salaada weysadaNoocyada Nijaaska la iska Nadiifinayo, Sidaynu hore u soo xusnay amma u soo tilmaanay Nijaastu waa wax kasta oo kaa hor joogsan kara inaad gudato waajibka Salaadda,

 

waxaanay u qaybsantaa noocyadan soo socda:
•    Kaadida iyo Saxarada: waxa halkan soo geleya kaadida ilmaha yar oo haddii uu wiil yahay oo uu qof ku kaadsho wuxuu iskaga nadiifin karaa biyo uu iskaga rusheeyo goobtii kaadidu ka gaadhay haddii ilmaha yari gabadh yahayna waa la maydhayaa goobtii kaadideedu ka gaadhay qofka.
Tilmaan 3: haddii ilamaha yari yahay mid cuntada loo bilaabay wiil iyo gabadh ku doono ha ahaadee meesha ay kaadidiisu gaadhay waa la maydhayaa sidaasna waxa sheegay Nebigeena NNKHA.
•    Kabaha haddii Nijaasi kaa gaadho waxaad ku nadiifin kartaa oo keliya inaad dhulka ku xoqdo adiga oo adeegsanaya ciidda.
•    Marada Gabadhu (Xijaabka) haddii ay gaadho meel Nijaas leh waxa nadiifinaya meesha ku xigta ee daahirka ah sidaas darteed uma baahna in markasta ay nadiifiso faraqa xijaabkeeda ee dhulka gaadha, sidaasna waxa Xadiis Saxeex ah ku sheegay Nebiga NNKHA.
•    Dhiiga Caadada loo yaqaan ee haweenka ka yimmaadaa waxa uu ka mid yahay waxyaabaha lagu nadiifiyo maydhasho iyo biyo.
•    Haddii Ey uu dharqado amma uu Leef-leefo weel, wuxuu noqonayaa weelkaasi mid nijaas oo u baahan in la  nadiifiyo.
Tilmaan 4: weelka u Eygu dharqaday waxa la iska nadiifinyaa 7 jeer oo marka ugu horeyaa uu ciid yahay.
•    Biyaha dadka ka yimmaada ee loo yaqaano Wadida , waxay ka mid yihiin waxyaabaha haddii ay jidhka qofka amma maradiisa gaadhaan la iskaga nadiifinayo biyaha, waxaana la isku arkaa biyaha noocaas ah mararka qaar, gaar ahaan  marka ay kaadidu dhammaystiranto,  haddii u qofku biyahaas isku arko wuxuu iskaga nadiifinayaa biyo uu ku maydho xubinta taaranka iyo meshii kale ee jidhkiisa ay ka gaadheen biyahaasi.
Tilmaan 5: Wadidu waa biyo cad oo aad u jilicsan kana soo baxa xubinta taranka oo qofku isku arko markay kaadidu ka dhammaato.
•    Biyaha loo yaqaano Madida oo ah biyo qofku isku arko marka uu ka fikiro galmo. Waxay ka mid yihiin waxyaabaha nijaasta ah ee loo baahan yahay inuu qofku si wanaagsan iskaga maydho oo aanay gaadhin jidhkiisa iyo dharkiisa toona.
Tilmaan 6: Madidu waa biyo cad oo is jiidanaya kuwaas oo xubinta taranka ka soo baxa marka uu qofku ka fikiro galmo iyo wixii la mid ah, waana nijaas mudan in la iska daahiriyo si aanay jidhka qofka iyo dharkiisa toona u gaadhin haddii kale waxa halis ka gelaysa gudashada salaadda.
•    Biyaha loo yaqaano Biyaha Taranka oo ku yimmada markuu qofku galmo sameeyo amma wax u dhigma, waxa la iskaga daahirinayaa maydhasho jidka oo dhan ah. Meeshii ay dharka kaga dheceena waa laga maydhayaa hadii ay qoyan yihiin haddii ay engegeena waa laga jajabinayaa.
•    Waxyaabaha kale ee la iska nadiifinayo waxa ka mid ah Kaadida iyo saalada xoolaha aan la cunin hilibkooda oo haddii ay qofka taabtaan loo baahan yahay in meeshii ay kaa gaadheen la nadiifiyo.
Tilmaan 6: Hadduu qofku xasuusto in maryihiisu nijaas leeyihiin isaga oo salaadda ku jira wuxuu samaynayaa laba arrimood midkood, kuwaas oo kala ah in meesha ay nijaastu ka gaadhay uu iska bixiyo haddii  aanay cawradiisu qaawismayn iyo haddii uu taas kari waayo inuu salaadda ka baxo oo uu iska soo nadiifiyo wixii nijaas ahaa ee gaadhay.
lasoco qaybo kale_____________

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *