Ø In xidhiidh togan oo sokeeye lala yeesho Somalia, Al Islaax, Ahlu Sunna, Damul Jadiid, Al Shabaab, UNSOM, Jabbuuti,Khaatumo, Awdal State iyo cid kasta oo aan raalli ka ahayn Wax Somaliland la yidhaahdo oo ka hanoqaadda mandaqaddan Geeska Afrika

 

 

Ø In La mideeyo xoogagga Siilaanyo-nacaybka, Xirsi-nacaybka, Samaale-nacaybka, Muuse Biixi-diidka, iwm. Si loo burburiyo guulaha Somaliland tirsato ee inna qarqiyey

 

Ø In la gunneeyo oo hiil iyo hooba la isla barbar taago ragga iyo haweenka habeen iyo maalin u tafo-xaydan horumarinta qaddiyadaha Gabboodkan, ee wadnuhu engegay, sida Marwo Baar Siciid (Isxambaar), Marwo Faadumo Siciid (Isciyaaleeya), Keligii-Mujaahid Ustaad Cali Guray, Keligii-aqoonyahan Jamaal Cali, Xisbiyahan, Ma-Gabbade Faysal Cali, Nabane Cabdiraxmaan Cirro iyo inta la midka ah.

 

Ø In aan lagu keliyayn xubnaha firfircoon ee sida tooska ah uga soo weriya, gunnadana ka soo qaada inanta fiican ee Fooziya, Xasan, Saacid, iyo madaxda kale, ee lagu xoojiyo xubno kale oo xidid, xigto iyo sigaal-saaxiibtinimo ay yeelan karaan, lagana soo xulo xybnaha 30ka ah ee Gabboodkan isku bahaystay

 

Talo waa Tan Ilaah!

 

 

 

Madalaha

 

1.       Madasha Dantood-jirayaasha

 

2.       Madasha Wada Tashiga & Toosinta Taban

 

3.       Madasha Hor-iyo-daba-Diidka

 

4.       Madasha Xamar-la-Heshiiya

 

5.       Madasha Kayraadku-Waa-Kee

 

6.       Madasha  Dhiirrigelinta Tahriibka

 

7.       Madasha Tacluustiyo Tawsta

 

8.       Madasha Haddaan-talo-Doonay

 

9.       Madasha Hurdaaban-ka-Toosay

 

10.   Madasha Hayee-Wax-Na-Siiya

 

 

 

Golayaasha

 

1.       Golaha Keligii-Fariidka

 

2.       Golaha Qurxinta Tawaawaca

 

3.       Golaha Midaynta Muqdishiyo Hargeysa

 

4.       Golaha Qaylo iyo Qayraan

 

5.       Golaha Haweenka Baxdoobay

 

6.       Golaha Fadhi-ku-Dirirka

 

7.       Golaha Maalin-ku-Macaashka

 

8.       Golaha Wegerta Bahawday

 

9.       Golaha  Wadaadka Beloobey

 

10.   Golaha Wanjalaadda

 

Ardaayada

 

1.       Ardaaga Muwaadin Saqiiray

 

2.       Ardaaga Dalkaan-la-colloobay

 

3.       Ardaaga Indha-adaygga

 

4.       Ardaaga Waxbaa La Cunaayey

 

5.       Ardaaga Abaabulka Beesha

 

6.       Ardaaga Dulmane-Doonka

 

7.       Ardaaga Masayrka

 

8.       Ardaaga Maqlaayda

 

9.       Ardaaga Ma-geyno

 

10.   Ardaaga Fadhiidka

 

Mudane Geelle Talowaa,

 

Xoghaye Guud

 

Gabboodka Talo Qasan

 

Mudane Gheelle Talowaa

Xoghaye Guud

 

taloqasan.network@gmail.com

La soco…..

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *