Waxaan halkan salaan huwan qiimo iyo qaayoba uga dirayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee saxaafadda. Waxaan mar labaad halkan ka salaamayaa

 

dhammaan asxaabta qiimaha badan ee aan ku leeyahay dhamaan dacallada adduunka.

Intaa ka dib, waxaan jecelahay inaan ku soo gudbiyo barta loogu tala galay gudbinta fariimaha iyo odhaahda macquulka ah in lagu baahiyo, kaas oo ah hadal aan badnayd, balse huwan macnoo weyn oo ah waano iyo digniin khuseysa shirwaynaha ka dhacaya gobolkayga (Sanaag-barri),  uuna fahmi karo kii uu maskax Alle siiyey. Aniga oo ah muwaadin kasoo jeeda gobolka Badhan waxaan maqlay in gobolkayaga uu ka bilaawday shirwayne muddo la hadal hayey, kaas oo ay isugu imaanayaa dhammaan beelaha walaalaha ah oo kala haybta duwan ee ku dhaqan gobolkaas.

Shirkan ayaa hadafkiisu waxa uu ahaa in lagaga tashado aayaha iyo masiirka gobolka iyo bulshada ku dhex nool sidii ay ula jaan qaadi lahaayeen hurumarka baahsan ee ka jira dalka ama geyiga aynu ku dul noolahay, sida aynu ka warqabnana gobolku yahay mid aan haba yaraatee lahayn dhammaan qaybaha daboola baahiyaha bulsheed, kuna haga horumarka iyo aayaha mustaqbal ee muhiimka u ah, kana saara dib u dhaca iyo wixii la hal maala, kaas oo gobolkaygu ku caan baxay, Alle haka saaree.

Haddaba, haddii ay bulsho wax garadkeedu meel isugu yimaadaan waxaa muhiim ah in ay ka taliyaan aayaha wanaagiisa iyo sidii loo heli lahaa in laga baxo wixii uu dhaqankeena wanaagsani aanu inoo ogolayn, kaas oo ah wixii Alle raali ka yahay, keenayana horumar iyo is jacayl, noqonna mid sii huriya is-nacayb huwan dib-u-dhac iyo kala fogaanshiyo aan qabiil iyo gar loo qaado toona lahayn.

waa hubaal ah in haddii laga taliyo aayaha iyo danteena lagu gaadhi karo rabitaan iyo is jacayl wax wada qabsi keena  danta guud ee bulshada, waxaana sida runta ah taas lagu gaadhi karaa, waa in shirka laga saarayaa kuwa caadaystey danaha gaarka u ah, had iyo jeerna tantooda ka hor mariya danta bulshada, ee muhiimka ka dhiga rabitaankooda, waana kuwa la isla yaqaan’e.

Danaystuhu wuxuu qofka wanaagga bulshada ka shaqeeyaa u yaqaanaa cadaw ama wuxuu tusaa indhaha maatada dhalanteed ku aroora dantiisa oo keliya. Laakiin deegaankaga wixii dhib ku keenaya u dulqaadan maynno. Aniguna waxaan ahay mid hadal iyo hiilba wax kaga qabanaya, maadaama oo ay tahay waajibkayga oo aan gutey ama gudanayo inaan wax ka qabto kuwa kala dilaya danta umadda.

Waxa caqabadda ku ah deegaanka  waa mid indhaha wax garadku arkayaan, danaha iyo horumarka bulshaduna maaha wax hayb ama isir ku yimaadda ee waa kii ku yimaadda yaa awood iyo kartiba u leh in uu wax ka bedelo xaaladda taagan ee aqoonteeda leh, isbedalna ku keeni kara xaaladdeeda.

sidee ayaa laysugu soo dhowayn lahaa dan wadaagta iyo deegaan wadaagta walaalaha ah ayaa ka kow ah, iyadoon loo eegeyn hab qabiil, dadkana loo bari lahaa wax wada qabsiga iyo aayaha ay leeyihiin.

In la aaminaa waa muhiim in ay tahay cidda ay wax ka dhexaysaa in ay tahay jabad wadaag, jidiin wadaag iyo jid wadaage.
Maaha in loo gacan haadiyo hayb mid aad wadaagtaan oo aan haba yaraatee wax dan ahi ayna idinka dhexayn.
Waa inaad Jeclaato midka kula dan iyo degaan wadaag ah.
Si aad u raali geliso kan hayb wadaagta aad tihiin laguma gaadho macaanka nololeed, balse waxaa lagu gaadhaa yaa isku dan tihiin oo aad wax wada qabsataan.

Aniga oo soo koobaya waxaan ku waanin lahaa ku wanaaga jecel oo aanu isku dan iyo deegaan wadaagba  nahay, waxa inoo wanaagsan aayaha iyo horumarka deegaankeena, oo u baahan in aan ka shaqayno, waa in laga sinaadaa sidii gacanta laysu qabsan lahaa oo hal meel loogu wada dhaqaaqi lahaana laga tashadaa oo shirka guntiisu ahaataa, cidii laga arko dan gaar ahna hal meel looga soo wada jeensan lahaa cadawna loogu arki lahaa, iyada oo aan loo eegayn hayb iyo wixii la mid ah, oo laga shaqayaa isu keenida iyo is jeclaysiinta deegaan wadaagta hamuumta u qaba cidii bari lahayd dantooda kuna hagi lahayd wadada horumarka.

Waxaan ku soo ururinayaa wixii qalad ah ee aan galay ALLAAH ha iga dhaafo, in la I saxana diyaar ayaan u ahay. Tallo waa tan ALLE, ee taladaydu waa danta guud ha loo sinaado, hana laga gudbo habka caajisey ee qabyaaladu aafaysay ee ku habsatey  deegaankayga. Waxaan mahad u naqayaa ILAAHA inoo abuuray (SW) ee cisiga iyo sharafta inna siiyey.

W/Q: Muuse Axmed Maxamuud (Fara Laab)

Email: Xujaale40@gmail.com

Phone: 063-4206242

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *