TelesomshahaadoHargeysa(Araweelo News Network)Tartankii Dhalinyaradda cuslaatay ee Kubadda Cagta oo muddo laba bilood iyo badh ah ka socday magaalada Hargeysa ayaa galabta lagu soo gabagabeeyey garoonka

 

Dhalinta Kacaan. Tartankan oo ay isku soo hadheen labada kooxood ee Goljano iyo Jigjiga Yar, waxayna guushii ku raacday kooxdii Jigjiga Yar.

Tartankan oo bilaabay 24 March 2014 soona gabagoobay maanta oo ah 11 April 2014 waxaa ku tartameeyeen dhalinyaradii cuslaatay oo iskugu jiray ciyaartoygii ciyaari jiray Sideetamaadkii, sagaashamaadkii, iyo sanadadii u dambeeyey waxaa ka soo qayb-galay 10 kooxa oo kala ahaa: 1) Telesom, 2) Haboon Construction, 3) Masalaha, 4) Goljano, 5) Xawaadle, 6) New Hargeysa, 7) Beerta Xoriyadda, 8) Stars, 9) Jigjiga Yar, 10) Boorama.

Tartanka oo ahaa mid aad u xiiso badan oo daawashadiisa ay kasoo qaybgaleen dadweyne kala duwanan oo iskugu jiray dhalinyaro iyo waayeelba, waxa uu maalin kasta oo Khamiis iyo Jimcaha uu ka dhici jiray garoonka kubadda Cagta ee Dhalinta Kacaanka ee magaalada Hargeysa.

Ciyaartan kamadambasyta maanta ay iskaga hor yimaadeen labada kooxood ee Jigjiga Yar iyo Goljano waxaa labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar farsamadeedu sarayso, waxaanay labada kooxoodba isku qaadaayeen weerar iyo weerar-celin joogta ah. Labadda kooxood ayaa midna wax goolal ah la iman labadii qaybood ee ciyaarta, sidoo kalena aan wax kaadh cas iyo mid huruudana aan loo taagin ciyaaryahanadii ciyaaraayey.

Aakhirkii waxa labada kooxood loo dhigay rikoodhayaal waxaana ciyaartii ku dhamaantay 3 iyo 2 ay guushii ku raacday kooxdii ku ciyaaraysay magaca xaafadda Jigjiga Yar ee magaalada Hargeysa.

Shirkadda Telesom oo ahayd shirkaddii maal-galisay tartankan dhaliyaradda Kubadda Cagta Cuslaatay ayaa gudoonsiiyey koobab iyo biladdo kooxihii ciyaaraayey, shakhsiyaadkii soo abaabulay iyo ciyaaryahankii ugu goolasha quruxda badnaa. Maxamed Cabdi Darbo oo ah madaxa Xidhiidhka Suuq-gaynta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Telesom ayaa abaal-marinaddii uu gudoonsiiyey ciyaartoyga waxaa ka mid ahaa: Guddidii Soo Abaabusay oo ay ka mid ahaayeen, Cabdikarin Maxamed Xirsi, Cabdirisaaq Cabdilaahi Cali (Shabeel), Cabdi Muuse, Cabdiqaadir Muxumed Aadan, Ciyaaryahankii ugu goolasha Quruxda Badnaa Idiris Cabdi Aadan, Wariyaha Ciyaaraha Geeska Afrika Samatar Maxamed Cabdilaahi iyo Shirkadda Telesom oo u u gudoomay Maxamed Cabdi Giire.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *