اللَّهَ غَنِيٌّ عَنِ الْعَالَمِينَ. وقوله – صلى الله عليه وسلم – : إن الله فرض عليكم الحج فحجوا رواه مسلم .

Haddaba gudashada xajka maxaa dan ah oo dadka ugu jira? Sida ku cad axaadiis fara badan oo rasuulka ka sugnaatay waxaa dadka xajka ugu sugan dembi dhaafid iyo toobad dhab ah.

Matalan cimro ilaa cimarada kale wixii dembi ah oo lagaa dhaafayo.

قوله – صلى الله عليه وسلم – : العمرة إلى العمرة كفارة لما بينها والحج المبرور ليس له جزاء إلا الجنة .

Marka qofkii xajka inta uu ku jiro aan wax dembi ah iyo wax xun oo kale oo dhan samaynin wuxuu ka soo baxayaa xajka isaga oo dembi oo  dhan ka ah sidii maalinkii ay hooyadiis dhashay uu ka ahaa oo kale.

وقوله – صلى الله عليه وسلم – : من حج هذا البيت فلم يرفث ولم يفسق رجع من ذنوبه كيوم ولدته أمه .

Intaas oo keliya ma aha ee waxaa kale oo jirta axaadiis kale oo fara badan oo ka hadlaysa fadhaa’ilka xajka,

Marka haddii aad si buuxda u garatid xajku waa habka ugu sarreeya ee loo toobad keeno. Toobadduna waxay u baahan tahay in qofka ay xumaanta iyo dembiyadu dhibeen uuna go’aan ku gaadhay in uu joojiyo dib dambena ugu laaban.

Xajku ma aha wax waajib ah oo aan dadka wax faa’iido ah u lahayn, loomana tago waa waajib  ee tag. Laakiin waa in loo tago toobad keenis.

Marba haddii qofku toobad keen yahay oo goostay in uu xumihii oo dhan ka baxo waa in uu niyadaas ku tago xajka. Markii uu xajka soo gutana waa in uu dhawraa toobaddii oo uu iska ilaaliyaa in uu isaga oo og uu galo dembiyo.

Arkaanta iyo waajibaadka gudashada xajka waxaa ka horreeya in uu qofku toobad keen dhab ah yaahy. Haddii uusan toobad keen dhab ah ahayn uuna xajka tago markii uu soo gutana uu xumaantii iyo dembiyadii isaga oo og sidii caadada u ahayd uu iska sii wato waxna iska beddelin waa xaj qasaaray kaasi.

Markii uu qofku go’aan adag qaato in uu xajka guto isaga oo Alle u soo laabanaya ayay noqonaysaa in uu barto siyaabaha uu ansaxa ku noqonayo xajku iyo shuruudaha oo dhan iyo weliba rugaha uu ku ansaxayo.

Waxaan dadka Soomaalida ah ku adkaynayaa in ay toobadda ilaaliyaan ka dib markii uu soo guto xajka si aanay toobadiisii uga qasaarin. Haddii gudashada xajka ka dib aad toobadii dhawri weydo oo dembiyadii aad geli jirtay iyo kuwo kaleba iska timbanayso sidii hore oo kale xajkaasi waa mid tacab qasaare ah, aannu bannaanayn in la tago. Culumado waxay u badan yihiin haddii qofku xajka tegi waayo isaga oo u leh awood wuu ku gaaloobayaa tegid la’aantaas. Marka waa in aad hal dhagax labo shimbirood ku dishid, adiga oo xajkii tegey iyo adiga oo gudashadiisa ka dib in aad si adag u ilaaliso in aadan toobadii jebin oo dembi oo dhan sida dabka aad uga cararto aad uga carartaa.

Haddaba muxuu qofku xaj ka gudanayaa haddii ka dhigayo biyo col dhaanshay xajkiisii oo uusan waxb ku dheefayn? Kollay qasaare ma aha oo waajib ku saarnaa ayaad iska riday laakiin dheeftii aad ka heli lahayd ayaadan ka helayn haddii aadan gudashiisa ka dib dembiyada iska ilaalin oo aadan noqonin mu’min.

Haddii Soomaaliya intii xajiday ay ahaan lahaayeen kuwo sida ay dabka isaga ilaaliyaan isaga ilaaliya dembiyada Soomaalidu waxay maanta ahaan lahayd dad khayr badan oo is jecel dhibaatooyinka doqoniimada ah ee na haystaana naguma dheceen.

Waxaan ku eedaynayaa culumadii hore in aanay diinta nuxurkeeda barin ubadkoodii. Matal waxay dheheen haddii aad qodobka salaadda ee arkaanta Islaamka uu qofku aaminsan yahay haddii uu tukan waayo ku gaaloobi maayo, aniguna waxaan lee yahay ruux qodobkaas iimaansani ma tukan waayayo kan aan tukaynayni waa qof aan qodobka iimaansanayn.

Sidoo kale qofka inta uu xajkiisii gutay haddana dulmiga, cadaalo darada, ribo cunista, xasadka, sinada, dilka xaq darrada ah, kala qoqobka dadka musliminta ah isaga oo u kala qoqobaya qabiil, xalaalaynta wixii Alle xaaraantimeeyey iyo dembi nooc kasta oo uu yahay culumadu weligood si wada jir ah ugama digin dadka.
GUNAAND

Waxaan culumada sharafta leh ka codsanayaa in ay dadka si qalbigooda dareen gelisa ay diinta ugu macneeyaan.

Qofkana loo sheego in haddii uusan dhawrayn toobaddiisa uusan xajka isku lug goyn.

Ama xaj ha ahaato ama si kaleba u toobad keen eh haddii uu qofku toobadii jebiyo oo galo dembiyo uu og yahay toobadiina waa burtay wixii dembi ahaa ee laga dhaafi lahaan aan laga dhaafayn wixii kale ee uu dembi la yimaadana waa loogu sii darayaa.

MARKA TOOBAD KEENAHA WAA QASAB IN UU TOOBADIISA ILAALIYHO.

Markii uu qofku toobad dhab ah la yimaado isaga oo dembiyada oo dhan iska ilaalinaya ayuu ku sifoobayaa Mu’min waana kuwii uu Alle sheegay in ay liibaanayaan.

أولئك على هدى من ربهم وأولئك هم المفلحون.

Waana kuwa keliya ee u bushaaraysan janno iyo naxariista Alle. Labada nooc ee kale ee dadku uu Alle u kala qaybiyey oo kala ah gaalo iyo munaafaqiin waxay ka mudaysan yihiin cadaabta.
OMER SULEIMAN ALI     05/10/13

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *