muuqaalka shirweynahaShirweynihii saddexaad ee xisbul xaakimka Kulmiye, ayaa dhammaaday maalmihii lasoo dhaafay, isla markaana siyaalo kala duan u saameeyey siyaasadda dalka, dawladda, xisbiyada qaranka iyo

 

qaybaha dadweynaha ku nool dalka, kuwaas oo aragtiyo kala duwan ka qaatay wixii uu ku dhamaaday iyo go’aanadii lagasoo saaray iyo madaxda mar kale loo doortay hogaaminta xisbigaasi .
Laba maalmood oo shirweynahaasi Hargeysa uga socday bulsho ku kala duwan arrimo badan, balse maamulka dawladeed ka dhexeeyo ,waxay labadaa maalmood qaar ka mid ah ka qayabgeleyaasha shirweynahaasi u ahayd laba maalmood oo madow, halka kuwa kalena ay u ahayd laba maalmood oo farxadi hadhaysay, halka kuwa kalena labadaa maalmood u ahaayeen kadeed iyo jactad aan hore usoo marin noloshooda .
Marka laga yimaaddo habqanka ay Hargeysa ku tegeen ergooyinkii gobolka Awdal laga casumay, duruufaha dhaqaale , iyo welwelka ay qaar ka ka mid ah ergooyinku ka qabeen safarkooda Hargeysa, maadaama ay ahayd markii ugu horreysay ee qaarkood cagaha dhigaan casimadda ,ayaa dhinaca kale waxa soo baxayey tuhunno dadka deegaanada kala duwan ee Awdal iyo Salal iyo kuwa siyaasadeed oo ay kala qarsanayeen ergooyinka halkaa tegey, iyadoo qaybo ka mid ah ergooyinkaasi si wanaagsan isku abaabauleen, hudheelada Hargeysa meel ay seexdaan habeen ka hor, isla markaana shirweynaha meel loogasii qabtay.
Dhinaca kale waxa jiray qaar isku hallaynayey madaxda, ama masuulyiinta deegamada ay metetlayaan ee Hargeysa ka joogta masuuliyiintaasi qaarkoodna laga yaabo inay weli Hargeysa kala baran kuna kooban yihiin oo keliya xafiisyadooda .
marka laga yimaaddo sifaha ay Ergooyinka reer Boorama ku tegeen shirweynihii KuLmiye ,waxa jiray dareen ah in ergooyinka qaarkood filayeen inay markiiba shirka iska geleyaan, iyagoo aan ka fikirin waxa ka qabsan doona shirka ka hor iyo waxa ay la kulmi doonaan, balse subaxdii shirkaasi qabsoomayey waayey kaadhadhkii ay ku geli lahaayeen ,madaxdii iyo masuulyiintii ay isku hallaynayeena laftooda ku wareersanaayeen waxa dhacay ,waxayna badi ergooyinkii reer awdal isku shubeen guriga Madaxweyne ku xigeenka, kaasoo ay kula duldhaceen wejigabaxa aya kala kulmeen madasha shirweynaha lagu qabanayey.
Ergooyinka oo qaarkood ka mid ahaayeen Salaadiinta muhiimka ah ee gobolka iyo siyaasiyiin hore xilal waaweyn uga soo qabtay xiukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo kuwii ka horeeyay, xildhibeeno iyo taageerayaal ka tirsanaa xisbiga Kulmiye ,aakhirataankiina loo oggolaaday inay madasha shirka goor dambe galaan ayaa siyaalo kala duwan dareen uga muujiyey shirweynaha Kulmiye.
Hase yeeshee maalintii labaad ee shirweynaha KULMIYE dhammaaday ayaa ergooyinkii ka qaybgalay shirweynaha sadexaad ee Kulmiye ee ka socday Awdal, waxay kala soo laabteen afkaar kala duwan ,dareenno ku salaysan cadho iyo farxad siyaasadeed iyo goboleedba, waxase ku badnaa canaanta loo jeedinayey cidda reer awdal uga masuul ahayd  shirweynaha Kulmiye ee uu ugu horreeyo Madaxweyne ku xigeenka ,guddoomiyaha qaban qaabada ,hawlwadeenada la shaqeeya iyo xitaa wasiirada gobolka Awdal uga wakiilka ahaa xukuumadda ,iyagoo badi dhinacyadaasi loo jeedinayey eedo ku saabsan inay masuul ka ahaayeen dibudhaca reer awdal kaga yimi shirweynaha ,saamiyada hogaanka sare, abaabul la,aanta , itaal-darada siyaasadeed iyo waayo aragnimo la.aanta reer awdal lagu hoos mariyey wax badan oo ay ka filayeen shirweynaha, taas oo xitaa bulshada iyo siyaasiyiinta reer awdal ee Hargeysa ku sugani ku kala fogaadeen, isla markaana debeda soo dhigeen khilaafyo hor leh oo ka dhxeeya.
Duruufaha aynaan soo koobi karayn ee saamaynta shirweynaha kulmiye reer awdal(Awdal iyo Selel), ku yeesheen oo sidaa u muuqda ayaa weli lagasii hadal hayaa sida weli Muuse Biixi u yahay ninka ugu awoodda badan xisbiga iyo hadallo qaar ka mid ah ergooyinka reer Awdal loo soo sheegay shirweynaha hortii oo beenoobay ,kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in shirweynaha Madaxweyne ku xigeenka haatan C/raxmaan Saylci dib loogu dooranayo mansabkaasi, halkii looga sheegi lahaa in hogaanka xisbiga mar kale loo dooranayo iyo xidhiidhkii qaar ka mid ah dadweynaha, xisbiga iyo dawladda u dhexeeyey oo sii xumaaday kaddib shirwerynahaa kulmiye,hoosna looga sheekaysto ciddii masuulka ka ahayd dib u dhacaa iyo kuwii sababta u ahaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *